Abiib Timacade Oo Caawa Xabsiga Laga Sii Daayay Iyo Xukuumadda Oo Aan Soo Saarin Sababta Ay U Sii Deysay-Gabiley.net
Abiib Diiriye Nuur oo muddo shan iyo toban cisho ku dhawaad u xidhnaa baadhistaasi ayay goor dhaweyd Xukuumaddu sii deysay hase yeeshee ilaa hada ma jiro war rasmi.....
Hargeysa (GNS)- warar goor dhaweyd na soo gaadhay ayaa sheegaya Xukuumadda Somaliland inay xabsiga ka sii deysay Abiib Diiriye Nuur Timacade oo ay xukuumadda Somaliland u xidhay Baadhis ay ka wado Dilkii Saameel.
Abiib Diiriye Nuur oo muddo shan iyo toban cisho ku dhawaad u xidhnaa baadhistaasi ayay goor dhaweyd Xukuumaddu sii deysay hase yeeshee ilaa hada ma jiro war rasmi ah oo cadayanaya sababta loo sii daayay inay tahay in baadhitaankii lagu waday waxba lagu waayay iyo in si kale loo sii daayay.
Xukuumadda ayaa isla maalintii dadka lagu laayayba Abiib xidhay, waxaanay sii deyntiisu ku soo beegantay kadib markii uu manta Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani xilkii ku wareejiyay Maxamed Xasan Jidhif.
Abiib Diiriye iyo Nuux Taani ayaa ahaa laba masuul oo xilal culus ka hayay Xukuumadda Siilaanyo waxaanay labadooduba ka soo jeedaan isla beesha degta Deegaanka Saameel ee Reer Xareed, kuwaaoo loo aanaynayo Dilka Saameel hase yeeshee ma jiro ilaa hada cid cadaynaysa Falkaas. Mana jirto cid danbigaasi lo ohayo oo Maxkamad loo horgeeyay Kiisakan.
Xukuumadda Somaliland ayaa wali xabsiyada ku haysa dad kala duwan oo ka soo jeeda beesha ay labada masuul ee Abiib iyo Nuux ka soo jeedaana
No comments:
Post a Comment