14 July, 2012

Gobol Somalilanda oo xilka madaxweyne/musharax ku-xigeenka looga yaqaan Waraabe u taag

Gobol Somalilanda oo xilka madaxweyne/musharax ku-xigeenka looga yaqaan Waraabe u taag

Hargysa,-Bulsho-weynta reer Somaliland ee ku nool degaanada ama gobolada galbeedka Somaliland siiba Gobolada Awdal iyo Selel ayaa mansab siyaasiya oo ay dhegahoodu maqlaan ugu neceb ama ka xajiimooda haddiiba ay maqlaan xilka musharaxa madaxweyne ku xigeenka,gudoomiye ku xigeenka ama madaxweyne ku xigeenkaba duruufo la soo dersay awgood.

Dhawaan mar aan booqasho gaaban ku tegay fagaarayaasha lagu falanqeeyo ama lagaga doodo siyaasada ee Boorama,maraanmarna ku sameeyey dhawr marfash iyo goobaha kofeega laga cabo ee dadka aqoonyahanka ahi galbihii isagu yimaadaan waxaan sugay oo xaqiiqsadey in bulshoweynta reer Awdal intooda badani khaati ka taagan yihiin ama aan dhegahoodu jecalysan inay maqlaan xilka gudoomiye ku xigeenka ama musharax ku xigeenka urur hebel ama xisbi hebel.

Waxaa xusid mudan in maadaba reer Boorama dhegahooda ku bateen Ku-xigeen Hebel aanay mihiimad sidaasaba siin urur/xisbi hebel waxaa ku xigeen u ah hebel oo ka soo jeeda Awdal sida ururka Wadani waxaa gudoomiye/musharax ku xigeen u ah Muumin Seed oo ka soo jeeda Awdal,Gaboose waxaa ku xigeen u ah prof Hebel,Jamaal Cali Xuseen waxaa musharax ku xigeen u ah C/rashiid X.Mataan, faysal cali Waraabana waxaa gudoomiye- xigeen u ah Hoorri,Nasiyena waxaa ku xigeen u ah Cabdilaahi Dheere (xogahaya golaha guurtida),Siilaanyana waxaa ku xigeen u ah Saylici.

Waxaa fagaarayaasha siyaasada aad laysu weydiinaayaa waxa looga waayey ku xigeenadaa reer Awdal nin dhiirada oo damac hogaamineed leh oo sidii Daahir Rayaale badheedha oo tartama oo gudoomiye urur iyo musharaxba noqda ,ku darsoo waxay dadka siyaasada falanqeeya ee reer Awdal u jajabnayn ama u diyaarsanayn inay faaleeyaan ama falanqeeyaan su'aalo dhawra sida ma habarasho siyaasadeed baa jirta,ma cid kaalintaas buuxisa oo kalsoonida iyo quluubta shacabka heshaa reer Awdal iska waayeen,ma siyaasadaaney dhaqaale u hurin mise xilkan laftiiseysan ku qanacsanayn ama aaminsayn.

Isku soo wada duuboo waxa Boorama aad ugu sumcad iyo qaayo beelay xilka ku xigeenka oo beryahan danbe bulshoweynta awdal mudnaan badan siin una bixiyeen Waraabe-utaag maadaba ay arkeen madaxweyne ku xigeenka oo ka soo jeeda gobolkooda oo ugu yaraan laba jeer buuq galay markay isqabteen wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku kelifay inuu iman waayo xafiiskiisa oo labadii jeerba la soo ladqabeeyey,laguna qanciyey in distoorku u gaar yeelay keliya inuu qabto wixii Siilaanyo u diro ama u igmado ee aanu awood kale meesha ku lahayn, islamarkaana labadii jeerba gar iyo daw toona lama marin ee waxaa lagu dirqiyey inuu soo shaqo tago sidaanu wararka ku hayno.Dhinaca kale reer Awdal ku xigeen saylaci bay ku naceen waxaaney kaftan ahaan ugu yeedhaan madaxweyne xigeenka Saylici Maqas-weyne oo kolba Isguul yar oo kooxi dhisatey ama ardayi ka qalin jebinayso ama dhismo yar oo hayadi fulisay ayuu maqas la daba socda xikmad kaleba ma hayo taas darteed reer Borama w axaa qof waliba iskii isagu qanciyey inaaney isku mashquulin,iskuna arbushin wax ku-xigeen la yidhaahdaba oo awood distooriya iyo mid dhaqan toona lahayn ee uu yahay nin iska shaqo tegay Somaliland iska daaye Awdalna waxba ugu filayn.

No comments: