Qaar Ka Mid Ah Qamaamuurtii UDUB Baarlamaanka Ugu Jiray Oo Isku Shubay Wadani Iyo Walaaca Soo Food Saaray Xisbiyadii Hore U Jiray
Hargeysa, December 9, 2011 (Haatuf) - Qaar ka mid ah mudanayaashii golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay xisbiga Udub ayaa la sheegay inay si rasmiya uga baxeen xisbigoodii, kuna biireen urur siyaasadeedka wadani ee uu hogaamiyo gudoomiyaha golaha wakiiladu C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro), kuwaas oo ka dhex muuqday ololaha ururka wadani ka wado gobollada bari ee dalka gaar ahaan gobollada Togdheer iyo Sanaag.
Mudane Cali Xaaji Maxamed Muuse oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga Udub ee sida rasmiga ah ugu biiray urur siyaasadeedka wadani xafaladii loogu wanqalay ku dhawaaqistii.
Ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw golahaasi wakiilada ayaa Haatuf u xaqiijiyay in qamaamuurtii Udub ugu jiray Barlamaanka oo uu ka mid yahay Mudane Ibraahim Maxamed Xuseen Dhaadheere, oo isagu ka mid ahaa xubnaha ugu miisaanka culus ayaa isagu isku shubay urur siyaasadeedka wadani, taas oo la sheegay in lacagtii debaajiga ahayd ee ururkaasi bixiyayna ka qaybqaatay intii ku soo hagaagtay, sidoo kale Mudane Xariir Siciid Bulaale oo isaguna ka mid ahaa wakiiladii xisbiga Udub ee laga soo doortay gobolka Sool, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanadii Ucid iyo Udub eek u biiray xisbiga Kulmiye ololihii doorashadii madaxtooyada ee dala ka dhacday 26-June 2010-kii ayaa isagana la sheegay inuu ku biiray wadani, kuwaas oo ilo wareedyadu cadeeyeen inay ololaha ururkaasi wadani ka bilaabay gobolada bari dalka ay si uga dhex muuqdeen, isla markaana ay shacbigii soo doortay ugu ololaynayeen in ururka wadani ay taageeraan.
Urur siyaasadeedka wadani ayaa isagu ah ururka kaliya ee xildhibaanadii laga soo doortay xisbiyada Ucid iyo Udub ay xubno ka mid ahi u digo rogteen.
Waxa kale oo wararku intaa ku dareen inay jiraan xubno kale oo ka mid ah xisbiyada Udub iyo Kulmiye ee golahaasi inay dhawaan u digo rogtaan ururkaasi wadani.
Dhinaca kale saddexda xisbi qaran ee hore jiray ee Kulmiye, Ucid iyo Udub ayaa ka werwersan in xildhibaanadii baarlamaanka ugu jiray ay kaga xuub-siibtaan ururada cusub.

No comments:
Post a Comment