27 August, 2012

TAARIIKHDII ABWAAN KII WEYNAA EE MAXAMED XAAJI ISMACIIL MAXAMUUD [BARKHAD CAS]-2


Qaybta labaad ee taariikhdiisa Cadan oo ku saabsan Gabadhii Maandariin iyo Marxuum Barkhad-cas...

Biixi Suufi isaga oo ka sheekaynaya gabadha Maandariin iyo abwaanka waxa uu ku bilaabay: "Gabadhan uu isagu ku magacaabay Maandariin (waa liinta cas ee macaane) waxay ahayd gabadh u dhalatay reer Somaliland waxaanay ka shaqayn jirtay bakhaar uu nin Carbeed lahaa oo beeyada lagu hufi jiray kuna yaallay magaalada Cadan weyn abwanku wuxuu gabadha la jeclaaday in uu guursado wiil kufkeeda oo ka furta shaqadan culus ee hufida beeyada iwm. Sideedaba dhallinyartii waagaa jiray waxa guud ahaan caado iyo dhaqan wanaag u ahaa in ay gabdhaha amaanaan caydooduna way ka reebanayd sidaa awgeed gabadha wuxuu u curiyay maanso amaan ah oo uu ku shaaciyay Cadan iyo magaalooyinka kulaalaya ee Khaliijka. "

Waxaanu yidhi:-

Cadkaagaa waan jeclaa inaan calfadee
Cidaaddaydiibay cuslaynaysee
Cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee
Hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa
Danbaa Carabtiyo cidlada ku baddoo
Cid iyo ciirsi toona kuuma hayee
Ka cawlnoow bakhaarka ciida leh.

Cuudiga lashitee carfiga badan lihi
Carriguu ka baxiyo beriga Carabtaba
Ciidaa kaga badan caynkaa xaabadee
Ninkii caarifaa cidlada ka gurtee
cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee
hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa
danbaa Carabtiyo cidlada ku baddee
ka cawlloow bakhaarka ciida leh.

Reer Cadmeed ma yaqaano wixii carfiloo
Canbarkii garan waaye u soo caardaye
Ruuxii cisi leba isagaa caawiyee
Cabdoo naasirbaan cid kuugu diroo
tan iyo ciida dhow cidbaan sugayaa
ka cawlow bakhaarka ciida leh.

Jiilaalkoo cadaaday camalkii
cuudkoo laga waayay caanaha
markuu cirku hoorabaa lacabaa
caleenta dhirtee carfiga badanlee
shinbiruu ka ciyaan cas waaberi iyo
cagaarka soo baxay la caynad tahee
cadkii ilko loo hayaa la cunaa
cid iyo ciirsi toona kuuma hayee
cutuubay ha u jabin cadaawaha
oo ka cawlow bakhaarka ciida leh.

2) Mar aanu marxuumka ka codsanay in uu gabadha noo sifeeyo wuxuu yidhi:-

Hilibka midabkiyo hanaan socodkiyo
habka ay maryahiyo hubka u qaadatiyo
wejigaan haybadiisa lahayn karain
iyo horaadada haatan soo baxayiyo
haddii ayqoslayso dhoolahaad hangatiyo
horjoogeeda waw hamuunsanahee
huqdeeda qalbigaan hurdada bogan
iyo haytaaban halkay igaga taal

Intuu hantideeni cadaw haystee
Hargeysiyo hawdba maqan yahay
Ragaasi halgan iyo hawlbuu ku jiraa
halkana iima muuqdo wiil ku hantaa
haweenka xulkoodi waan ku hubaa
nin hoodo lebaa nasiib ku helee
Biixiyow hagardaamo halis weeyee
huqdeeda qalbigaan hurdada bogan
iyo hay taaban halkay igaga taal


3) Isaga oo sifaheedii sii wada wuxuu yidhi:-

Madheera oo gaabni way dhaaftoo
ma dhuubnoo baruurtu may dhicinoo
dhexdeeda taakadaa is dhaafaysoo
dhawaaqa hadalkeedu kuma dhibo
dhalaalka midabkeeda dhaayaha
midaan u dhigoon ku dherershaa
may dhalan dhabarkana laguma sido.

4) Mar uu ku calaacalayey in gabadhan Cadan laga kaxeeyo intaan la xumayn wuxuu yidhi:

Intaanay mayrac barin mid soo mirataa
intaanay mooda baran macdaarada
maqaar baaniyaal intaan loo marmarin
masbow fadhiyoo hablihii madhiyaye
intaanay ka jabin mataanaha
maandariin yaa ka dhoofsha magaalada.

Guurkii Maandariin iyo siduu u dhacay. Biixi Suufi isaga oo markana ka hadlaya guurkii Mandariin waxa uu ku bilaabay ereyadiisa sidan: "Amaantii maandariin ayaa meel walba ka dhacday gaar ahaan Khaliijka Carabta markaas buu Cadan yimid nin waagii hore reer Cadmeed ahaan jiray halkaas baanu ku guursaday kuna kaxaystay gabadhii Maandariin.

Muddo gaaban ka dib ayuu Barkhad Cas gabadhii ka waayay bakhaarkii ay ka shaqayn jirtay oo uu maalin dhaaf ku soo booqan jiray, markaas buu curiyey maansadan soo socota ee baafinta ah, waxaanu yidhi:-

Bidhaanteeda waan u boholyooboo
beryahan arageeda kama boganoo
bakhaarkii ka waayay beeyada e
baadida lama oga barbar ay u kacdaye
bulaysku waxbay badbaadshaane
bal Biixow dhanka Sheekh ka soo baadh.

6) Nin kale oo bulayska ahaa oo isagana uu diray wuxuu ku yidhi Maxamed Caliyow ku magansadaye (Maxamed Cali Naahi )
haddii maal la xado adigaa soo maqloo
malkada taarakshaan adigaa marmaree
meel ay jirto maanta garan maayoo
minankay joogtay way ka maqantahaye
intaanay ka jabin mataanaha
intaan la magaabin madhatada
Maandariin meelahaa ka soo baadh.

7) Baafin guud wuxuu yidhi:-

Malaa dalkan way ka maqantahaye
Macruufkiyo Carabta reer Macalow
Muslinow Maandariin ma aragteen.

QAYBTII KOWAAD: http://samotalis.blogspot.com/2012/08/taariikhdii-abwaan-kii-weynaa-ee.html

LA SOCO QAYBTA SEDDEXAAD IYO NOLASHII CADMEED IYO SOMALILAND



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: