Togaherer.com
Waxaa maanta Magaalada Hargaysa Lagaga Dhawaaqay Urur Siyaasaded Cusub oo La magac baxay Ururka Nabada Dimuquraadiyada Iyo Barwaaqada Ururkan oo marka La soo gabiyo La yidhaa NDP Ayaa Waxaa Gudoomiye ka noqonaysa Marwo Foosiya Yusuf Xaaji Aadan oo Ka mid Ah aqoonyahanka Reer Somaliland.
Ururka Maanta lagu daahfuray Huteel Shiraaqle uu ku yaala Bariga Magaalda Hargaysa Ayaa ah ururkii ugu horeeyey ee Ay ku dhawaaqo Ruux Dumar ahi.Geesta Kale Xaflada Daahfurida ahayd ayaa waxaa ka soo qayb galay qayba kala duwan ee bulshada Sida Siyaasiyiin Somaliland ka caan ah, Madax dhaqameedyo, Culimo, dhalinayro iyo haweelka Somaliland.
Xafladan oo Ay hadalo ka jeediyeen Qaar ka mid ah Ka soo qayb galayaasii ayaa waxaa ka mid ahaa Xubinii hadalada ka jeediyey Siyaasiga Wayn Ee Axmed Xuseen Cise iyo Suldanka Gud Ee Beelaha Somaliland Sul Maxamed Sul Cabdiqaadir iyo suldaanka Yusuf Muxumed Xiiray, ugudambyantiina waaxa Faahfaahin ka bixisay Ururkeeda Mrwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Fadlan hadii Aanaad Joogin Xaflad Waa kuu Fasax in aad Copy Garaysataa Codka iyo sawiradaba
Xafladii oo aanu idiinsoo Koobnay Dhagaysi haboon.




No comments:
Post a Comment