15 June, 2013

Gabadh caawa lagu toogtay Xaafadd Star ee Hargeysa


Gabadh caawa lagu toogtay Xaafadd Star ee Hargeysa
 Waaheen News

Hargeysa(Waaheen) Gabadh lagu magacaabi jiray Raxma ayaa caawa lagu toogtay agagaarka hotelka Star ee magaaladda Hargeysa.

Marxuumadda oo Meydkeeda la soo dhigay Cisbitaalka Hargeysa ayaa Dilkeedana cidna loo qaban, iyagoo Booliisku soo dhigeen oo kali ah Qolka Meydka.

Masuuliyiinta Cisbitaalku wax war ah oo faahfaahsan kamay bixin hase yeeshee waxa ay Booliiskii soo dhigay Meydka gabadhu dib ugu noqdeen halkii ay ka soo qaadeen si ay u baadi doobaan cidii dilka ka danbaysay.

Rasaas ayaa madaxa lagaga dhuftay iyadoo sida ay ilo wareedyo aanu Cisbitaalka kula kulanay sheegeen balse ilaa hada si rasmi ah looma oga wallow ayay warar iskhilaafsani soo baxayaan.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: