Biixi Suufi Abokor oo ay saaxiib ahaayeen marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas), kana mid ahaa raggii xogogaalka u ahaa ayaa isaga oo ka waramaya taariikh nololeedkii iyo maansooyinkii abwaanka wuxu yidhi: "Run ahaantii xilligan adag ee aynu ku jirno maan jeclayn in aan soo hadal qaado taariikhdii dhowrsanayd ee marxuum abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud oo ku magac dheeraa Barkhad-cas), balse waxaa igu keliftay oo aan qaadi waayey markii rag ka mid ah saaxiibadii reer Cadmeedka ee waayo-waayo oo xogogaal u ahaa in aan wax ka hayo taariikhdii iyo maansooyinkii abwaanka ee waayihii Cadan".
Biixi Suufi isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: "Aniga oo si gaar ah ugu mahadnaqaya raggii hore dedaalka u muujiyey ee sida niyad-samida ah wax uga xusay maansooyinkii marxuum Barkhad-cas ee wakhtigii dalka Cadan aniguna haddii aan wax hagrado halay hadho," isagoo ku bilaabay sidan: "Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas) iyo maansooyinkiisii qaar ka mid ah ee magaalada Cadan laga soo bilaabo sannadkii 1953kii ilaa 1958kii oo aanu isku mafras ahaan jiray, iyo mar labaad taariikhdiisii dalka Somaliland ee 1958 ilaa 1963kii. "
Aniga iyo marxuumku xilligaanu isbaranay waxaan ahaa Booliska Cadmeed waxaanan ka shaqayn jiray xaafadda Sheekh Cusmaan badiba marxuumka waxaanu lahaan jiray sheeko wadaag gaar ahaan xilliga qayilaada oo aanu isku mafras ahaan jiray xaafadaha Sheekh Cusmaan iyo Daara Sacad ee magaalada Cadan. Biixi isaga oo sifaynaya abwaanka wuxuu yidhi:- "Waxaan ahaa ninka qudha ee murtidiisa diiwaan geliya."
Marxuumku inkasta oo uu ahaa ragga kaftanka badan iyo weliba reer magaalka da'da ka xanaaqa intaa aanu wada joognay marnaba da'diisa maan su'aalin kaftanba ha ahaatee waxaan se hadda ku qiyaasi karaa in ay xilligaa da'diisu ahayd ilaa 35-40 jir. Midabkiisu wuxuu ahaa casaan aad u qorqoran. Wuxuu lahaa timo madow oo aad u jilicsan (timo Hindi), dhererkiisu qiyaas ahaan wuxuu ahaa 1-70. Wuxuu lahaa golxo yar oo aan wax u dhimayn joogiisa iyo muuqaalkiisa midnaba.
Labada foole sare wuxuu ku lahaa dabar cas oo laba liid ah, oo markuu qoslaayo aad loo jeclaysto." Biixi waxa uu intaa ku ladhay oo yidhi: "Marxuumku wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo meesha uu fadhiyo lagu soo xoomo, waxaanu hadalkiisa raacin jiray kaftan, qosol dhoola caddeyna iyo weji furan oo reer magaalnimo ah."
Dhinaca suugaanta isaga oo faahfaahin ka bixinaya waayihii Barkhad-cas waxa uu yidhi: "Marxuumku wuxuu ahaa abwaan hal abuurka maansooyinka Ilaahay u siiyay deeq iyo hibo gaar ah, waxaanu kuba haasaawi jiray eray bixinta maansada isaga oo ragga meel la fadhiya ay caado u ahayd in uu midba midh kaftan ah ku tuuro.
Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu lahaa shakhsiyad naadir ah oo dulqaad iyo dabeecad sami ku aroorta, waxaanse aad uga xumahay taswiirtiisii oo aanan maanta gacanta ku haynin. Dhinaca tacliinta wuxuu si fiican ugu wanaagsanaa Carabiga af iyo qoraalba, waxaanu ahaa nin jecel waddankiisa iyo gaar ahaan Hargeysa oo uu mar walba afka ku hayn jiray. "
Qaybta labaad ee taariikhdiisa Cadan oo ku saabsan Gabadhii Maandariin iyo Marxuum Barkhad-cas...KALA SOCO QAYBTA LABAAD.
No comments:
Post a Comment