04 September, 2012

Xubnihii Madaxweyne Siilaanyo Golihiisa Xukuumada Uu Ka Eryay Xilliyo Kala Duwan Iyo Wasiirada Hab Beeleedka Uu Ugu Badalay

Xubnihii Madaxweyne Siilaanyo Golihiisa Xukuumada Uu Ka Eryay Xilliyo Kala Duwan Iyo Wasiirada Hab Beeleedka Uu Ugu Badalay

Xubnihii ugu horeeyay ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu soo dhisay 28-kii July 2010-kii oo ahaa 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen oo kala badh laga qaaday muddadaasi labada sano iyo bilaha ahayd xilalka, isla markaana mid kasta lagu bedelay xubin beeshiisa ka soo jeeda. Xubnaha golaha wasiirada ee Madaxweyne Siilaanyo xilalka ka qaaday oo muddooyin kala duwan xilalkaasi hayay, ayaa qaar ka mid ah xilalka ;lagaga qaaday muddo afar bilood ah, halka ka ugu badana xilka lagaga qaaday muddo laba sanood ah

Masuuliyiinta golaha wasiirada iyo hay’adaha madaxabanaan ee xukuumada ayaa xulashadooda lagu saleeyaa ilaa xilligii lagu dhawaaqay gooni isku taaga madaxbanaanida Somaliland hab beelaysan, taas oo keentay in beelaha Somaliland ay ku kala sheegtaan mansabyada la magacaabayo ee hay’adaha xukuumadihii kala dambeeyay, taas oo keentay in agaasime waaxeed, wasiir ilaa Janan Ciidan iyo ilaa kuraasta sare ee golayaasha sharci dajinta in lagu saleeyo saamiga beelaha. Xubnaha golihii wasiirada ee ugu horeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay 28 July 2010-kii ee xilalka laga qaaday oo mid kasta lagu bedelay xubin ka soo jeeda wasiirka xilka laga qaaday ayaa waxay u dhigan yihiin:-
1. Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga iyo Maamulka dekaddaha Maxamed Yaasiin Xasan, oo lagu badalay wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljirre) ayaa waxa kursigii golaha wasiirada xilligaa buuxiyay wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo wakhtigaasi la magacaabay.
2. Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Ibraahim Maxamed oo xilka laga qaaday, ayaa waxa saamiga kursiga golaha wasiirada hab beeleed u buuxiyay Axmed Cabdi Xaabsade oo xilligaasi loo soo magacaabay wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta.

3. Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha Dr Axmed Xaashi Oday oo sidoo kalena lo badalay Boosaha iyo isgaadhsiinta oo xilka laga qaaday, ayaa waxa kursigaasi golaha wasiirada hab beeleed loogu magacaabay wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ee todobaadkii hore xilka laga qaaday.
4. Wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe ayaa kurigii wasiirnimo waxa hab beeleed loogu magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta Abiib Diiriye Nuur (Tima-cade)
5. Wasiirkii hore ee caddaalada Ismaaciil Muumin Aare oo sidoo kale soo maray wasaarada hawlaha guud oo xilka laga qaaday waxaa saamigii kursiga golaha wasiirada hab reeraysan loogu magacaabay wasiirkii arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad)

6. Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo xilka laga qaaday, waxaa hab beeleed loogu badalay wasiirka hada ee Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale, oo xilligaasi ahaa gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada
7. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo xilka iska casilay, ayaa waxaa kursigiisii hab ardaa loogu magacaabay wasiirkii arrimaha gudaha  Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo xilligaasi ahaa xildhibaan kaa tirsan golaha wakiilada lagana soo doortay xisbiga Udub iyo gobolka Saaxil.
8. Wasiirkii hore ee arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac oo xilka laga qaaday waxaa kursigii golaha wasiirada hab beeleed loogu magacaabay wasiirka ciyaaraha ee hada Cali Siciid Raygal, oo wakhtigaasi ahaa maareeyaha Madbacada Qaranka.

9. Wasiirkii ugu horeeyay ee ciyaaraha Maxamed Ibraahim Madar oo ka mid ahaa golihii ugu horeeyay ee xukuumada oo xilka laga qaaday horaantii 2011-kii laguna badalay wasiirki hore Cabdi Siciid Faahiye oo isku beel ay ka soo wada jeedeen, oo isagana xilka laga qaaday, ayaa waxa kursigaasi qaab beeleed loogu magacaabay wasiirka hada ee boosha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle.
La soco……


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: