Musharax Jamaal oo xukumada Siilanyo seefta galka ugala baxay,fariimo dhiifoona warbaahinta u mariyey
Hargeisa-- Jamaal Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo shalay ka qeyb galay dhoolatus musharaxiinta ururkiisa iyo taageerayaashiisu ku soo bandhigeen cududooda degaanka Wajaale ayaa digniin culus,eeddo iyo dhaliilo isbarkan warbaainta u soo mariyey xukumada Siilanyo iyo xisbigeeda kulmiye.
Jamaal oo ugu horeyn ka hadlaaya khiyaamaday maagan tahay iyo cadaaladarada ka muuqata xukumada Siilanyo iyo Xisbiga Kulmiye Wuxuu yidhi "Kulmiyow idinka yeeli mayno inaad garsoore,siidhi wale iyo ciyaartoygii safnaaba wada noqotaan,waanu idin aragnaa,shacabka reer Somalilanda wuu idin arkaa oo khaldi kari maysaan,waxaa muuqata haddii aad cadalad-daro ku kacdaan sidaad hadda wadaan in sansaan colaadeed iyo dagaal sokeeye dalka ka dhici doono. Hore anigu xukumada umaan dhaliilin, hadal xuna ma odhan laakiin maanta runtaan sheegayaa oo la aqbali mayo sida muuqata habdhaqanka Kulmiye iyo xukumada Siilanyo wadaan".
Dhinaca kale maruu Jamaal ka hadlay ku tagrifalka hantida qaranka,canshuurta muwaadiniintu bixiyaan iyo qabyaalada masuuliyiinta xukumada Siilanyo TV-yada la soo kanbadhuudhsadeen wuxuu yidhi " cadaalad-daradii ayaa badatey,qabyaaladiibaa xogaysatey oo TV-yada rag waaweyn oo masuuliyiin ahi la soo fadhiistaan,anagu waanu shaqeysanay oo lacagtii aanu soo xoogsanay ayaan nalagu aflagadaynayaa,miyaanay ceeb ahayn raga faraqaaya hantdii umada ee siday rabaan ugu takrifalaaya,waa la yaqaanaa raga canshuurtii umad faraqaaya nin shilin hayaa kuma jirin ee lacagtan ay faraqayaan waa canshuurtii umada,u dulqaadan mayno cadaaladarada,waxaa lagu tuntay shuruucdii dalka,Somaliland ayaa daciif laga dhigayaa, waxaa furmay dariiqii Muqdisho iyo in cidi cadhoota oo cadaaladaro tirsataaba dariiqaa marto oo rag badani xamar uyaaceen.Waad ogtihiin oo xisbigii Udub ayaa daaqada ka baxay Ucidna maanta la doonayaa in laga saaro laydinka yeeli mayo!.
|
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
14 November, 2012
Musharax Jamaal oo xukumada Siilanyo seefta galka ugala baxay,fariimo dhiifoona warbahinta u mariyey
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment