17 August, 2012

AYAAMAHA BARAKEYSAN IYO CIMRADII XARAMKA-2


AYAAMAHA BARAKEYSAN IYO CIMRADII XARAMKA-2

Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha

Ciid mubarak. Ciid wanaagsan oo wacan. Alle heynaga yeelo kuwa barakada ciidda naarta laga xoreeyey. Alle ha ka yeelo maalinta ciidda maalin mudo dheer inagu soo noqota inagoo nabad iyo caafimaad iyo naruuro ku sugan. Amiin.

Maqaalkii hore waxaynu ku sheegnay socdaalkaan ku cimreystay iyo dareenka Xaramka Makkah. Waxaan halkii ka sii wadaya warbixinta Xaramka oon ka eegi doono maamulka Xaramka iyo horumarka dhinaca aqoonta iyo farsamado ay raad ku yeelatay.


Fiiro gaar ah: bal sawirkan oo ah masjidku sida uu ahaa qarnigii 19naad ag dhig sida uu maanta yahay iyo sawirka ku jira maqaalkii hore. Waa Alle mahadii oo xili walba waxuu ahaa mudanka qarniga uu joogo. Waa meel barakaysan oo Alle ilaalinaayo


Waxa culumada seynisku ay cadeeyeen in Makkah ay tahay badhtanka adduunka inta dhulka ah. Taas mecnaheedu waxa weeyi inay tahay badhtanka inta aadmigu ku noolyahay kolka badaha laga saaro. Waa arrin xaqiijineysa doorashada Alle u doortay inay noqoto meesha Kabcada laga dhiso ooy aadmigu dhammaan u soo jeestaan kolka ay gudanayaan waajibka salaadda. Kolka aad Kabcada u dhowaato, waxaad arkaysaa moojadu dad ah oo ku wareegsan kabcada oo kolka halkaas laga bilaabo ilaa dhammaadka dunida si wareeg ah isu dabotagan. Waxa maskaxdaadu sawireysaa in ruux kasta oo halkan joogaa uu dabo joogo oo uu ku beehgan yahay ruux kale oo midba mid ku sii dabo began yahay ilaa aad aragto dunidii oo dhan oo halkan is dabojoogta oo midba mid dabo joogo. Waa dareen si gaar ah ii taabtay oon muddo ka fakiraayey. Subxaanalaa wa bi xamdihi. Subxaanalaa wa cisatihii. Subxaanalahaa Alcadiim.

MAQALKA IYO SAMEECADAHA

Taas waxa ii raacay maqalka meel kasta ood joogto aad tashuush la’an u maqlayso si isku  mid ah. Waxa lagu qiyaasaa sameecadaha (speakers) ilaa 6000 haddana mid tashuush ah amba dhawaaq kala duwan ma jirto. Waa farsomo sare oo si habsami ah loo dhigey loogana shaqeeyo si joogta ah 24/7 . Bal taas barbar dhig Tviyada Soomalida een barnaamajba kan kale aanu la dhawaaq ahayn ee midna dhehgaha kaa qaadaayo midna aadan maqlayn.   Xaramku waxuu leeyahay wershad laydh oo u gaar ah iyo mid keyd ah. Waxay Sameecad waliba leedahay beetari u gaar ah iyo mid keyd ah. Waa farsamo aan adduunka meel kale la wadaagin. Waxa la raaciyaa inuu soo labeeyo masjidka nabiga ee Madina oo isagu leh 3000 sameecadood. Wax labadooda u dhow addunka laguma hayo. Waana mid wax badan ay ka qoreen Injiineerada dhinaca codka ee adduunku. (Sound Engineers)


Balaadhinta Xaramka
Waxa socda balaadhintii afraad oo Boqor Cabdulle hirgelinaayo si masjidku u qaado ilaa 2.5 milyan oo qof.
Qaybta balaadhinta dhinaca waqooyi oo bilaabantay 2011 waxay dhammeystirmeysaa dhammaadka 2013, Baaxadda masjidka oo hadda 356,000 m2 (3,830,000 sq ft) waxay noqon doontaa ilaa 400,000 m2 (4,300,000 sq ft). Waxa lagu kordhin doonaa albaab loo bixiyo Boqor Cabdulle ( King Abdulle Gate) iyo laba minaaradood taas oo ka dhigi doonta 11 minaaradood. Khrashka ku bixi doonaa waa  $10.6-billion . Waxa iyana la balaadhin doonaa baaxadda lagu wareego ee Kabcada, iyadoo inta deyran oo dhan lagu xidho doono nidaamka qaboojinta  ( Central Aircondition)

Biyaha Zamzamka
Biyaha Zamzamku waxay ka soo baxaan ceel u jira 20 m Kabcada kana xiga dhinaca bari. Waxa ciilku ka soo jeedaa xiligii Nabi Ibraahiim oo Nabi Ismail ku dhashay meel oomana ah engegan haraadkii uu cagta dhulka la dhacayna biyahu ka soo boodeen. Waxay ka horeysay dhalashadii Nabi Ciise 2150 sano taas oo ka dhigeysa inta uu jiray 4162 sano maalin kaliyana biyahaasi mey joogsan. Waa mujiso Alle uu siiyey Xaramka iyo hadiyad aan cid kale bixin karin. Waa mid Islaamkoo dhami mahadiyey.

Masjidku waxuu leeyahay iimaamo tiro ah, si loo helo mar walba nin masuuliyaddaas sare qaadi karo oo goobjoog ah.

Iimaamada Xiligan waxay kala yihiin:
§  Sheikh Dr. Abdul Rahman Al-Sudais (عبد الرحمن السديس), Chief of imams at Masjid al-Haram
§  Sheikh Dr. Saud Al-Shuraim (سعود بن إبراهيم الشريم), judge at the Mecca High Court and Deputy Chief of imams at Masjid al-Haram
§  Sheikh Abdullah Awad Al Juhany (عبدالله عواد الجهني), appointed in July 2007 after serving for taraweeh prayers during Ramadan starting from 2005
§  Sheikh Dr. Maher Al Mueaqly (ماهر المعيقلي), appointed in July 2007
§  Sheikh Dr.Khalid Al Ghamdi (خالد الغامدي), appointed after Hajj 2008
§  Sheikh Dr. Salih bin Abdullah al Humaid (صالح بن حميد), chairman of Saudi Majlis al Shura
§  Sheikh Dr. Usaama bin Abdullah al Khayyat (أسامة بن عبدالله خياط)
§  Sheikh Dr.Salih Al-Talib (صالح ال طالب), appointed in 2003, judge at the Mecca High Court
§  Sheikh Faisal Al Ghazzawi (فيصل غزاوي), appointed after Hajj 2008

 

Mu’adiniinta

Waxa Eedaanka u xil saran qoysas ka soo jeeda reero magac leh oo kala ah  Mulla, Shaker, Rayes, Al al-Abbas, Hadrawi, Basnawi, Khouj, Marouf and Feedah. Qoysaskani qaarbaa boqolaal sano hayey hawshan sida Al-abas oo ka soo jeeda ‘Abbas ibn ‘Abd al-Muttalib, nabiga adeerkii.
Tiro ahaan waa 16 Mu’adin Ramadaanta waxa lagu kordhiyaa 6 kale.

Haddaba wax kaleba Sacuudi ha lagu cananto bal se marna lagu sheegimaayo inay hagradeen ilaalinta, kobcinta iyo qurxinta Masaajidda Alle u doortay dalkooda iyo inay u fududeeyaan xujeyda iyo Islaamka habeeen iyo dharaar martida Alle ku ah Makkah iyo Madiina. Iyadoo ammaanka la adkeeyey ayaan haddana wax culays ah aadan dareemeyn, waayo daaha dabadiisa iyo farsamo cilmiyeysan ayaa ammaanka loo sugaa, ee ma aha nin qori la cararaaya iyo mid toori jeeni qaaran tooni meel ay wax ka tari karaan.
Xataa xiligii argagixisadii Juhayman iyo colkiisi 1979 oon xiligaas anoo France ka imid Cimro ku imid oon isla ayaamihii dib loo furay oonu ahayn dad ilaa 200 ah aanu ku dawaafaynay maan dareemin culus dhinaca askarta iyo ammaanka ah. Waana mid aan mar walba ku qiimeeyo xukuumadda Sacuudiga. 

Inagoo soonkii ramadaan dhammeysanay oo Axadda ay ciid tahay, aan idinku dhaafo Ciid Mubaarak iyo is-cafin, iyo qalbi furan. Mar walba aan ku ducaysano in Alle hogganka inoo ilaaliyo oo Alle tubta toosan ku sugo, kuna garab galo xaqqa iyo ka fogaanshaha dulmiga iyo waxii bulshada xumaan u keenaaya. Waa duco masaajidda dalkani ay laasimeen, iyagoo madaxda islaamka guud ahaan sidaas ugu duceeya, si gaar ahna kuwa dalkooda. Runtii waan u bogay midhkaas.

La soco qaybta seddexaad iyo gunnaanad.

Ciid Mubarak wa kuli caam wa intum bil kheyr.

Mahad Alle iyo nabaadiino.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga    



No comments: