10 December, 2011

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ay Horyaalaan Go’aanka Ay Baarlamaanku Ku Jideeyeen In


Madaxweyne Siilaanyo Oo Ay Horyaalaan Go'aanka Ay Baarlamaanku Ku Jideeyeen In Doorashada Deegaanka Lagu Galo Jaantaa Rogan Iyo Wax Ka Badalka Xeerka Nidaamka Ururada


Hargeysa, December 9, 2011 (Haatuf) - Shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa dabayaaqadii bishii hore ee November 2011-ka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u gudbiyay go'aanka ay labadooda gole ee baarlamaanka guurtida iyo wakiiladu ku laaleen diiwaangalintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-June 2010-kii, isla markaana ku go'aamiyeen in doorashada golayaasha deegaanka ee Komishanka doorashooyinku sheegeen in dalka ay ka dhici doonto bisha Abril 2012 lagu galo bilaa diiwaangalin iyo sidoo kale wax ka badalka ay ku soo sameeyeen xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada xeer lr 14/2011.

Madaxweynaha oo awooda dhaqangalinta xeerarka ay soo ansixiyeen labada gole baarlamaanku awood distooriya u leh inuu soo celiyo iyo inuu digreeto sexeexa ku dhaqan galio ayaan ilaa hada si rasmiya u dhaqan galinin xeerkaasi, o wakhtigan xaadirka ah baahi weyn looga qabo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee komishanka doorashooyinku cadeeyeen inay dalka ka qabsoomi doonaan bisha April ee 2012-ka, taas oo ay ku gadaman yihiin duruufo iyo xaalado dibi dhac ku keeni kara marka la eego muddada ay u cayimeen qabsoomideeda.

Ilaa hada si cad looma oga wakhtiga kama dambaysta ah ee Madaxweynuhu qalainka ku duugi doono dhaqan galinta wax ka badalka xeerka axsaabta iyo diiwaangalinta ay ku soo sameeyeen golayaasha baarlamaanku.

Ilo wareedyo u dhuun daloola xukuumada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu todobaadka soo socda la filayo inuu si rasmiya digreeto ugu soo saari doono dhaqangalinta xeerarkaasi.

Dhinaca kale wax ka badalka xeerka nidaamka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2011 ayaa dhigaya in xildhibaanada baarlamaanku ay tobankii sano-ba marka la furayo ururada ay ka bixi karaan xisbiyadii laga soo doortay kuna biiri karaan xisbiyo kale, isla markaana furan karaan ururo cusub, sidoo kalena dhigaya haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xisbigii laga so doortay soo bixi waayo inay ku biiri karaan saddexda xisbi ee ku soo baxa doorashada golayaash deegaanka xisbigay doonaan.

Sidoo kale wax ka badalka xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha xeer lr 37/2011 ayaa isaguna dhigaya in doorashada golayaasha deegaanka lagu galo bilaa diiwaangalin, isla markaana lagu laalay diiwaangalintii codbixiyayaasha ee lagu galay doorashadii hore ee madaxtooyada, taasoo noqonaysa in jaantaa rogan ay ku dhacdo doorashadu, iyadoo aanay xeerkaasi ku cadaynin sharciyad lagu xakamaynayo dadka hal cod wax ka badan bixiya.

No comments: