04 September, 2012

Isku-dhoonka Suugaanta

Isku-dhoonka Suugaanta

“Maanso-ku-maahmaah” Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

Nolosha Soomaalida iyo sooyaalka suugaanteedu waa “isku-dhoon”. Geedka “Isku-dhoonka” loo yaqaannaa waxa uu dhirta kale kaga duwan yahay waa isku dhisnaanta isaga iyo duddumadiisu ay isugu dhidban yihiin sida ul iyo diirkeed.Geedkaas iyo duddumadu waa isku naf.Nolosha Soomaalida iyo suugaanteeduna waa “Isku-dhoonkaas” oo way isku sidkan yihiin sida hal iyo nirigteed, lamana kala jeebi karo.

Beyd ama tuduc keliya, ama beydad dhawr ah oo is raacsan, ayaa magacan “Maanso- ama Gabay-ku-maahmaaha” la siin karaa. Rashiid Sheekh Cabdillaahi X. Axmed (Gadhweyne) ayaan markii ugu horraysay ka maqlay ereyga “Gabay-ku-maahmaah” sannadkii 1984-kii, annaga oo ka hawl-gelayney carooggii Radio Halgan ee mucaaridkii hubaysnaa ee xilligaas. Maansooyin badan oo ka mid ah kuwii hore ee sooyaalka ahaa iyo kuwan dambe ee casriga ahba waa laga soo dhex guran karaa beydad sifada magacaas leh.Tuduca “maanso-ku-maahmaah” waxa gaar yeelaya oo beydadka kale ee maansadiisa ka soo miidhaya baadi-sooc ahaan waa ribnimadiisa xooggan ee murtida naqwada ah; macne iyo nuxur ahaanba; ee uu xambaarsan yahay.

Qarada iyo cufnaanta murtiyeed ee beydadka gabay-ku-maahmaahu waxa ay ku sooraan oo ay bixiyaan xog iyo wacaalo lagaga kaaftoomi karo raadinta war iyo tibaaxo kale oo ku saabsan ujeeddada gabyaagu maansadiisa uga gol leeyahay.Gabay-ku-maahmaahu waa baytal qasiid hal-qabsi noqda. Tusaale ahaan:-

• Rag caddaalad waayaa; sidii cawsha kala yaac!
• Dugsi ma leh qabyaaladi waxay; dumiso mooyaane!
• Dab iyo dhagax layskuma dhuftee kala dhawraay!
• Muslim kuma cabiidsamo Walloon; madaxa kaa goyn!
• Nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdee!
• Magacaagu yuu noqon; mid xumaan ka marag kaca!
• Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado!
• Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli!
• Mintid fara yar midhihii bataa kama macaashaan!
• Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara!
• Nin labaatan jirey iyo adduun way legdamayaan!
• Maandhow axsaan lagama tago eed haddaad faliye!
• Layskuma ridaanrido meel haddaan raallinnimo oollin!
• Aqoon la’aani waa iftiin la’aan!
• Berrina ha la aaso’e nin raga baqaskii waa ceeb!
• Muggii weel ma dhaafo’e Allow mooska yaan jebinnin!
• Nin labood is moodaba sabaan laahiyaa heli!
• Lix halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada!
• Musuqmaasuq Soomaali waa meheraddeediiye!

Dushaa inta badan laga hayaa beydadka gabay-ku-maahmaah oo waxa loo adeegsadaa halka ku munaasibka ah ee ku habbooni marka ay timaaddo.Kasmo-wadareedda dadka Soomaalidu way isla taqaan badiba beydadkaas loo bixiyey gabay-ku-maahmaaha oo waa loo guuxaa tafa-dheeraanta murtida ay soo gudbiyaan.Nolosha doc kasta oo ka mid ah waxa loo helaa tuducyo u adeegsi-qalma oo qaayiba in loo cuskado.Haddii xitaa lala kulmo beyd ama beydad cusub oo maanso-ku-maahmaah ah waa la soo dhuftaa oo madaxaa loo ruxaa xeeldheeraanta murtida xooggan ee ay sidaan.

Quruxda iyo farshaxannimadooda ka sokow waxa ay beydadkaasi fududeeyaan oo soo dhoweeyaan fahamka mawduuca laga wada xaajoonayo.Maskaxdaa kolkiiba soo tuurta oo ku saameesha rugahooda.Waa sida maahmaahda oo kale oo nolol maalmeedka ayay ku milmaan, hadalkana si cuddoon ayay ula geeddi-galaan.

• “Baadida nin baa kula deydeyi daalla kaa badane
Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne,
Dillana ma laha aakhiro haddii loo kitaab dayo’e”

• “Nin dhirbaaxo quudheed dugsadey dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abid”

• “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Masa inaannu nahay oo tolliimo meerto noo tahay
Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaryo
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”

• “Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshey
Nin i daaqsanayaana maxaan daafidaw kariyey,
Jidhku nimaanu doonayn maxaan hadalka deeqsiiyey,
Ma degdego’e xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay”


• “Siddeeddii cishoba waa intuu sahanku laallaaye
Waa soo sidnaa xeedhyihii dabaqu saarnaaye
Iiddoor sal-fududaa wuxuu sugayo muu dhawro”

• “Nafta dooji mooyee xarrago laga dawaareeye
Daarood siduu beri ahaa loo dad-qalatow”

• “Muslinnimo ninkaan kugu dhaqayn muuminnimo khaas ah
Gaal maxasta kuu qaada ood magansataa dhaama”

• “Kob abaara oo dhexe miyuu koore ila meeray
Kub miyaan ka jabay biixi aan kabayo loo haynin”

• “Cuqubadu halkii lagu galay caw ku huruddaaye
Carruurtay ka laysaa ninkii caanaheed dhama’e”

• “Nin agoon ku xaday qalin
Gooray ku qaraxdaba
Qaaxo kama fogaato”

• “Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay
Meel aan lagaa rabin indhaha lala ma sii raaco”

• “Kol haddaanad geerida horteed geesiga aqoonnin
Goblan weeye Soomaaliyeey garashadaadii”:

• “Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine,
Xaashe’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe”

• “Booraan afkii laga qafiley qabarna hooseeyo
Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhiane
Ma anigaa lay qarshaa mindiyo laygu qali doono”

• “Cagtii joogsan waydaa mar bay ceeb la kulantaaye
Carrabkaan la laabini xumuu caasha geliyaa”

• “Dhirtaba qaar malko ah baa jirtiyo lama garaacaan
Dadkuna birma-geydo buu leeyihiyo lama guhaadshaan”:

• “Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad ugu dambaysaane
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey
Mar uun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya”:

• “Diric keli ahaantii
Daleel guusha kama helo
Dadkaa geesi lagu yahay”

• “Maskaxdaadu yay noqon
Maqal lagula leeyahay
Yaan toban muftaax iyo
Lagu furan masaabiir”

• “Qofba wuxuu ku dagan yahay
Halkuu daacad kaga hadho”

Intani waa tusmooyin kooban oo ka mid ah baddaas baaxadda ballaadhan ee Maanso- ama Gabay-ku-maahmaah.Waa naqwadii suugaanta.Xeeldheeraanta afka iyo farshaxan-adeegsiga maansadiisa ayay beydadka maanso-ku-maahmaahu isu soo taagaan oo ay ka marag kacaan, waxanay isku gadaamaan oo hadheeyaan nolosha oo dhan. Waa halka dadka shisheeye ee dhaqan iyo nolosha Soomaalida uur-baadhka ku sameeyaa ka keeneen in ay yidhaahdaan “Soomaalidu Waa Quruuntii Gabayga ama Maansada” oo cilmi-baadhayaal badani xoojinteeda ay isaga danbeeyeen laga soo bilaabo badhtamihii qarnigii 19-aad badhtamihiisii ayaamihii Richard Burton iyo buuggiisii First Footsteps In East Africa!



mohamedbashe@hotmail.com http://samotalis.blogspot.com/

No comments: