27 August, 2012

WAR DEG DEG AH:- WASIIR BOOBE OO XILALKII KA QAADAY AGAASIMAYAAL KA TIRSAN WASAARADIISA QAAR KALANA MAGACAABAY

WAR DEG DEG AH:- WASIIR BOOBE OO XILALKII KA QAADAY AGAASIMAYAAL KA TIRSAN WASAARADIISA QAAR KALANA MAGACAABAY



Hargeysa(CNN)-Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa masuuliyiin magacaabay Telefishanka Qaranka, wargeyska Dawladda ee Dawan iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee telefishanka qaranka.

Warsaxaafadeed uu saaka soo saaray, wasiirku wuxuu xilalkii kaga qaaday

1.Agaasimihii Telefishanka qaranka Axmed Saleban Dhuxul, oo uu ku bedelay Xuseen Cabdillaahi Deeqsi.

2.Agaasimihii Dawan Media Group Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo uu ku bedelay Cumar Maxamed Faarax


3.Agaasimihii maamulka iyo xisaabaadka TV-ga qaranka Xasan Maxamed Maxamuud, oo uu ku bedelay Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, oo ah agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee Radio Hargeysa.



Wasiirku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu uga gol-leeyahay inay digniin u noqoto dad uu ku sheegay faro-kutiris oo uu sheegay inay caadaysteen wiiqitaanka hawlaha wasaarada warfaafinta, waxaanu kala wareejinta xilalkan u xil saaray Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Siciid Aadan Cige oo ah agaasimaha Radio Hargeysa iyo Mukhtaar Axmed Sheekh, oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta.









Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Caynabanews-Office







http://samotalis.blogspot.com/

No comments: