15 June, 2013

Xildhibeen Axmed-Wayne Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Xildhibeen Axmed-Wayne Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), ayaa caawa ku geeriyooday.......
Allaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), ayaa caawa ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ka dib markii halkaa loo geeyey Xanuun deg-deg ahi Wadnaha kaga soo booday isla caawa. 

llaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed-wayne ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, Marxuumka ayaa laga soo doortay Gobolka Hargeysa (Maroodi-jeex), isla markaana ka mid ahaa Mudanayaashii Xisbiga KULMIYE ugu soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka qabsoontay 29 September 2005. 
Marxuum Axmed Ibraahin ayaa ahaa Xildhibeenkii ugu codka sarreeyay Xildhibeennadii uga soo baxay Xisbiga KULMIYE gobolka Maroodi-jeex. 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: