26 August, 2012

XISBIGII UDUB OO SOO LABA KACLEEYAY LANA FILAYO INUU URURO BADAN DAAQADA KALA BAXO!

XISBIGII UDUB OO SOO LABA KACLEEYAY LANA FILAYO INUU URURO BADAN DAAQADA KALA BAXO!




Waxaa Hargeysa ka socda shirar waaweyn oo UDUB iyo uraro badan dhexmaraya gaar ahaan Horyaal iyo Udhis waxaana la filayaa inay midoobaan oo ay noqdaan UDUBTA cusub ; Haddaba Dhegoweyne oo arrintaas ka hadlayaa wax uu yidhi Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii UDHIS ee ku hadhay Natiijadii ay shaaciyeen Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Muj. Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhaga-weyne) ayaa ka hadlay wada-hadalo u bilaabmay Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, waxaanu sheegay in aanu weli dhamaanin wada-hadalkaasi oo ay go’aan rasmi ah ka soo saari-doonaan Natiijada ka soo baxda.

Muj. Ibraahim Dhaga-weyne oo maanta ay Shabakada Wararka ee Gabiley News wax ka weydiisay halka uu marayaan wada-hadalada u bilaabmay Xisbiga UDUB, waxa uu sidoo kale tilmaamay in Ururka UDHIS, Shantii Urur ee kale iyo Xisbiga UDUB ay diyaar u yihiin inay wada-hadlaan.

Waxaana hadal kooban oo uu yidhi ka mid ahaa “Weli wada-hadalkii muu dhamaanin waxaanan war rasmi ah idin siinaynaa markaanu wada-hadalkaa soo gabo-gabayno, anaga, iyo shantii urur ee kale iyo UDUB-ba in aanu wada hadalno ayaanu diyaar u nahay, waxaanu ku wada-hadlaynana gadaal baanu ka soo sheegi doonaa”

Waxaanu si kooban u sheegay in Natiijada ka soo baxda wada-hadaladaasi ay maanta ama Beri go’aan ka soo saari-doonaan, waxaanu yidhi “Wada-hadalkaas maanta ama Beri go’aan cad-baa ka soo baxaya oo Mustqabalkayaga Siyaasadeed ah” 

Muse cali
CAYNABANEWS.COM




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: