Xukuumadda oo inay soo Dabasho Reer Boorama u galaan-galaysatay Saylici iyo Natiijada uga soo Baxday
Hirdanka Xildhibaanadii Tabashooyinka hore ugu soo bandhigay iyo Wasiiro u sii Gogol-xaadhay oo Borama Ruxay
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka u amba-baxaya dhinaca Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama, halkaasoo uu u tegayo laba arimood oo oo midkood aad u xaasasi tahay, xili ay soo dhawdahay Doorashada Golayaasha deegaanka ee 28 Noveber dalka ka dhacaysa.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo la xidhiidha Safarka madaxweynaha ee Boorama, hase ahaatee sida ay Wargeyska WAAHEEN u xaqiijiyeen ilo wareedyo xogo-gaal ah oo Madaxtooyada ka ag-dhaw , safarka madaxweynaha ayaa salka ku haya sidii uu reer Awdal ugala soo xaajoon lahaa dhawaaqyo tabaashooyin ah oo tan iyo markii uu talada la wareegay cirka isku sii shareerayay, kuwaasoo uu doonayo inuu ka sal-gaadho inta ka horaysa Doorashada Deegaanka.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo tegitaankiisa Boorama ka dambeyay ka dib markii uu madaxweyne ku-xgeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici oo uu hore isaga uga ka dalbaday inuu arintaasi ka hawl-galaa dhiniciisa iskaga soo riixay, isagoo ku dooday inay cabashada reer Awdal soo taxnayd labadii sanadood ee ay xukunka hayeen, isla markaana aanu isagu hada haynin wuxuu ku qanciyo, sidaasi awgeedna ay tahay in Madaxweynaha dalka ugu sareeyaa ula tago waxa uu ku shaafiyayo, ayaa maalintii shalay si weyn looga dareemayay magaalada Boorama Diyaar-garow iyo abaabul loogu sii gogol-xaadhayo oo ay halkaasi ka wadeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda boorama uga soo horeeyay, kuwaasoo Sahan iyo soo dhaweyn kaga sii hormaray weftiga madaxweynaha.
Gogol xaadhka Wasiiradda ee Weftiga madaxweynaha, ayaa sidoo kale waxa barbar socda Abaabul Lid ku ah oo ay halkaasi ka wadeen maalmihii la soo dhaafay Xildhibaano Golayaasha Baarlamanka ku jira oo ka soo jeeda deegaamada Gobolka Awdal iyo Selel, kuwaasoo iyaguna dhankooda kaga jira abaabul ay indheer garadka Bulshada ku Uruurinayaan si ay Madaxweynaha u hor-dhigaan xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee tabashadooda.
Wararka Xalay laga helayay gudaha Magaalada Boorama, waxay intaasi ku darayaan in shalay Xaraarada u diyaar-garow wefiga madaxweynuhu meel adag maraysay, isla markaana Xildhibaanada halkaasi ku sugan oo laba todobaad ka hor fariimo cul-culus Madaxweynaha Warbaahinta u mariyay, ay shalay Gaaf-wareeg iyo Tamashle suuqyada ku marayeen, taasoo si weyn looga dareemay Boorama.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa lagu soo waramayaa in la filayo inay Gar-naqsi baaxad leh kala kulmaan Reer Awdal, kaasoo intiisa badan ay hore u sii qadimeen Xildhibaanada Baarlamanka ee Gobolkaasi oo todobaadkii hore mar ay Warbaahinta ka hadleen sheegay in Goboladda Awdal iyo Selel ku dulmanyihiin nidaamka siyaasadeed iyo wax-qabad ee Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagoo aan waxba ka qaban arimahaasi, hadana u badheedhay inuu cagahiisa ugu tago bulshada halkaasi ku dhaqan, oo iyaguna dhankooda laga soo sheegayo inaanay waxba ula hadhi doonin.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in labada dhinac ee weftiga madaxweynaha iyo dhanka reer Awdal, maantaba goroda isku dari doonaan Magaalada Boorama, inkasta oo aan la ogayn qorsha uu madaxweynuhu hada ula socdo iyo waxa uu kaga jawaabi doono cabashooyinka ay hor dhigi doonaan Bulshada gobolku.
Safarka madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay soo dedejisay weedhihii ay todobaad ka hor Warbaahinta u mariyeen Mudanayaasha labada Gole Baarlaman kaga jira Goboladda Awdal iyo Selel oo si cad u qeexay caqabadaha dhinaca bulshada ah ee ka taagan deegaamadii laga soo doortay iyo duudsi siyaasadeed oo ay ka tirsanayaan Xukuumadda, kuwaasoo dhaliilihii ay soo jeediyeen ay ka gubteen Mudanayaal Baarlamanka ku jira oo ka soo jeeda Gobolka Sool.
Xildhibaanada Reer Awdal ayaan iyagu dheg u dhigin Jawaabta ay haladooda ka bixiyeen dhigooda reer Sool, taasoo hada u muuqata inay tahay sababta keentay in madaxweynuhu dareemo in tabashada Gobolkasi ka weyntahay dano siyaasadeed iyo arin shakhsiyaad xukuumadda ku dhaliilaan.
Markii ay Xildhibaanada Awdal hadleen, ayaa la sheegay in madaxweynuhu Ergo u diray ku-xigeenkiisa, taasoo uu ka codsaday inay ku qanciyaan inuu Boorama u tago daminta Xiisadan ay Xildhibaanadu abuureen, waxaana la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku Ergadaasi u cadeeyay inaanu waxba ka qaban Karin cabashada looga soo jeedinayo Xukuumadda Gobolka Awdal.
Geesta kale, wararka laga helayo Safarka madaxweynuhu waxay intaasi ku ladhayaan in madaxweynuhu Olole siyaasadeed oo dhinaca Doorashooyinka soo socda ah ku lifaaqi doono safarkiisan, kaasoo uu taageero ugu raadinayo Xisbiga KULMIYE oo sanadka Ururo badani la qaybsadeen Codadkii uu ka heli jiray Gobolkaasi,, saamayn badan oo dhanka taageerayasha ahna ku yeelatay tabashada deegaamadaasi.
Waxa la filayaa in Madaxweynuhu gelinka hore ee Maanta oo uu Ololaha Doorashada u leeyahay Xisbiga Kulmiye uu kala qayb galay Taageerayaasha Musharixiinta Reer Boorama isus soo baxyada, iyadoo xalay magaaladaasi lagaga soo waramayay inay diyaar-garow balaadhan ku jireen Taageerayaasha Boorama ee Kulmiye, gaadiid Codbaahiyayaal lagu rakibayna fiidkii horeba ku istaadheen Magaalada.
Dhanka kale, warar uu xalay Wargeyska Waaheen u ka helay Magaalada Gabiley oo ah jidka uu madaxweyne siilaanyo Safarkiisa Boorama ku sii marayo, ayaa sheegayay in magaaladaasi laga abaabulayay Mudaharaad aan weftiga madaxweynaha ku waajahnayn, laakiinse ay ardayda Jaamacadda Gabiley kaga cabanayaan komishanka doorashooyinka oo sida ay ku doodayeen maalmahanba inay ka reebeen shaqaalaha loo qaatay hawlaha doorashada.
Goob-joogayaal reer Gabiley ah, ayaa sheegay in Xalay Ardayda Jaamacadda Gabiley abaabul xoogan ku jireen, isla markaana guux iyo hugun hoose oo iska soo horjeedaa ka socdeen halkaasi, iyadoo wararku intaasi ku darayaan inay Ardaydu 8:00 Aroornimo u balameen Mudaharaadkooda, wallow aan la qiyaasi Karin inay isku beegmi doonaan weftiga iyo in kale.
Waaheen
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment