30 May, 2010

Sir Fakatay Sheekaddii Cisman Hindi Uu Yidhi Waa Laysoo Weeraray Oo Noqotay Mid Uu Isagu Soo Abaabulay. Iyo Ujeedadii Laga Lahaa.!( Sir Ma Qabe Allow Sahan Ah)

Sir Fakatay Sheekaddii Cisman Hindi Uu Yidhi Waa Laysoo Weeraray Oo Noqotay Mid Uu Isagu Soo Abaabulay. Iyo Ujeedadii Laga Lahaa.!( Sir Ma Qabe Allow Sahan Ah)

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Dhamanba Shacabka Somaliland Salaan Xushmad Iyo Karaamo Mudan Iga Gudooma.

Waxaa Shalay magaalada Hargeysa ee caasimada JSL kadhacay arin   layaable oo la yidhi waxaa la weeraray  Ninka Lagu Magacaabo Cismaan Hindi, Arinkaas  ayaa  Markiiba Saxaafada Qaar kamidihi Qoreen in weerarka uu geystay nin kamida Shaqaalihii  udub Goobjoogeyasha u ahaa howshii kaadhadh bedelka,Isla Markana dhaawac la gaadhsiiiyey Mr Hindi. Hadaba Halkaa Iyada oo Xaaladu Marayso oo dadka qaarkii rumaysteen in arintaasi sidaa tahay oo Nin xaqiisii la  duudsiyey oo Cadhaysani Uu Mr Hindi  Nabar Gaadhsiiyey ayaa Waxaa Saxaafada La hadlay Mr Hindi oo Yidhi Xusbiga Kulmiye ayaa Arintaa Ka Danbeeyey Waxaanay Ka cadhoodeen Hadalkii aan idhi iyaga ayaana   Weerarka Ka Danbeeyey.

Hadaba Waxaa   Arintii noqotay mid uu ka danbeeyey  Cismaan Hindi Laftiisu oo uu isagu soo abaabulay waxaana  Warkaas Xaqiijinaya Waraysigii uu Bixiyay ee Ku Qoraa Saaxaafada.   Aan Ku Bilaabee  Sheekadan Waa Mid Loogu Gogol Xaadhayo Weerar Lagu Qaado Mucaaridka Gaar ahaana Madaxda Xusbuiga Kulmiye, Si Loo Hello Wado Lagu Weeraro Madaxda Kulmiye Waa In Horta la hello Deriiqii  Sheekadaasi  Ku Suuro Geli Lahayd.  Kadibna Mu'aamaradii Waxaa Loo qaybiyay Sidan Bal Eega Sheekadan Layaabka leh.!

1-In marka hore Cismaan La Weeararo Wax wayna aan loo gelaysan Si ay u Furanto Wadada  Madax Wareerku.
2-Marka Xigana In Cismaan Hindi Shirjaa'id Qabto ooYidhaaho Kulmiye ayaa Ka danbeeyey Si Loo Hello Wado   Loogu Magac Daray Anigaba Waa Lay Weeraray, Loona Abaabulo  Cidii weerari Lahayd Madaxda Kulmiye.
3-   In la Bartil-maameedsado Madaxda Kulmiye  Sida  Muj Siilanyo, Xildh Nacnac, Dr Gaboose Iyo Kuwooda Ugu Hadalka Kulul.
4-In laga dhigo sheekada Mid  u dhexaysa laba reer, iyada oo la adeegsanayo  Mr Hindi Ayaa  Siilaanyo Wax ka sheegay Ka dibna Reer Hebel ayaa ka Cadhooday, Kadibna Cismaan Hindi ayay  La dagaalameen, Dariiqaa oo ah ka La doonayo in Lagu Weeraro  Siilanyo Laftiisa Si Loo Abuuro Xafiiltan U dhexeeya  Laba Reer.

Maxaa u Cadayn Ah in Sheekadaa Mr Hindi Soo Abaabulay?

U fiirso Hadalka Mr Hindi. Wuxuu Yidhi Xafiiskayga ayaan Soo Gelayey, Sedex Gaadhi oo Lagu Hor gooyey ayaan arkay, Askarigii  i illaalinayey ayaan Ku Idhi Orod bal soo Eeg Waxay Yihiiin, Sida uu Hadal ka U dhigay Xagii Baabuurtu  Ka xigtay ayuu askarigii  qabtay, Wuxuu Yidhi intii Askarigii iga Maqnaa Ayaa Lay Soo Weeraray,
Wuxuu Yidhi ninka ila dagalamay Waan Garanayey,Wuxuu Yidhi Askarigii ayaan Isku Duubay Oo Waxaan Is Idhi Yaanu Layn Nimanka, Wuxuu Yidhi  Sedexdii Gaadhi Markii aan Askariga Qabtay Ayay Carareen Kadibna Police Ka Ayaa Meeshii Yimi.

Su'aalaha Meesha Yaalla Waxay Yihiin?
1- Nimanka Ku Dilay Haddii Aad Garanaysay  Maxad U odhan Waydey Hebel Iyo Hebel ayay ahaayeen?
2-  Haddiii Lagu Dilay oo Lagu Soo Weeraray Maxad Ninkii Ku Illaalinayey Isugu Duubtay Illeen Nimanka Waa uu Qaban Lahaaye?
3-Haddii Aad Askariga Isku Duubi Karaysay oo aadan Waxba Qabin  Maxaad  isugu Duubi Waydey Mid ka mida  Kuwii Ku  Dilayay Ama aad Baabuurtii Ku Weerartay Number kooda u qoran waydey?
4- Haddii  Aad Ku tidhi Askariga orod Nimanka Soo Eeg halkee ayay Ka soo Daba Mareen Illeen Xagii nimanku Joogeen Waakii Askarigu Qabtaye?!
5- Haddii aad Askariga Isku Duubayso Muxuu Illaalinayaa ee uu kaala Socdaa markaa?
6- Nimankii hadii la garanayo Maxaa loo soo qaban Waayey?

Haddii aad Si Fiican u akhridaan Hadalka Mr Hindi Waxaad Ogaanaysan in uu Filma Isagu Ka danbeeyey Laguna heshiiyay isoo weerara kadibna Askariga ayaan isku Doobayaa Idinkuna Yaaca, Si aan Laydiiin Qaban. Sheekadani oo kale Shacabka Somaliland Kuma cusba Waxayna La mid tahay Sheekadiii   Berigii dhowayd  dhacday ee La yidhi nin ba Meel Miiino Dhigayey oo Gabadh yaa isku Duubtay.! Waxayna Ka mid mid tahay Siyaasadaha NSS ta.

Tallo Ku Socota Madaxda Mucaaradka  Iyo Dhamanba Shacabka Somaliland.

Waxaa Xaqiiqo ah in ay jiraan shirqoolo La maleegay oo loogu tallo galay mucaridka gaar ahaana Madaxda Xusbiga Kulmiye,Waxaa Jira Mu'aamarado Ka dhan ah Madaxda  oo Loo Diyaariyay Marka Ololaha Doorashgadu Bilaabmo in  La Weeraro ama Arrimo kale oo dahsoon la Sameeyo Sida  Qaraxyo la dhigo kadibna La yidhaaho Waa Laynagu soo duulay Dhalinyaro la  abaabulo oo Dagaal Geysta.
Hadaba Waxaan U Soo jeedinayaa Dhamanba Shacabka Somalilnd Gaar Ahaana Madaxda Mucaridka In ay Ka Digtoonaadaan Shirqoolada Udub Maleegtay, Sidoo Kalena  In La Adkeeyo Amaanka  Musharaxiinta  Xusbiyada Mucaridka Ah. In ay Iska Jiraan Goobaha  Ay Ka hadlayaan Waxaa Jira Dhex raacise.

Sir Ma Qabe Allow Sahan Ah.

Cali Kayse Kabadhe
The Netherlands
Calikayse@live.com

No comments: