Salaadiinta Beesha Sacad Muuse Oo Sheegay Inay Qoonsadeen Hadal Ka Soo Baxay Suldaan Maxamed Sul. C/qaadir, Jawaabna Ka Bixiyey
Hargeysa, December 9, 2011 (Haatuf) – Qaar ka mid ah Salaadiinta Beesha Sacad Muuse ayaa sheegay inay qoonsadeen hadal maalintii shalay ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaam Maxamed Suldaan C/qaadir, waxaanay tilmaameen in hadaladaasi ay sheegeen Suldaan Maxamed iyo Suldaan Saleebaan ay yihiin hadalo milgaha dhaqanka ka baxsan.
Salaadiintan oo ay ka mid yihiin Suldaan Ibraahin Sul Sulub Nuur, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele, Suldaan Jaamac Cismaan Aadan, Suldaan Xiis Bare Yuusuf, Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa sidaasi ku sheegay Bayaan Jawaab ah oo ay soo gaadhsiiyeen wargeyska Haatuf, waxaanu u qornaa sidan:
"Hadii aanu nahay salaadiinta sacad muuse waxaanu gef u aragnaa iyo meel ka dhac hadaladii ka soo yeedhay suldaan maxamed sul c/qaadir iyo suldaan saleebaan kuwaas oo ku hadlay wax milgaha dhaqankeena ka baxsan ku hadlay isla markaana dulay madaxda dalka u sareeya khaastan taliyaha ciidanka qaranka Somaliland general nuux ismaaciil taani iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo la taliyaha madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland xaga siyaasada abiib diiriye nuur waxaanaanu leenahay waxaad ka hudasheen waa wax ka soo horjeeda go,aankii madaxweynuhu qaatay ee ahaa in gacanku dhiiglayaasha falkaa foosha xumaa geestey sharciga la horkeeno waxaanaanu leenahay waxaad ku hadasheen waa wax ka baxsan saldanada salaadiintuna nabad bay ka shaqaysaa ee maaha kuwii afuufayay igilka dagaalka hadaba saldanadu dhaqankeedu waxa weeyi nabad iyo caano ee maaha siday u hadleen salaadiintaasi ee ay qarankii dhaleeceeyeen kuna tilmaameen inay taliyihii ciidanka qaranka ee hawsha loo xil saaray inay dhinac ka dhigaan isagiina danbiile ku tilmaameen hadaba waxay salaadiintu ka xunyihiin falkii xumaa ee saameel iyo kii ka danbeeyey ee isla eeryadaa ka dhacay waxay salaadiintu kale oo ay ku dareen inay tacsi u diriyaan eheledii ay dadku kaga dhinteen falalkaa foosha xum waxaanay ilaahay ugu baryeen in uu ilaahay janada ka waraabiyo dadkii ay ka baxeen samir iyo iimaan ka siiyo waxay salaadiintu ilaahay ka baryeen inuu dadkii falkaa geystay ilaahay soo qabto sharcigana la horgeeyo.
1) Suldaan Ibraahin Sul Sulub Nuur
2) Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele
3) Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
4) Suldaan Xiis Bare Yuusuf
5) Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed

No comments:
Post a Comment