11 June, 2013

Cuqaal Ku Baaqay In Maxkamada Loo Daayo Eedaysaneyaasha Weerarkii Lagu Qaaday Wargeyska Hubaal

Cuqaal Ku Baaqay In Maxkamada Loo Daayo Eedaysaneyaasha Weerarkii Lagu Qaaday Wargeyska Hubaal


Hargeysa, June 11, 2013 (Haatuf) – Cuqaasha Beesha Koonfur Galbeed ee magaalada Hargeysa oo uu ka soo jeedo in ku eedaysan weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal oo ka soo baxa Caasimada, ciidanka Bileyskuna kiiskiisa gacanta ku hayo ayaa ku baaqay in eedaysanaha falkaasi loo daayo sharciga iyo maxkamada kiiskaasi gacanta ku haysa.

Cuqaashan ka soo jeeda beeshaasi ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa, kuwaas oo tilmaamay in nabada la ilaaliyo oo dawlada gacanta ku haysa laga dhur sugo.Cuqaasha Shirkaa Jaraa`id ka Hadashay ayaa kala ahaa Caaqil Cadaawe Faarax, Caaqil Maxamed Xaashi Axmed, Caaqil Siciid Cabdi Jaamac iyo Caaqil Kayse Muxumed. Kuwaas oo shirkooda jaraa’id ku yidhi “Walaalayaal inagu cuqaalbaynu nahay siyaasad shuqul kuma lihin inaynu qof u hadalno maaha inaynu qaran u hadalno ayaynu xaq u leenahay, hadii laba qabiil is yar qoonsato inagaa ku dhex jirna nabadayntooda, walaalayaalow labadaa nin ee dambiga loo sheeganayo maxkamad baa la geeyey wixii ay ku soo saarto diyaarbaanu u nahay”.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: