11 June, 2013

Cismaan Awr Liqe Oo Ka Xogwaramay Weerarkii RRU-du Saqda Dhexe Gurigiisa Ku Galalafeen, Sheegayna Inuu Ahaa Shirqool Loogu Talagalay

Cismaan Awr Liqe Oo Ka Xogwaramay Weerarkii RRU-du Saqda Dhexe Gurigiisa Ku Galalafeen, Sheegayna Inuu Ahaa Shirqool Loogu Talagalay


Hargeysa, June 11, 2013 (Haatuf) - Cismaan Awr Liqe oo habeen hore saqdii dhexe ciidamada RRU-du gurigiisa kala baxeen isaga iyo laba wiil oo uu dhalay ayaa shalay dib u helay xorriyadiisii, kaas oo sheegay in aanu ilaa hadda garanaynin sababta loo xidhay ee xiligaasi gurigiisa loogu soo dhacay. 

Mujaahid Cismaan Awr liqe oo shirjaraa’id ku qabtay markii la soo daayay ka dib gurigiisa ayaa waxa uu yidhi “Niman yahaw anagoo nabad-qab ku seexanay oo gurigayagii joogna, oo ciidamada kala duwan ee qaranka iyo dawladnimada aanu dhisanay oo aan war-war iyo baqid midna nagu jirin baan seexanay, waxaanu ku sarakacnay markay saacadu ahayd 2:30kii habeenimo saqdhexe iyo sawaxan, gariir qayrul caadi ah, oo dube aan halkan ku arkay markii dibada lay soo saaray oo leh saddex meelood oo la qabsado oo aanan dalkeena hore ugu arag iyo dhagax-wayn oo guriga lala dhacayo, waxa ay galeen guriga oo dumarkii iyo caruurtii ay qaylo iyo sawaxan isku dareen, waxay ahaayeen ciidan aanan hore u arag oo xidhan dirays aanan hore ugu arag ciidamada oo ah laba dirays oo ah mid wada cad iyo mid madaw oo ilaa koofiyada iyo kabuhu isku xidhan, muraayadona xidhan oo caruurta iyo dumarka argagax ku abuuray”.

 Mujaahid Cismaan waxa uu sheegay in dhacdadaasi ay ahayd weerar qorshaysan oo lagu soo qaaday oo lala damacsanaa in ay dhibi ka timaado halkaas waxaanu yidhi “Waxa aan ahay qof wayn oo mudakar ah waxa igu filnaa telefon laysoo diro oo lay yeedho oo lay yidhaahdo waxaasaa jiree kaalay, waxaan u arkaa mid laygu talo galay oo shirqool ah oo la soo maleegay oo cidi wadatay oon u dhicin sidii la doonayay maxaa yeelay guriga qori baa ii yaalay waxa ay ahayd hal xabad oo aan rido oo aan is idhaahdo dadkaa kuu soo dhacay ku rid oo dabadeedna anagoo dhan nala laayo, fal sidaas u qorshaysan buu ahaa ayaan filayaa”. Waxa kale oo wararku ay sheegayaan in xalay la sii daayey laba Wiil oo uu dhalay Cismaan Awr Liqe, kuwaas oo guriga laga wada qabtay.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: