Xulka Gobolka Maroodi Jeex oo ku Guulaystay Koobkii Kubadda Cagta ee Goboladda Somaliland iyo Halka Koobkii Kubadda Kolayga iyo Orodkiina Hore ay u Hantiyeen.
Xulka Gobolka Maroodi jeex ayaa markii labaad ku Guulaystay Koobka kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland
Ciyaarta Final-ka ah ee u Dhaxaysa Goboladda Maroodi-jeex iyo Hawd ayaa Guushu ku Raacday Hal Gool iyo Eber Xulka Gobolka Maroodi-Jeexee, Ciyaartan Maanta oo ah Ciyaar aad u Xiiso badan isla markaana uu Garoonka Fadhiyay Madaxwaynaha Somaliland AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) iyo Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo, kuwaasi oo u jooga Magaalada Burco ka qayb galka Ciyaarta kama danbaysta ah iyo Gudoonsiinta Koobka.
Xulka Gobolka Maroodi jeex ayaa markii labaad ku Guulaystay Koobka kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland iyada oo Gobolka Maroodi jeex Sanadkan ku Guulaystay Koobkii Kubadda Kolayga iyo Shantii Kaalmood ee ugu Horeeyay Tartanka Orodada Goboladda Somalialnd.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa Gudoonsiinaya Goordhaw Xulka Gobolka Maroodi jeex Koobkii Goboladda, Xulkan oo Sanadka Guullo Waawayn ka soo hooyay Ciyaarihii ka socday Gobolka Togdheer ayaa la hoyday Dhawr libinood oo isbarkan, kuwaasi oo labada koob ee Kubadda kolayga iyo Cagtaba ka Qaaday Xulka Gobolka Hawd.
Gabiley News Desk
Burco Office
No comments:
Post a Comment