27 August, 2012

AYAAMAHA BARAKEYSAN IYO CIMRADII XARAMKA-3


AYAAMAHA BARAKEYSAN IYO CIMRADII XARAMKA-3
Ahmed Hassan Arwo


Haddaba iyada oo lixdii shuwaal ay sabtidii ku dhammaatay, ayaan jecleystay inaan soo gunaanado safarkii kheyrka iyo siyaaradii xaramka iyo guud ahaan cibaadada iyo raadka ay ku leedahay dalkan iyo muslimiinta guud ahaan.
Waxa jira waxyaabo u gaar ah Xaramka oon masaajidda kale la qabin. Waxaan isku dayi inta ugu muhiimsan inaan iftiimiyo, si aydun u qiimeysaan karaamada iyo sharafta u gaarka ah.
  • Dabcan waxa ugu horreysa inay kabcadu ku taal, waajibna leynaga dhigay inteena shuruudda buuxisaa inay xajka aado ooy masjidkan ku tukadaan kabcadana ay dawaafaan. Waa tiirka shanaad ee islaamnimada, ciddey ku waajibtana laga rabo inuu hal mar faradkaas guto.
  • Waxa muhiimiyad aan la qiyaasi Karin siiyey inaynu meel kasta ooynu joogno u soo tukano dhinaciisa ooynu wajigeena ku beegno qiblada oo ah kabcadda.
  • Waxa xigta cimrada oo ah sunno kheyr badan oo ajarkiisa qofka laga aqbalo bisha ramadaan u dhigma xajka.
  •  iyo salaadda lagu tukado oo boqol kun oo jeer ka ajar badan tan masaajidda kale lagu tukado.
  • Waa biyaha samsamka een kala go’a lahayn ee daawo iyo barakaba u garka tahay.
  • Waa masjidka keliya ee rag iyo dumarku is jiidhayaan iyagoon weysada iska jabin iskuna dhex tukanayaan, wallow meelo gaar ah loo calamadiyey dumarka si nidaamka iyo nabadooda loo sugo. Haddana intaas kuma joogaan ee meelo badan ayey is dhex tuganayaan.
Intaasi waa kuwa ugu waaweyn, waxa soo raaca qaar yaryar ood dareymeyso waliba kolka aad masaajidda kale muddo ku tukatid.
  • Waxa ugu horeysa taraawiixda oo 20 rakcadood iyo seddex witir ah, kolka masaajidda kale 8 rakcadood laga tukado. Waxa sidaas soo raaca majidka Nabiga ee Madina.
  • Eedaanka maqrib horteed waxa la ridaa seddex madfac ooy u dhexeyso shan shan mirir, si mawjadda dadka ihi isu diyaariso iyo sida shaqaalaha masjidku u diyaariyaan habkii iyo dariiqii iimaamku mixraabka u iman lahaa.
  • Waxa soo raacda daakiraadda ka horreysa salaadda subax oon dalkan masaajidda kale la wadaagin. Isla markaasna waxa sida maqribka eedaanka ka horreeya seddex madfac.
Haddaan intaas ku soo kooba intaan gaar u dareemey iyo xusuusteyda, waxaan mar kale idinla wadaagi hawlaha ay qabtaan shaqaalaha masjidku iyo  iskaashiga loo dhan yahay. Bal waxaad qiyaastaa dad laba milyan ah oo dhowr boqol oo mitir square ku xooban, kala af ah, kala jinsi ah, rag iyo dumar, waayeel la riixaayo iyo dhalin botorinaysa, haween shaqlan oo kulka haya aan marna wajiga fureyn. Bal waxaad ku biirisaa dadkaas oo dul socda marmarka nooca muraayadda ah oo weliba dhammaan cunaaya timir. Bal maxaad fileysaa marmarka iyo lafta timirta iyo guclada muuminiinta, sow ma aha jab iyo dhac waxaad sugaysaa. Waa yaab oo marna maan arag cid dhacday iyo qof turunturooday amba sibibixday toona. Waayo dad tayeysan oo qiireysan  ayaa Alle u diray. Waxa iyana barbar socda wacyigelinta oo dadka inta badani ay timirta ku ridayaan baco ooy ka ilalinayaan inay dhulka u dhacdo. Nadaafadda sida loo adkeeyey ee loo maareeyey waa yaab iyo amakaag. Kol keliya ayaad maqlaysaa dhawaaq iyo goobaabo la xidhay oo il bidhiqsi dadka laga joojiyey iyagoo saf siman ugu yareen 50 nadiifiye ay garabka isku hayaan deedna ay mafiiq dheer ay sinta isu saarayaan iyagoo ordaayana ay furayaan halkii ay dadka ka joojiyeen deedna kolba goob sidaas u nadiiifinaaya. Waa hawl aan nasasho lahayn is-tag lahayn, cid ku haleyn lahayn, xamaasad iyo daacadnimo ku dhantay, ajar iyo kheyr-doona hagaayo. Waa nimco Alle iyo iimaanka muuminka. Ma aha oo keliya shaqo dhuuni iyo dhandhan loo galay.
Halkan ka daawo video aan mobilka ku soo duubay iyo sacyiga waa goobtaas halka aan idiinka waramay ee nadafaddu ka socotay iyo xiligaas.
Kana waa xiligii wax yar dabadeed ay  shimbiruhu soo degeen.
Waxa iyana yaab leh sida ay shimbiraha xamaamku ugu nool yihiin xaramka. Siday uga nabad galaan adimada dadka iyaba cidhiidhiga isku dul socda. Waa rabaayad iyo hanuun Eebbe. Waxay barteen xiliga barxadda masjadka hortiisa ihi saxmaddu ka yaraato. Salaada subax kolka laga baxo oo weli dadku sisimayaan waaguna aanu toos u dilaacin, ayey sida shinida kol kaliya soo cago dhigtaan. Dadka marna kama baqayaan oo waxay magan u yiihin Illaaha ina amray inaynu badbaadino sanko-neeflaha Xaramka jooga. Waxay ogyihiin oo kale in dhowaan ay soo geli doonaan cutubyo wata baabuurta gaashaman ee loogu talogalay inay barxadda maydhaan. Waxa xamaamku si xawli ah u bilaaba inuu ka hordego raga hubka culus soo wata kolkaasay degdeg waxii dhulka u dhacay ay durduro ku liqaan. Sidoo kale ayey duhurka iyo casarka dhexdiisana u qadhaabtaan.
Muuminkow cid si dhab ah u fasili karta dareenka Islaamka ku sugan Xaramku ma jirto. Waa meel barako taal, daal iyo gaajo aadan dareemeyn, hurdana ay mar hore quusatay. Waa bar dulqaad iyo khalaawe aad ku barato naftaada iyo wehelkeeda sheydaan inaad iska celiso aad heleyso, ood u hogaansanaato Allaha ku uumay iyo sharcigiisa. Waxa Wasaaradda Diintu sheegtay in ilaa muddo lix bilood ah ay Xaramka soo booqdeen lix milyan oo debedda ka yimid, intaas in leegina waxay ka soo booqotay gudaha.
Aan ku soo xidho sida wacyegelinta iyo habka casriga ah ee loo isticmaalo. Intaan Xaramka joogay waxa igu soo dhacay oo mobilekeyga ku soo dhacay fariimo shan ah oo ka kala yimid Wasaaradaha Diinta, Khaarajiga, iyo Ammaanka dhammaan ka hadlaaya ilalinta nabadgalyada, soo dhoweynta iyo waajibka qof kasta oo muslim ah ka saran fidinta diinta iyo ilaalinta sharciga. Waxa taas dheer jidadka saxmaddu ka jirto oo iyana si joogta ah laguugu sheegaayo. Qof waliba waxuu moodayaa in isaga si gaar ah loola hadlay deedna xilkeeda ayuu gooni isu saarayaa.
In badan ayaan hore u cimreystay laakiin tani waxay ii ahayd mid gooni ah waayo keligey oon cid la socon ayaan tegay,waxaanan helay fursad aan nafteyda aan ku keliyeysto, cibaadada Alle mooyee aan wax kale i mashquulin. Waxaan ogaaday inay tahay calal aqal hal mar inuu qofku keligii cimreysto si uu ugu go’o cibaadada iyo dareenka barakada yuuruurta Xaramka iyo agagaarkiisa.
Alle heynaga yeelo kuwa ku soo noqnoqda siyaaradda Xaramka iyo kuwa naftooda ka ilaaliya shukansiga sheydaanka, iyo kuwa wanaaga is fara xumaantana iska reeba. Amiin
Tan iyo kulan dambe Insha Allah,
Mahad oo dhan Alle ayaa leh.
Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
Qaybtii kowaad http://samotalis.blogspot.com/2012/08/ayaamaha-barakeysan-iyo-cimradii-xaramka.html
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: