08 October, 2009

Isbeddel Wasaaradaha Badidooda ahi, waa daruuri,Dhadhaarro loogama Baahna, ummadda la hadha!

Bulshada xooggedu , maanta waa Da'yar aan waqti u helin in ay Waalidka ama dadka ka waaweyn wax ka korodhsato, aqoonna kala hadho, oo nasiib-darrada da'yartan haleeshey waxay ahayd, iyada oo markey dhasheen halgan aad u qadhaadhaa oo qaali iyo Raqiisba loo hurey, Dawladdii Afrika ugu hogga weyneyd waqtigaasina lagaga muquuninayey Dalkan, ay maantan Dacawooyinku u xareedinayaan!! Markii Dambe ee la xoreeyeyna , Dibudhis gego madhan oo wixii Daaro taagnaa, BM iyo Dayuurado Dagaal dumiyeen, wixii hoos-yaalleyna Hargeysa yar oo Kismaayo agteeda ah ilaa killalka shanaad magaalooyinkiisa waaweyn lagu sharraxdey!! Shaqo-la'aan iyo Culeyska nolol maalmeedka qoyska raadintooduna kala dhex-gashey mar labaad , waalidka iyo Da'yartan, ayaa waxa ka dhashey in aanay ilaa maanta waxa ay xaq ugu leeyihiin Dalkan ee uu Dastuurku siinayo iyo waxa waajib uu Dalku ugu leeyahay aanay kalaba garaneyn!!.

Wasaaradda Warfaafintu saddex xaaladood oo ay tahay inay Bulshada ku wacyi geliso, saddexdiiba waa ku gabno !!. Waxay ahayd in ay Raadyaha ama idaacadda iyo T/vga dadka barnaamijyo wax-barasho , Aqoon ama farsamo gacmeed ka barto, waxay ahayd in ay Dadweynaha Barto Waajibaadka Dalku Muwaadinka ku leeyahay iyo Xuquuqda uu Muwaadinku ku leeyahay, Waxay ahayd in Barnaamijyo shuruucda ah laga sii daayo, Waxay ahayd in Barnaamijka amniga Waddooyinka oo run ahaantii ka ugu liita ee Bulshada wiiqey naf iyo hantiba ah maanta in ay si qoto-dheer uga hadlaan , hadbana waxa ku soo kordha ama ka dhaca ay farta ku fiiqaan, dhadhaar ayaase la dul-dhigey!!

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ahmiyad weyn ku lahayd Marxaladdan, iyada oo ay Marwo Adna Siigo kaga duulineyso, Madaxweyne Riyaale Baarlamaannada Adduunka ugu weyn ay ku dhex geysey lixdii bilood ee Xilkeeda ugu horreeyey, Galbeedka , Woqooyiga iyo Badhtamaha Afrika oo aan Xaaladda dhabta ah ee Somaliland Gaadhinna Gaadhsiisey oo ay maanta yihiin kuwa dabada ka riixaya Aqoonsi -Raadiska Somaliland, ayaa Wasiirkii Nacameynta ee Waqtigaa , inta warfaafinta laga soo qaadey , Arrimaha Dibadda la geeyey!! Wixii ka dhacay shirkii Ruwaanda , waa lala socdey, Dib-u-noqosho ayaa halkan kaga bilaabmey wasaaraddii Cirka mareysey!!. Marwo Adna Mushar iyo Gunno Midna kamay qaadan jirin Dalka , waxase ka go'neyd , sida ay Caafimaadka iyo Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka ugu guntatey ee ay Cisbitaalka Dhawrka Xiddigood ah ugu dhistey ay si niyad qawminimo hoggaamineyso , Ictiraafka ay kaabadaha Siyaasadeed dad innaga mid ahi u dhigeen ka gurto oo ay wax yar ula jirto, ayaa lagu beddeley Nacamle aan wax qabad lahayn? Wasaaraddu war uma hayso inta Da'yar Somaliland u dhalatey Jeelasha Dalal Dibadda ah ku jirta, kama warhayso tirada hablo iyo innamo tahriibta ugu xidhan, Dalalka Sudan, Ugganda, Liibiya iyo Koonfurta Afrika. Wasaaraddu maaha goob soo dhaweynta iyo isla -sawiridda Gaalada u gaar ah ee inay ummadda qurbe-joogga ah iyo Danaha qaranka ee Dalalka Caalamka innaga gala ay ka midho-keento ayey ahayd, mana aragno qorshe muuqda oo uu Wasiirkan Cilaaqaadka guud ee Madaxtooyada laga hoggaamiyaa waddadeeda hayo. Somaliland Waxqabadka Wasaaraddan ayey u baahan tahay ee hadal aan raad iyo cidhib lahayn, suurado warbaahinta layso dhigo iyo Xaflado Hudheelo waaweyn lagu qabto , uma baahna!!

Isbeddel doonnimada ummadda ee maantu , maaha mid caadifad iyo dan shakhsi ah ku dhisan ee waa mid jiritaanka qarannimada iyo Bulshada ay ku jiri-lahaydba qasab ku ah inay hirgeshaan, haddii ay Daacad ka yihiin Somaliland Kursigeedii ay ku lahayd Adduun weynaha Muteysi ku degta , oo wax sharci ah oo lagaga horjoogsan karaa aanu jirin, iyada oo laga seexdo mooyaane!! Dadka Suunka hoostiisa ka hadla , ee wax yar oo faro-guudkooda loo saaro, siista qarannimada, ammaan aan la shaqeysanna lagaga iibsado iyo Propogaandhadu, ha yaqiinsadaan in ay Albaab qaldan maanta garaaci doonaan , haddii ay xadhiggii hore ka garacaan heestoodii!! Waa nasiib-Darro , haddii maanta oo Cyber-age la galey, Siyaasaddii Dark-Ageska lagala Xishoon waayo Bulshada oo Siyaasad ka tarjumi karta himilooyinka iyo Hanka ummadda lagu hoggaamin waayo. Waxa hubaal ah haddii sheekadii Maamulkanu, ay Dib u soo noqoto ee Toddobaddada Gabnada ahaa, Aids, Gudniinka Fircawniga ah, Naafada (aan waxba loo qabaneyn) Agoomaha (lagu maxaafsado) iwm, in ay tii khamiistii hore dhgacdey oo kale ka dhaceyso!! We mean business , this time !!

Dr. Cali Cabdi Muhumed

No comments: