15 July, 2012

Xoghaya Guddida Maaliyadda ee Golaha Wakiilaqdda Xildhibaan Cali Mareexaan oo maanta golaha ka jeediyay Warbinta xeerka baananka islaamiga ah

Xoghaya Guddida Maaliyadda ee Golaha Wakiilaqdda Xildhibaan Cali Mareexaan oo maanta golaha ka jeediyay Warbinta xeerka baananka islaamiga ah

Hargeysa(Waaheen) Golaha Wakiiladda Somaliland waxa horyaalla Xeerka Baananka Islaamka, kaasoo muddo hore Golaha loo soo gudbiyay balse aan wali dhaafin, iyadoo Golaha Wakiiladdu Dood iyo falanqayn ka yeelan doono Xeerkaasi.

Xoghayaha Guddida Maaliyadda ee Golaha Wakiiladda Xildhibaan Cali Maxamud (Cali Mareexaan), ayaa fadhigii saaka oo Xeerkaas loogu qayabiyay Mudanayaasha ka jeediyay Warbixintii Guddida, waxaanu ku bilaabay:-

xeerka baanka islaamka waxaa golaha gudidu soo hordhigtay mudo hore, goluhuna wuu ka dooday. markii ay u hadhsanayd ansixinta oo keliya ayaa waxaa goluhu soo jeediyey in marka hore dib u habayn lagu sameeyo Xeerka Baanka Dhexe, soo jeedintaas oo goluhu qaatay. sida aad la socotaan waxaa goluhu kalfadhigii hore ansixiyey xeerkii baanka dhexe.

hadaba gudidu iyadoo ka duulaysa arimahaa waxay markale isla akhriday xeerkii cusbaa ee baanka dhexe iyo xeerkan baananka islaamiga ah, si aanu isu waafajino gaar ahaan xeerka baanka islaamka oo ka soo dheegmay ama ka farcamayaa xeerka baanka dhexe XEER LM/54 2012.

tusaale ahaan xeerkani wuxuu meelo badan ka tixraacayaa xeerka baanka dhexe qodobadiisa khuseeya baananka islaamiga ah, taas oo la waafajiyey laguna caddeeyey qodoba sida:-

Ruqsadsiinnta Baanka dhexe ee Baananka islaamka iyo kuwa kale oo uu dhigayo qodobada CUTUBKA 9aad Q,83aad. Sidoo kale Xeerka Baanka dhexe wuxuu qaatay Number cusub oo XEER LM/54 2012, sidaa awgeed waxaa lagu muujiyey melkasta oo xeerkan islaamiga ahi ka hadlayo numbarkaa cusub. sidoo kale, Maadaama oo baananka madaxa banaan ay yihiin ama ay u shaqaynayaan hab shirkado, Xeerkan waxaa kaloo aanu la akhrinay xeerka shirkadaha Xeer Lm. 25/2004,

Marka laga tago iswaafajinta nuxurka xeerka waxba kamaanaan bedelin

Muhiimada xeerka

Dad badan ayaa waxay laba u kala saaraan Bangiyada ganacsiga iyo baananka islaamiga ah. habada Baananka islaamiga ahi waa baan ganacsi waxaanuu qabanayaa dhamaan ageedyada uu baan qabto oo xalaal ah sida uu dhigayo Qodobka 5aad: Hawlaha iyo Hamilada Bangiyada Islaamiga ah:-

Baananka Islaamiga ahi waxay qabanayaan dhammaan hawlaha iyo adeegyada ay baananka ganacsiga (Commercial Banks) iyo kuwa maalgalintu sameeyaan, iyagoo ku dhaqmaya hab waafaqsan mabaadi’da iyo Axkaamta Shareecadda Islaamka, sida qabashada dhigaalada ee kala duwan iyo hawlaha maalgalinta waxa kale oo ay qabanayaan hawlahan soo socda:
Kobcinta iyo horumarinta hababka keydinta iyo xisaabaadka maalgelinta;
Ka-qaybqaadashada hawlaha maalgelinta ee dhinacyaha beeraha, wershadaha, xoolaha, dhismayaasha, jidadka iyo dhamaan hawlaha horumarinta dhaqaalaha;
Bixinta dhammaan adeegyada maaliyadeed oo loo fulinaayo hab waafaqsan Xeerka Bangiga Dhexe, Dastuurka dalka iyo Shareecadda Islaamka;
Gacansiinta maaliyadeed ee xirfadlayda iyo ganacsatada soo koraya;
Samaynta ama ka-qaybqaadashada abuurista shirkadaha ama sanduuqyada dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalka;
Soo saarista saamiyada iyo shahaadooyinka maalgashi ee shirkadaha iyo sanduuqyada maaliyadeed.
Maalgelinta dhammaan mashaariicda wax-ku-oolka ah ee kala duwan;
Galista heeshiisyada ganacsi, maalgashi iyo adeeg ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba;
Wax-ku-yeelashada saami raasamaal bangi kale dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, si waafaqsan qodobada xeerkan iyo Xeer Lam:54/2012;
Yeelashada hantida guurta ama maguurtada ah ee bangigu hawlihiisa ku fulinaayo ama uu ka sii ganacsanaayo sida mashaariicda kirooyinka;
Baananka Islaamiga ahi waxa ay xisaabo u furi karaan macmiishooda ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba haday tahay xisaabaha lacagaha qalaad iyo tan dalkaba;
Macmiisha dhigaalka maalgalineed ku leh Baanka Islaamiga ah waxa ay wax-ku-yeelanayaan wixii faa’iido ama khasaare ka dhasha hawlgelinta dhigaalkooda, iyada oo xaaladda khasaaraha ay shardi u tahay in aanu baanku la iman wax xad gudub ah ama gabood fal ah oo ku aadan maalgelinta iyo maamulkeedaba.

Waxaa dalka ka dhaqan galay baanan iyo hay’ado maaliyadeed oo islaami ah oo madaxbanaan, iyadoo aanu jirin xeer dhaqangal ah. taasi waxay qaranka u keenaysaa dhibaatoyin ay ka mid yihiin;

I. dhaqaale iyo dhakhli ka soo geli lahaa qaranka oo baaqda

II. waxay khatar gelinaysaa hantida dadweynaha ee la macaamila hay’adahas marhadaanu jirin xeerkii lagu kala socon lahaa.

III. waxaa la waayayaa habkii ay u wada shaqayn lahaayey baanka dhexe iyo hay’adahaasi iyo nidaamkii lagu ilaalin lahaaba.



Kala duwanaansha labada nidaam

iyadoo lada duulayo qodobka dastuurka 14aad farqadiisa 3aad, kala duwanaanshuhu waa ribada, islamic finance wuxuu ku salaysan yahay waa in faa’iidada iyo khasaarahaba la qaybsado.



Mudanayaal,
xeerkii aynu ansixinay ee baanka dhexe wuxuu cadaynayaa in ay labada nidaam kala yeeshaan laba xeer oo kala gaar ah sidaa darteen xeerkani wuxuu waafaqsan yahay masuuliyadii uu waajibiyey xeerLm. 54/2012.
gudigu waxay gacanta ku haysaa xeerkii ka ganacsiga hawlaha baanka ee kale waxaanay golaha horkeenaysaa dhakhso.



Sidaa darteed waxaanu golaha u soo jeedidaynaa in goluhu xeerkan dhakhso u ansixiyo.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: