26 August, 2012

Kulan rasmiya oo Hargeysa maanta uga furmaya xisbiga UDUB iyo ururka HORYAAL

Kulan rasmiya oo Hargeysa maanta uga furmaya xisbiga UDUB iyo ururka HORYAAL 

Hargysa,-Warar xogogaala oo xafiiska Shebekada Qarannews Hargeysa soo gaadhey Maanta ayaa xaqiijinaya in hogaanka urur siyaasadeedkii la reebay ee HORYAAL kulan rasmiya la yeelan doonaan masuuliyiin sarsare oo xisbiga UDUB u soo xulay inay wadahadalka uga qeyb qaataan,kulankan ayaa tibaaxuhu sheegeen inuu ku saabsan yahay sidii labada dhinac uga wada arinsan lahaayeen inay maalkooda,maskaxdooda iyo muruqooda mideeyaan oo meel isagu geeyaan si ay tartanka doorashada golaha degaanka wacdaro u muujiyaan.

Ilo u dhuun daloola kulankan xisbiga UDUB iyo ururka HORYAAL maanta u furmi doona ayaa noo sheegay in isla maanta go'aano cadcad oo kama danbaysa laysla meel dhigi doono,heshiis rasmiyana la kala saxeexan doono taas oo macnaheedu yahay in urur siyaasadeedka HORYAAL ee xukumada Siilaanyo ka saartay ama ka reebtay saaxada siyaasada si toos ah ugu biiri doono ama uga mid noqon doono xisbiga UDUB inkastoo shuruudaha lagu heshiiyey weli banaanka u soo bixin.

Qarannews
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: