Waal-waalataye, xerada gal!! Waxa xusuus mudan in Doorashadii Madaxtooyada ee hore, uu Xisbiga UDUB dhagax-dhigey waddo uu yidhi waxay isku xidheysaa Balli-Gubadle iyo Hargeysa, Madaarka galbeedkiisa, wasiirkii Macdanta iyo Biyaha waqtigaasi, inj. Maxamuud Cabdi Malawna uu dhagaxa dhigey, Udub halkaas ayey ky illowdey waddadii iyo ujeeddadii ay ka lahaydba. Siddeed sano kadib, xusuusta ayaa duri kaga dhacee, Cismaan Hindi, Guddoomiyaha ololaha doorasho ee Xisbiga talada haya, in uu reer-Balligubadle ula tago waddo hargeisa -Balligubadleh ah ayaanu idiin samaynaynaa, waa musiibo siyasadeed!! Wasiirka Hawlaha-Guud, Mr. Siciid Sulub, ayaa beesha Oodweyne isla doorshadaas ballamo kula galay uu waddada lamiga ah ee Sanaag qabata, kaga dayac-tirayo ,Ceel biyoodna ugu sameynayo iyo Ballamo kaleba, Sideed sano kadib, Madaxweyne Riyaale oo ay kooxdii dhegahja haysatey war aan asas lahayn hulluuqsiin jireyn ayaa berigii dhweyyd ee uu kormeerka ku mrayayey Gobolka waxa ay reer Oodweyne u taageen Kaadhka-Cas, kadib markii ay hunguubeen kana waayeen wixii ay ugu codeeyeen. Dawladda Hoose ee Burco oon qudheedu dab yar shideyn ayaa is-qaadatey oo waddo weyn oo muhiim ah fras magaalaha magaalada xaadhey, Grading ku sameysay doorashadii oo ay ka hadhsantahay 29 cishona u muuqata in ay ku bes beeshay halkaas, yaa xannaan, ninna Caado ma baajo, Bahalna Caydhin ma daayo!! Wallee tan udub ah, waa laga sheekeyn, way u muhayaan been sheegaba !!. Waxa aynu muddoba maqleyney, dadwaynaha iyo qurbo jooga Reer-Booramme oo markii ay arkeen inaan Madaxweynuhu, ujeedin , wax u qabashada Gobolkooda is-abaaluy oo wdaadada iska kaashadey, Dhagax-dhigga uu Madaxwene -ku xigeenka Dalku dhagaxa u dhigey, waa mid aynu ka fileyno markan inay qbsoonto, waayo, sheekh Ahmed Yuusuf Yaasin, waa nin sheekh ah oo kolleyba aan been u sheegi karin dadkiisa, mar labaadkana kharashka hawlgalka waddada oo ay iska ururiyeen Dadweynuhu waa mid gacanta ku jira, dadweynahaana fulinaya. Gebogabadii, Muwaadinow, ka la sirayo waa adiga haddii ay u meel marto. Saambuuse Eedaanku ka dhacay Ramadaan ayey UDUB dooneysaa inay kaa iibiso ee adiga iyo garashadaa, ogowse in aanay ku xurmeyn oo ay been caddaana kugula soo dhiirratey!! Dr. Cali Cabdi Muxumed. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
29 May, 2010
Xilligii waddooyinka la dhgax-dhigi jirey ee UDUB ayaa bilaabmay,
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment