15 July, 2012

XUKUUMADDA OO MAANTA CAFIS KU SOO DAYNAYSA BOQOR BUURMADOOW

XUKUUMADDA OO MAANTA CAFIS KU SOO DAYNAYSA BOQOR BUURMADOOW





Hargaysa( CNN )- Boqor Cismaan Maxamuud Boormadaw ayaa la filayaa in maanta laga soo daayo xabsiga Mandheer, kadib markii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u qoray warqad cafis ah,sida uu wargaysa Geeska Afrika ka helay ilo xogagaal ah.

Boqor Cismaan Buurmadow ayaa xabsi ku jiray ilaa 15 March 2012, markaasoo laga xidhay madaarka Hargeysa, socdaal uu Imaaraadka kaga soo laabtay. Eedaha loo haystay ayaa ku saabsanaa dhaleecayn uu jeediyey xilli Madaxweynaha Somaliland booqasho ku tegay dalka Shiinaha.

Hay’ada Amnesty International ayaa dhawaan iyaduna soo saartay qoraal ay kaga codsanayso xukuumaddu inay sii dayso Boqor Buurmadaw oo in mudo ah ku xidhnaa jeelka magaalada Hargaysa oo markii la xukumayna loo sii dhaafiyay jeelka Mandheera.

Sii daynta boqor Buurmadaw ayaa sida oo kale waxa xukuumadda ka codsaday inbadan oo kamid ah madaxdhaqameedka iyo hal doorka Somaliland, waxaanay xadhiga Bororku uu calaamatu su’aal saaray xariyada cabirka rayiga, taas oo keentay in haay’ado caalmi ah ay soo codsadaan siidaynta Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadaw.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: