Habeenkii 19 Feb ee 2007 ayaa lagu soo bandhigay Akademiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland buugga A note on My Teachers Group ee uu qoray Jama Musse Jama, Waxaana soo bandhigay naadiga HRC oo ah Hargeisa Redears Club, waxaana u soo badhigay arday ka mid ah Jamacada Hargayasa oo ah Khalid Jama Qodax. Waxaa ka soo qayb galay boqollaal qof oo ay ku jiraan martisharaf debedda ka timi sida Ali Marshal, iyo aqoonyahanno dalka deggan sida Boobe Yusuf Ducaale iyo kuwa kale oo badan.
________________________________
A NOTE ON MY TEACHER'S GROUP
News Report of an injustice
Dr. Jama Musse Jama
Edition 2003
Buuggan waxa qoray aqoonyahan dagan waddanka Talyaaniga, oo la yidhaahdo Dr. Jama Musse Jama. Jama waxa uu qoray lix buug oo kale oo ku soo baxay Afaf kala duwan sida Talyaani, Ingiriisi, iyo Somaliba, waxa kale uu Jama Muuse Jama uu soo saaray Taxanaha dhaxal reeb, oo ah wargays Electronic ah oo ku soo baxa degelka redsea-online.com.Waxa kale oo uu Jama sameeyay "Ubbo" oo ah Spelling Checker oo wali tijaabo ku jirta iyo Buugaag kale oo uu qoro oo u hadda wado.
Buuggan "A note on my teacher's group" waxa uu soo baxay 2003, waxaanu Jama ku soo bandhigay Jaamacadda Hargeysa oo uu dad badan ugu sharraxay micnaha uu xambaarsan yahay buuggani.
HORDHACA BUUGGA:
Buuggani waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood, qaybta koowaad ee buuggu waxa ay ka warramaysaa sababtii iyo wakhtigii la xidh-xidhay kooxdii UFFO iyo dareenkii wakhtigaa ku gadaamanaa ee jiray.
Qaybta labaad ee buuggu waxa falaqayn lagu sameeyay go'aankii Maxkamadda oo nin garyaqaan ahi uu ku sameeyay oo la yidhaahdo Mr. Ibraahim Xaashi Jaamac,waxa kale oo ku jira Buugga Go'aankii rasmiga ahaa ee maxkamadda oo ku qoran luuqada Af-soomaaliga oo loo turjumay Af-ingiriis oo uu u turjumay Dr Axmed Xuseen Ciise.
Qaybta Saddexaad ee buuggu waxa ay ka warramaysaa taariikho koobkooban oo Somaliland ku saabsan iyo waliba Taariikh nololeedkii kooxda UFFO oo xagga dambe ee buugga ku qoran.
SABABTA MAGACA LOOGU BIXIYAY BUUGGA:
Sababta ugu wayn ee uu qoraaga buuggu Jama Muuse Jama uu ugu bixiyay magaca buuggan waa isaga oo arday ahaa markii ay dhacaysay dhacdadan kooxda UFFO lagu xidh-xidhaayey, iyo waliba in kooxdan ay ku jireen wakhtigaa xidh-xidhnaa macallimiintiisi wax u dhigi jirtay, sababtaasi ayaa keentay in aan buuggan u bixiyo "A note on my teacher's group", intii aan u baxin lahaa UFFO ama Hargeisa Self-helped Group,
SABABTA UU QORAAGU U QORAY BUUGGAN:
Sababta ugu way ee aan buuggan u qoray ayaa uu yidhi qoraagu waa in la ogaado taariikhdii uu dalkani soo maray loona sheego jiilba jiilka ka dambeeya dhacdooyinkii dhacay 1980 iyo waliba Feb 20 1982, lana ogaado waxyaabahii keenay iyo sababtay u dhacday in la xidh xidho aqoonyahannadii UFFO.
HARGAYSA IYO 1980 SIDAY AHAYD
Qoraagu waxa uu ka sheekaynayaa siday ahayd Hargaysi 1980 waxaanu sawir dhab ah innaga siinayaa wakhtigaa siday Hargaysi ahayd isaga oo ka sheekaynaya waxa uu yidhi waxa jiray wakhtigaa koox aqoonyahanno ah oo dibadaha iyo gobalada dalka ka kala yimid, oo dib ugu soo laabtay hargaysa, kooxdaasi waxa ay la soo guryo noqdeen fikrado cusub oo ah iskaa wax u qabso iyo in aan lagu tashan dawladda wax ka yimaadda ee la abaabulo sidii dadku ay wax u qabsan lahaayeen, sababta oo ah waxa u dul-qaadan waayen baahiyahii wakhtigaa ka jiray hargaysa ee aan ka jirin gobollada kale ee dalwaynahii la odhan jiray Soomaaliya.
Qoraagu waxa uu sheegay in wakhtigaa Hargaysi aanay lahayn biyo ku filan, laydh, waddooyin, goobo caafimaad, iyo baahiyaha kale ee bini-aadamku u baahan yahay oo dhan, qoraagu waxa uu yidhi gobolada waqooyi waxa ay ahaayeen sidii uu kaga tagay Gumaystihii Ingiriisku wax lagu kordhiyayna may jirin, dakhliga ka soo baxana waxa toos u isticmaali jiray dawladda oo ku isticmaali jirtay arrimaha siyaasadda, xidh-xidhka dadwaynaha iyo arrimaha kale ee ay doonayso dawladdu.
Qoraagu waxa uu si toos ah u soo qaadanayaa xagga waxbarashada oo uu sheegay in wakhtigaa Hargaysa ay ka jireen macallimiin la'aan baahsan, halka ay gobalada kale macallimiintu ay isku bateen, aqoonyahannadii dalkuna noqdeen kuwa la xidh xidho iyo kuwa dalka ka baxsada oo raadsada nolol dhaanta tan digtaatooriyada ah.
Qoraagu waxa kale oo uu soo qaadanayaa dhinaca Caafimaadka iyo wakhtigaa Hargaysi bal sida ay ahayd. Dr. Adan Yusuf Abokor oo wakhtigaa loo magacaabay Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa ayaa waxa u ka warramay bal qaabkii uu ahaa cisbitaalku wakhtigaa. Dr. Adan waxa uu yidhi waxa kaliya oo Cisbitaalka joogay wakhtigaa Dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin niyad uun hayey in ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan, ee may oolin wax kale oo ah daruuriyaadka looga baahan yahay caafimaadka oo dhan, qofku isaga ayaa dawooyinka, sariiraha, gogosha, cuntada iyo waliba waxyaabaha kale oo dhan soo qaadan jiray waxa kaliya ee dhakhaatiirtu u qaban jireen waxa ay ahaayeen "Services" Haddaba xaalku si kastaba ha ahaadee waxa ay kooxdaas UFFO ee aqoonyahannada ahi isku dayeen in ay qabtaan kullamo wacyi galin ah oo ay sameeyeen oo dadka ku baraarujinayaan in ay wax qabsan karaan, waxayna abaabuleen kulammo badan oo ay la yeesheen ganacsatada iyo waxgaradkii magaalada Hargaysa joogay oo dhan, waxaanay sameeyeen bar bilow fiican oo ku dayasho leh oo ay ku caawinayaan Cisbitaalka Hargaysa,
Dr. Adan Yuusuf Abokor waxa kale oo uu sheegay in ay isku xidheen Cisbitaalka Hargaysa iyo urur mutadawacnimada ka shaqeeya oo la yidhaahdo GERMENY EMERGENCY DOCTOR'S (GED), oo caawiyay Cisbitaalka Hargaysa ka dib markii uu dadaal badan u galay Dr. Aden Yusuf Abokor, waxaana isku xidhka GED iyo Hargeisa Cisbitaal lahaa nin Somali Ethiopian ah oo la odhan jiray Abdulkariin A. Guuleed oo dhigan jiray Jaamacad ku taal Jarmalka, GED oo ah urur samo fal ah waxa ay kaliya caawin jireen wadamada xaaladaha dag-daga ahi ka jiraan wayna u cuntami wayday in ay caawiyaan Cisbitaalka Hargaysa oo dawladi gacanta ku hayso, haddaba si uu Dr. Adan Yuusuf Abokor u qanciyo kooxdan waxa uu u sheegay in qaxoonti badan oo ka soo qaxay dagaalakii 1977 u dhaxeeyay Ethiopia iyo Somaliya ay dagan yahiin hareeraha magalada Hargaysa oo ay caafimaad ahaan u yimaadaan Hargaya Cisbitaalkeeda sidaad daraadeen ay haboon tahay in intii ay caawin lahaayeen meelo kale ay caawiyaan cisbitaalka hargaysa si uu isaguna u caawiyo dadkaas soo qaxay iyo kuwa kale ee magaalada daganba, dood dheer ka dib waa la is la qaatay arintaasi oo way ku qanceen GED arintaasi uu Dr. Aden Yuusuf Abokor u sheegay wayna caawiyeen Cisbitaalka Hargaysa, wax badana way la qabteen.
Sida uu qoraagu Jama Musse Jama uu ka xigaanaayo buuggaag kale waxa wax qabadkaa ka dib kulmay dawlada iyo Agaasimahii Cisbitaalka Hargaysa, waxayna galeen laba kulan kulanka hore waxa gadhwadeen ka ahaa Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa Dr. Aden Yusuf Abokor waxaanu hadalkiisa ku bilaabay in wareeggii hore ee dib u dhiska iyo dib u qaabaynta Cisbitaalka Hargaysi dhamaaday oo guul wayn ay gaadheen ka dib markii ay dadaal badan sameeyeen.
Kulanka labaad waxa hogaaminaayey gadhwadeena ka ahaa General Gaani oo ahaa Commandorkii ciidamada ee gobolka waqooyi oo xukumada dhexena wakiil uga ahaa Hargaysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay waxa jira kooxo iska hor keenaya dawladda iyo shicibka oo waxa ay wadaan aan loo dul qaadan Karin, waxaanan amray in la soo wada xidh xidho waanan haynaa liiskoodii kooxdaasi oo dhan, manaanu awoodi waayin in aanu wax ka qabano kooxdaas.
Sida ka muuqata laba kulan waxa ay kala ahaayeen kuwa aad u kala fog oo mid waxa la ga hadlayaa waa wanaag, ka kalena waxa laga hadlayaa waa wax aan la qaadan Karin wayna u cuntami wayday Agaasimahii cisbitaalka Hargaysa wanaagii ay wadeen iyo waxa ay xukumadu ugu abaal guday.
Kooxdan hawashii ay bilaabeen, waa la joojiyay waana la xidh xidhay, waxaana la xidh xidhay wakhtig aad iskugu wada dhow dhow, waxaana loogu hor xidhay kooxdan Ahmed Maxamed Yusuf "Jabane", waxa uu qoraaga Buuggu Jama Muusse Jama uu waydiiyay Su'aal isku mid ah bal qaabkii uu u bilaabmay xadhigoodu kooxdan Saddex xubnood oo ka mid ahaa oo kala ah Maxamed Baaruud Cali, Maxamed X.Maxamuud Cumar Xaashi, iyo Dr: Adan Yusuf Abokor bal in ay ka waramaan qaabkii uu ku bilaabmay xadhigoodu, waxaanay Dhamaan isku raaceen in la wada xidhay saq dhexe oo guryahooda loogu yimid, si ka baxsan nidaamka bini-aadamnimadana loola dhaqmay markii laga kaxaynaayey guryahooda, waxaanay si gud uga warameen qaabkii uu habeenkaasi ahaa..
AFARTII BILOOD EE AY XIDHNAAYEEN EE DACWADOODU SOCOTAY
Qoraaagu Buuggu Jama Musse Jama waxa uu aad uga waramayaa afartii bilood ee badhidoodu socotay ee ay ku jiree xaruntii NSSta iyo jeelka dhexe ee Hargaysa, waxaana si gaara uu u soo qaaadanayaa Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa kooxdaa UFFO, ayaa uu qoraagu xiganayaa oo uga sheekaynaya bal qaabkii uu ahaa baadhidoodu iyo sidii loola dhaqmi jiray intii ay ku jireen xaruntii NSSta ee magalada Hargeisa, Maxamed Baaruud oo ka sheekaynayaana waxa uu yidhi: Waxa nala waydiin jiray su'aalo badan, waanala jidh dili jiray, biyo aayaa madaxa naloo galin jiray, waxa na loola dhaqmi jiray si ka baxsan Bini-aadamnimada waxay noo waraysan jireen mid mid, waxayna nagu odhan jireen, saaxiibadaa sidaa iyo sidaas ayay noo sheegene maxaad adigu u qarinaysaa arintan aha in aad abaabusheen urur ka dhan ah dawlada oo toleed oo aad u bixseen R.U.D.M oo ah Raga u Dhashay Magaalada, soona saarteen joornaal aad u bixiseen UFFO oo aad ula jeedaan dabaysha ka horeysa roobka, ururkiinuna uu yahay hor dhacii dawlad aad rabtaan in aad dhistaan oo aad ku bur burisaan tan hada jirta. Waxaana si gaara loogu eedaynayaa in ay sameeyen ururka Maxamed Baaruud, Axmed Maxamed Yusuf "Jabane", Maxamed X.Maxamuud Cumar Xaashi iyo Dr. Adan Yusuf Abokor in ay madax ka ahaayeen ururkaasi, qaybiyeena Joornaalka ay u bixiyeen UFFO, Waxa kale oo eedaysanayaasha kale lagu eedaynayaa in ay ka qayb qaateen shirar qarsoodi ah oo ay la galeen kooxdaas hore, wax kale oo eedaysanahayaasha qaaarkood lagu eedaynayaa, Maqaalo Gabayo ah oo laga helay guryahooda, waxa kale oo xubin ka mid ah kooxdan lagu soo eedeeyay in uu ku kacay Afmiishaar-nimo oo uu iska hor keenay xukumada iyo shicibka oo uu yidhi nimankan xidhan ee UFFO wax dambi ah oo ay leeyohiin ma jirto ee dawladdu ha sii dayso. Sida uu sheegay Maxamed Baaruud raga baadhi jiray waxa ay ahaayeen kuwa u tababaran habka wax loo baadho oo Ruushka wax ku soo bartay, waxaanu yidhi marka lana kaxaynaayo madaxa ayaa na laga xidhi jiray oo meel aanan garanaynin ayay nala tagi jireen oo nagu waraysan jireen, maalin walba waa nala qaadi jiray, maannu heli jirin cunto, cabid iyo waxyaabaha kale ee daruuriyaadka ah ee aanu u baahano.
Su'aalaha ay na waydiin jireen waxa xusid mudan oo ka mid ahaa in ay nagu odhan jireen maxaad ula baxdeen magacyada kala ah BAARUUD,COLAAD,CAABI, iyo DAGAAL, waxaanay nagu odhan jireen miyaanay magacyadiinu ka turjumaynin aad aad tahiin rabshad wadayaal, waxa aan ugu jawaabay oo aan ku idhi markii ay su'aashaasi I waydiiyeen oo miyaydaan arkin in kooxdan qaar ka mid ah la yidhaahdo DUCAALE,WARSAME, iyo MADAR, oo dhamaantood ka turjumaaya wanaag inta aad arkaysaan kuwa kale ee ah Naannays iyo maggacyada awawyaashayo.
Sida uu qoraagu ka xiganaayo Maxamed Baaruud Cali iyo Maxamed Xaaji Maxmuud Cumar Xashi waxa ay labadooduba sheegeen in wakhtiyadii ugu xumayd ee noloshooda soo marta ee la jidh dilo ay ahayd, waxaanay sheegeen in nooc wal oo jidh-dil ah oo lagu sameeyo qof bini-aadam ahba lagu sameeyey, waxaanay ka waramayaan wax badan.
ARDAYDA IYO MUDAHARAADKOODII DHAGAXTUURKA EE Feb 20th 1982
Maalintii ay ku beegnayd in maxkamada Gobolka ee Hargaysa la soo taago kooxdii UFFO ayaa waxa ka dhacay magaalda hargaysa mudahaaraadyo aad u waa wayn oo ay hor kacaayeen ardaydii Dugsiyada sare iyo Hoose/Dhexeba oo ay markii dambe ku soo biireen qaybaha bulshada oo dhami.
Waxa maalintaasi ay ciidamadkii la odhan jiray GUULWADAYAASHU ay is ticmaaleen xoog dheeraad ah waxayna xidh xidheen ilaa 400 oo arday iyo dadwayne aad u tiro badan oo kale waxaaana loo dhaadhiciyay jeelasha Madheera iyo Berbera oo maalintaasi buuxsamay, waxaanay ka xumaayeen ardaydaasi xukunka sharci darada ah ee lagu qaadaayey Macalimiintoodii, Dhakhaatiirtoodii, iyo Aqoonyahanadoodii. Maalintaas dhagax tuurka waxa ay hargaysi ahayd Fulkaane qarxay oo kale, waxaanay isku rogtay Hargaysi, Bayruut oo kale.
Alle ha u naxariistee waxa maalintasi dhintay Arday ka mid ah ardaydii dhigan jirtay Dugsiga Sare ee Gacan libaax oo la odhan Jiray BARRE XAAJI CILMI oo da'diisu ahayd 17 oo xabadii ay ridayeen askartii Guulwadaayaashu ay kaga dhacday caloosha isaga oo maraaya suuqa hoose ee Hargaysa meel u dhow Fooqa Jirde Xusseen ee badhtamaha magalada hargaysa, Alle ha u naxariisto oo neecow ugdoon janatul fardawsa ha ku siiyee waxa lagu Aassay Barre xabaalaha Xawaadle isla maalintaas.
Waxa maalintaas aan la ilaabi Karin ka mid ahaa Gabaygii uu Hadraawi ka tiriyaye ee Hargaysi ma Toostay erayadan:
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jihaadka hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka gadooday
Ka qayb galin hawsha
Maalintaas Feb 20th ahayd 1982 oo ku beegnayd maalintii maxkamda la soo taaggayey kooxdan UFFO waa socon wayday maxkamadii ka dib dhagaxtuurkaas ka dhacay magalada Hargaysa oo markii dambena ku sii fiday magaaalooyinka waa-weyn ee Burco iyo Berbera, waxaana dib maxkamadii la iskugu soo noqday Feb 28th 1982 dacwada ugu wayn ee loo haystayna waxa ay ahayd in ay abaabuleen urur la odhan jiray "R.U.D.M" oo ah Raga u Dhashay Magaalada iyo in ay soo saareen oo qaybiyeen Joornaal ay u bixiyeen UFFO oo ay ku kicinayaan Dadwaynaha, eedahas loo hayay oo aan sal iyo raad toona layn kuna cadayn kari wayday Maxkamadu.
Waxa xusid mudan in ay xukumadu ku cadayn kari wayday kiiska kooxdan loo haysto,sababta oo ah waxa ay qareenadii u doodayey kooxdan oo inta ay arki jireen ay iska yaraydba kooxda UFFO oo maalinta maxkamada uun ay arki jireen, ayaa ka codsaday maxkamadii in ay keento nuqul ka mid ah Jooornaalkan lagu eedaynayo iyo waliba ururkan ay sheegtay dawladu meesha uu ku shaqayn jiray iyo waxa ay isticmaali jireenba, dawladii wakhtigaa jirtay way u wayday wax cadayn ah, waxaanay kiiskooda kooxdan u cuskatay nidaama laga hagaayey Fila Somaliya oo looga talin jiray Somaliya. Xaaladu si kastaba ha ahaate, waxa ay noqotay in aakhirkii la xukumo kooxdan UFFO oo lagu kala xukumo. Laba ka mid ah kooxda waxa lagu xukumay madaxaaa ha ku furto ama xabsi daa'in, inta kalena waxa lagu kala xukumay inta ku dhaxaysa min Soddon sano ilaa saddex sano in ay ku jiri doonaan xabsiga.
Ka dibi xukunkoodi sideed bilood ayay ku qaadatay in ay ku jiraan xabshiga dhexe ee Magalada Hargaysa, waxaana 24th October 1982 loo dhaadhiciyay oo loo baddalay xabsiga "LABAATAN JIROW" oo amaankiisa aad loo ilaalin jiray oo ku yaala meel u dhow Magalada Baydhabo, waxaanay ku qaadatay in ay xabsigaa ku jiraan oo ku dhamaystaan. Lix bilood iyo badh oo ay ku jireen xaalad qalafsan oo aad u xun.
SIDAY AHAYD NOLOSHII XABSIGA LABATAN JIROW (Maximum Security Prison)
Xabsiga Labaatan Jirow waxa uu ahaa meel amaankiisu aad loo ilaalin jiray, waxaanay kala kulmeen Kooxdan UFFO dhibaatooyin badan, sida jidh dil lagu samayn jiray iyo in habeenkii lagalla baxi jiray qolalkii ay ku jireen ee aadka u yar yaraa.
Kooxdan UFFO waxa ay ku go'doonsanaayeen mudo ku dhan 2375 Maalmood oo u dhiganta Lix bilood iyo badh in ay ku jireen qol aad u yar oo cabirkiisu ahaa "2 by 2 Square meter cell", waxaanay waayeen kooxdani waxyaabaha daruuriyaadka ah ee nolosha biniaadamku u baahan tahay sida in qofku helo qof uu la sheekaysto ama uu la hadlo, wax uu cuno, wax uu cabo, iyo meel fiican oo uu ku noolaado intaba may helin kooxdan UFFO, Xaaladu si kastaba ha ahaatee waxa ay aakhirkii samaysteen qaab ay u wada hadlaan oo bal isku waydiiyaan midba mid ka kale caafimaadkiisa iyo waxa uu dareemayo iyo sida uu yahay xaalkiisu, waxaanay samaysteen qaab aad u sahlan oo ay u wada hadli jireen waxaanay hadalka iskaga gudbin jireen gidaarka dhexdiisa, Maxamed Baaruud oo arintaasi si toos ah uga hadlaaya oo uu qoraagu xigaanayo waxa uu sheegay in xataa uu ku bartay isagu Afaf kale oo qalaad sida Jarmal iyo Af Talyaani.
Sida uu qoraagu ka xiganaayo Maxamed Baaruud Cali, waxa uu sheegay Maxamed in habeenku ahaa wakhtiga ugu xun ee xabsiga, waayo meshu waxa ay noqon jirtay madow oo baqdin iyo walbahaar ayaa ku helaaya marka aad maqasho sanqada ciidanka, waxaana ay ku farxi jireen marka waagu dilaaco, waxa uu sheegay waxyaabaha ugu waa-wayn ee aan ku madaddaali jirnay in ay ahayd ayaa uu yidhi Maxamed Baaruud wada hadalka aanu wada hadalno ee xaga Gidaarka aanu ka wada hadalno iyo Imaatinka shimbiraha noogu iman jiray xabsiga oo cabi jiray biyo daadsanaan jiray qololka hortooda. Labaatan jirwo may lahayn goobo caafimaad waxaana cafimaaka ku qornaa oday aad u wayn oo aanu u naqaanay Dr: NO oo ahaa oday aad u xun oo macangag ah oo dabeecad xumaa.
SII DAYNTII KOOXDAN UFFO IYO SIDAY DUNIDU U ARKAYSAY KOOXDAN
Kooxdan in la sii daayo, dunidu wax badan ayay isku dayday in ay kala hadasho dawladii wakhtigaa jirtay, waayo dunidu nimankan waxa ay u taqaanahay "Hargeisa Self-helped Group", waxaanay u arki jireen in ay xaq daro ku xidhan yahiin waana siday xaqiiqdu ahayd. Waxa kale oo kooxdan UFFO u doodi jiray Haayado badan oo caalami ah sida Amnesty International, Africa Watch, IOM, CHHR, NAS-HRG.
Waxa ay dhamaan haayadahaas caalamiga ahi u soo direen wafuud faro badan oo dalka iman jirtay si ay bal kiiska Kooxdan UFFO uga la hadlaan xukumadii Maxamed Siyaad Bare, wayna ku guul daraysteen in xukumadu baaqyadoodaasi ay dhag u dhigto waxayna ka dhaga adaygtay in ay kulamo la yeelato Haayadahaasi, ama u ogolaato in ay soo booqdaan Kooxdaaas UFFO ee xidhnayd, waxayna ka qoreen maqaalo badan oo ay walaac kaga muujinayaan xaalada bini-aadamnimo ee ka jirtay Somaliya.
Kooxdan waxa warbaxino badan oo ku saabsan kiiskooda u gudbin jiray Iid Cali Axmed oo ka mid ahaa Kooxdan UFFO oo isaga nasiib wanaag ka maqnaa dalka markii la xidh-xidhaayay kooxdan, waxayna u qoreen warqad ku taala Buugga oo ay ugu mahad celinayaan Iid kaalintii firfircoonayd ee uu ka qaatay sii dayntooda.
Waxa kale oo ka hadlay Kooxdan iyo sida foosha xun ee ay ula dhaqantay dawladii Maxamed Siyaad Bare warbaahinta Dunida, gaar ahaan waxa ka hadlay wargaysyo badan oo ka soo baxa Khaliijka oo mid ka mid ahi uu ku qoran yahay buugga Kooxdan UFFO waxa la sii daayay sanadkii 1989, waana wakhtig ku beegan wakhtigii dalka la xorrayn doono in yar ka hor. Ka dib markii kooxdan la sii daayay waxa ay magan galyo siyaasadeed ka heleen wadamo badan oo dunida ka mid ah, waxay'se ka door bideen in ay haddana dib dalkoodii ugu shaqeeyaan, waxa ay ugu tageen dadkoodii u qaxay wadanka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, waxaanay dib u Aaas aaseen urur la odhan jiray "SORRA" oo loo soo gaabiyay "Somali Relief and Rehabilitation Association ", oo dib u dhiskii dalka iyo dib u heshiisiintiiba kaalin aan la ilaabi Karin ka qaatay, waxaanay UFFO dib u bilaabeen in ay hawashii ay dadka u hayeen ee ahayd iskaa wax u qabso in ay dalka dib uga bilaabaan waxaaanay hir galiyeen mashaariic badan oo ay dalka dib ugu dhisayaan. Qaybta ugu dambaysa waxa uu buuggu ka waramayaa Geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Cabdillahi Cali Yuusuf oo loo yaqaanay "Colaad" oo ahaa Wasiirkii Beeraha ee Somaliland, kana mid ahaa kooxdan UFFO oo geeriyooday.
Waxa kale oo qaybta dambe ee buugu ay ka waramysaa Taarikh nololeedkoodii oo kooban kooxdan UFFO.
Waxa kale oo qaybtaad dambe ee buugga ku jira qoraal kooban oo ka warmaaya xabaal wadareedadii roobku soo saaray ee Magalada Hargaysa ee Malka Durdura ee 1997 Waxa aan halkan hoose aan idinku soo gudbin donaa Liiska Kooxdii UFFO, iyo waliba wakhtigii la xidh xidhay xubin walba.
Magaca Kooxda UFFO iyo Wakhtiga la xidhay
1: Maxamed Baaruud Cali 04/11/1981
2: Axmed Maxamed Yuusuf "Jabane" 02/11/1981
3: Maxamed X. Maxamuud C. Xaashi 19/11/1981
4: Adan Yuusuf Abokor 19/11/1981
5: C/raxmaan C/laahi X. Adan 19/11/1981
6: Axmed Xuseen Caabi 05/12/1981
7: Xuseen Maxamed Ducaale "Berbaraawi" 19/11/1981
8: Maxamuud Sheekh Xasan Taani 19/11/1981
9: C/laahi Cali Yusuf "Colaad" 19/11/1981
10: Maxamed Dagal Xirsi 11/11/1981
11: Cali Cige Faarax "Cali Beed" 11/12/1981
12: Yuusuf C/laahi Kaahin 11/12/1981
13: Cismaan Cabi Maygaag 04/12/1981
14: Maxamed Cabdi Ducaale "Ayuub" 11/12/1981
15: Adan Warsame Saciid 11/12/1981
16: Maxamed Cali Ibraahin 11/12/1981
17: Axmed Maxamed Madar 14/12/1981
18: Cumar Ciise Cawaale 04/12/1981
19: Maxamed Cali Sulub 11/11/1981
20: Baashe Cabdi Yuusuf 29/12/1981
21: Ismaaciil Cabdi Hurre 09/01/1982
22: Xasan C/Salaan Sheekh Cali 09/01/1982
23: Axmed Xasan Madar 10/01/1982
24: Maxamuud Cabdi Jaciir 30/12/1981
25: Maxamed Macalin Cismaan Axmed 30/12/1981
26: Saciid Maxamed Ibraahin 06/02/1982
27: Lt. Col. Ismaaciil Xaashi Madar
28: Xasan C/laahi Cali "Alegeyeh" 04/12/1981
ALLAH MAHAD LEH
BY: Khalid Jama Qodax
Hargeisa Somaliland
Qodax02@yahoo.com,

No comments:
Post a Comment