14 November, 2012

Komishanka Doorashooyinka iyo Hogaamiyayaasha Ururradda oo Kulan Al-baabadu Xidhanyihiin u socdo

Komishanka Doorashooyinka iyo Hogaamiyayaasha Ururradda oo Kulan Al-baabadu Xidhanyihiin u socdo

Waxa lagaga wada hadlayaa laba qodob oo hadii aan Xal laga gaadhin Doorasha Carqaladayn kara

Hargeysa(Waaheen)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxda Ururadda iyo Asxaabta siyaasadda ee ku loolamaya doorashada Golayaasha deegaanka ee 28 bishan la filaayo inay dalka ka qabsoonto, ayaa shalay yeeshay kulan albaabadu u xidhanyihiin oo qaatay saacado badan, kaasoo ka dhacay xarunta komishanka ee Caasimada Hargeysa.

Ma jiro war rasmiya oo ay labada dhinac ka soo saareen Kulankaasi, hase ahaatee qaar ka mid ah Madaxda Ururadii kulankaasi ka qayb galay, ayaa si guud mar oo aanay ka madhnayn Xan-qarsi siyaasadeed, Warbaahinta ugu sheegay in lagaga wada hadlayay arimo ku saabsan cabashooyinka la xidhiidha goobaha cod bixinta Doorashada ee deegaamada Galbeedka Burco iyo qayb ka mid ah Gobolada ka sii bariyeeya.

Gudoomiye ku-xigeenka Ururka Xaqsoor Cali Sandulle oo markii shirka laga soo dareeray ay Warfidiyeenadu Su’aalo ku boobeen ayaa si kooban u sharaxay ujeedada guud ee Kulanka, waxaanu yidhi “waxa lagaga wada hadlayay arimaha doorashooyinka iyo Cabashooyinka ka soo baxya deegaamada qaar walina wuu socdaa ee muu dhamaan”ayuu yidhi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Umadda Maxamed Cabdi Gaboose ayaa isaguna su’aalo daran-dooriya oo ay Warbaahintu ku boobtay , kaga jawaabay sidan “Ilmaadeerayaal waxaanu ka wada hadlaynay arimaha doorashooyinka ee dalka ka dhacaya iyo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka deegaamada cabanaya, wax intaa ka badan idin odhan maayo”ayuu yidhi.

Inta badan hogaamiyayaasha kale ee kulankaasi ka qayb galay ayaa ka gaabsaday inay shirkaasi faah-faahin ka bixiyaan,halka Komishanka Doorashooyinkuna aanay wax Ogolaanshiyo ah Warfidiyeenada u siinin in arintaasi wax laga waydiiyo.

hase ahaatee warar duul-duul ah oo shirkaasi ka soo baxay ayaa sheegaya in qodobada layskula soo qaaday ay ka mid ahaayeen in xal laga gaadho Goboladda ka cabanaya goobaha cod-bixinta loogu talo galay iyo kuwa cabashooyinka kale ee farsamo ka soo yeedhayso iyo in meel laysla dhigo lacagta Muraaqibiinta Ururadda iyo Asxaabta ee Doorashada oo ay Komishanku u sheegeen Ururadda in xukuumadda laga sugayo go’aan kama dambeys ah meesha laga bixinayo lacagta ay ku shaqaynayaan maalmaha doorashada, laakiinse aanay iyagu komishan ahaan wax bejed ah u haynin.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kulankani sii socon doono labada maalmood ee soo socda, si ugu dambeynta xal waara iyo go’aan ay labada dhinac isku waafaqsanyihiin looga soo saaro, iyadoo dadka shirkaasi la socdaa ay saadaalinayaan inay labada dhinacba Xukuumadda oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo hor-dhigayaan caqabadahan taagan oo doorashada khal-khal gelin kara hadii aan maalmaha ka hadhay maalinta codaynta wax walba la dhamays tirin

Inta badan Ururada siyaasadda ayaa diidan inay bixiyaan Lacagta Muraaqibiinta Doorashada u shaqaynaysa, halka qaar uu ka mid yahay Xisbiga Kulmiye la sheegayo inuu ogolyahay arintaasi.

Dhanka kale, Qaadacaada Doorashada ee Bulshada ku dhaqan galbeedka Gobolka Togdheer ayaa dareen weyn ku haysa dhamaan Ururadda iyo Xisbiyada ku hirdamaya Doorashada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kuwaasoo labadooduba aad u danaynaya in la helo xal lagu baajin karo arintaasi.

Waaheen http://samotalis.blogspot.com/

No comments: