13 June, 2017

SOCDAALKII GURMAD EE GALBEEDKA....AXMED CARWO


Shalay 11 June 2017, waxaanu Hargeysa ka baxnay 7.30 subaxnimo, waxaanu ahayn wafdi uu hogaaminaayo Murashaxa M/W Kulmiye Muuse Biixi. Waxaa socdaalku ahaa gurmad iyo socdaal Xog raadin ah. Gurmud u jeeda magaalooyinka Wajaale iyo Borama oo shuban biyood ka dilaacay.
1-Isbitaalka Wajaale, waxa nalagu siiyey Xog waran iyo tafaasiil buuxda shubanka oo hadda si haaboon loo mareeyey, tirada dhimashada iyo bukaan socodka cusubina ay aad hoos ugu dhaceen. Waxa maamulku ka cowday leydhka oon line Ku xidhnayn shirkadda ugu dhowina ka dalabtay $2500.00, oo rakibaad ah iyo lacag ay ugu baahan yihiin nadaafadda guud iyo biyo gelin. Waxa kale ooy sheegeen shaqaale Ku meel gaadha oon guno helin.

Murashax Muuse, waxuu bogaadin iyo mahadnaq shaqaale dabadeed uu halkii ugu dhiibay Maamulka isbitaalka Wajaale lacag dhan $22,500. isagoo ku taaktaaksaday sida ay waajib u tahay in wadajir loo gurmado, shacbi iyo xukuumad iyo xisbigeeduba xiliyada adag ee ina soo mara. Waxa iyana halkaas wasaaradda caafimadku ku dhiibtay xooga daawo ah, iyaga oo balan qaaday dawooyin kale oo dhakhso uso gaadhi doona, ooyna marna jirin daawo yaraan, ee ay qorshe dhan fuliyeen oo la xidhiidh baahiyaha daawooyinka ee dalka guud ahaan.
Lacagtaas ooy tabaruc ahaan xisbiga u soo gudbiyeen taageerayaashu.
Waxas aad ugu farxay maamulka iyo shaqaalaha oo runtii kaga fal celiyey farxad iyo mahadnaq.Iyoo balan buuxa ku qaaday inay heegan u yihiin u adeega bulshada xaalad kasta oo taagan.
2-Waxa noo xigtay Isbitaalka Dhexe ee Borama. Warbiixn maamulka caafimaadka iyo maamulka gobalka iyo degmada, dabadeed waxa Murashax Muuse ku gudoonsiiyey lacag dhan $30,000.00 (Sodon Kun oo Dollar), taas oo ka kabi doonta baahiyaha ay sheegeen ooy ugu weyntay tan la xidhiidha shaqaalaha mu meel gaadhka ah. Murashaxu waxuu si tafatiran ula dardaarmay ilaalinta nadafadda guud, isaga oo la hadlaaya bulshada gaar ahaan dan yarta oo la sheegay inay labada xaafadood ee ay u badan yihiin ay tiro ahaan ugu badan yahay xanuunku, xafadaha Shacabka iyo Cismaan Nuur. Waxuu kiu booriyey inay maqlaan dardaranka iyo talooyinka dhakhaatirta iyo adeegayaasha caafimaad. Waxuu xusay shaqaalaha caafimaadka qaybta nadaafada iyo ka-kaaliyaasha xanuun jiifka kaadida, iyo saxadada ka guraaya, kana nadiifinaaya, kolka badan keena xataa ka cabsoodo inay soo galaan gudaha isbitaalka.Image may contain: 1 person
Waxa iyana Wasaaradda Caafimaadka iyo Maaliyadu ku wareejiyeen kaalmo daawo oo mug weyn, iyaga oo xaqiijiyey inay hayaan qorshe isku filaan helitaanka daawo ee dalka guud ahaan. Waxa iyana baabuur qalabaysan iyo shaqalaha ka hawl galaayey dhinaca nadaafadda iyo buufinta meelaha looga baahdo guddonsiiyey Golaha Deegaanka ee Caasimadda, Hargeysa.
3- Waxa iyana aanu booqanay xabsiga Dhexe ee Borama, iyada oo si taxadir leh oo ku dhisan maamulka xabsiga iyo ilaalinta maxaabiista aanu gudaha u galnay. Kormeerka dabadeed waxa hadal kooban ka jeediyey Murashaxa iyo Wasiirka Madaxtooyada, kana hadlay daryeelka iyo gurmadka caafimaad ee ay qaybna siiyeen, balana ay qaadeen. Waxa wasiirku sheegay inay dhexso loo dhaqaajin doona dhismaha xabsiga cusub oo dhul weyn loo dayray. WAxa kale oo wasiirku ugu bushaareeyey in Madaxweyne Axmed Maxamed u fidiyey cafis guud maxaabiista aan ku xidhnayn xaq aadmi, barakada bishan Ramadan. Taas oo wajigii maxaabiista u bedeshay mid farxad iyo mahadnaq isagu jira, oo aad ugu sacab tumeen.Image may contain: 1 person
Intaas kolka socdaalkii rasmiga ahaa ku dhammaaday, waxa isla maalintiiba noqday qaybtii xukuumadda, waxaanu ku soo hadhnay intayadii xisbiga ee uu hogaaminaayey Murashaxu.
Waxaana habeenkii oo dhan ay noo ahayd kulamo wadajir iyo koox kooxba aanu u galnay, oonu la kulanay hawlwadeenada xisbiga Kulmiye ee Degmada, iyo Gobalkaba, iyo Xildhibaanada Golaha Deeganka xisbiga oo ah 14 xildhibaan Waxaanu dhegeysi iyo doodba la galnay sidii loo dardar gelin lahaa hawlgalka xisbiga, iyo sidii waxqabadka iyo talooyinka loo mideyn lahaa. Waxaanu dhegeysan afkaar xoor ah oo lagu qiimeeyey kaalinta xisbiga iyo hanashada guusha dariiq loo maraayo. Waxaanu isla meel dhignay in wadajir loo dhaqaajiyo talaabooyin horumar ah oo lagu rumeeyo guusha xisbiga. Hadafkuna ahaado in mar walba la tiigsado hormar ka sareeyey kolba halka la joogo. Horumarku ma leh meel uu isku taago, waana in la helaa qorshe lagu jeexo guusha muuqata ee hanashada qalbiga dadweynha si aynu u hantino mar labaad hoggaanka dalka.
Runtii waxuu ii ahaa aniga socdaal waxqabad, socdaal is qiimeyn ku dhisan runta iyo waaqica jira, iyo hawl wadeeno u guntaday ka midho dhalinta doorashada Madaxtooyadal. Waxay hawlwadeenada iyo haldoorka shacbigu balan qadeen inay Awdal tahay gobal taageero u haya xukuumadda iyo xisbigeeda, ayna ka go'antay xaqiijinta guusha Kulmiye. Dhinaca hogaanku waxuu balan qaaday inay caqabad kasta oo jirta ay xalin doonaan, ayna keeni doonaan qorshe iyo dariiq cad oo min hogaan ilaa xubin xisbiyeed tuulo lagu wado shaqeeyo, hawsha qalbigeednuna tahay isku duubnanta bulshada gobalka iyo maamulka gobalka ee xisbiga, ayna tahay tan lagu rumeyn karo hiigsiga Kulmiye, waxii taageero ah ee dabada ka yimaadaana tahay badhi taar uun. Waa in Gobalku isku tashadaa, oo ay wadajir ku hawl galaan waxii ay hogaanka uga baahdaana diyaar loo yahay taakulo iyo talaba. Wadajirka iyo wadashaqaynta Gobalka ayaa dhalinaysa in isku xidhka maamulka dhexe ee xisbiga iyo Gobaku wuu noqdo mid dhammeys ah oo waxtar ah. Waana taas tan aanu ka soo shaqaynay oon u soo jeexnay tubtii loo hirgelin lahaa.
Socdaal xukuumad iyo xisbiba ku soo dhammaaday guul iyo wanaag.
Waxaanu isla maalintii xigtay Isniinta 12/06/2017 ka soo ambabaxnay Borama 8.30 subaxnimo.


Guul iyo midnimo.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
063 4242077


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: