Daymo taxane ah oo lagu eegi doono waxqabadka masuuliyiinta xukuumada Riyaale:
Cali Xoor Xoor (Maareeyaha Dekeda Berbera)
Waxa maalintii sedexaad socda ololaha loogu jiro doorashada madaxtooyada JSL ee dhacaysa 26 June 2010. Waxa iyana is barbar ordaya isu cudud sheegashada sadexda xisbi ee ku loolamaya doorashadan, hadaba bal aan is yar dul taagno ama aan sawir ka bixino wareega koobaad ee olalahaas iyadoo manta uu xisbul xaakim ka UDUB uu bilaabayo wareegii labaad ee ololaha.
Xalay ilaa shalay waxa fadhiga ka soo kacay maareyaha Dekeda Berbera ka dib markii u u adkaysan waayey cududa taageero ee xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan xisbiga kulmiye oo shalay si heer sare ah uu dad weyne tiro badani ka qayb galeen isu soobixiisii, kaas oo amakaag ku riday maareeyaha dekada Berbera, shalay galinkii danbe ilaa xalay waxa magalada gaaf wareegayey gaadhiidka gaarka ah ee Maareeyaha dekada Berbera isagoo isaga laftiisuna uu ka soo sara kacay fadhigii isla markaana saluugay hab maamulka kaanbaynka ee xisbiga UDUB ee magaalda Berbera iyo cududa taageero ee diciifka ah. Waxa uu dhaman wada booqday xafiisyada xisbigu ka furtay xaafadaha Berbera oo qaarna xidhxidhanyihin qaar kalena yihin waaqla aan cidi joogin.
Halkaas waxa ka muuqata in bulshadu ay saluugtay waxqabadka Mamulka madaxweyne Riyaale iyo madaxda ka hoosaysa oo ay ka sii fara baxayaan dad weynihii taageeri jiray Dowlada iyo Xisbiga udub.
Marka ay halkaas marayso, waxan warbixinteenan manta isku dayeynaa in aan wax ka taataabano tilmaaha taban ee dadku ku neceen Maareeyaha dekeda Berbera iyo waliba Madexweyneaha aan hoos u eegin ficliyaadka masuulada uu umada u diray inay u adegaan:
1. Waa maamule caadaystay inuu sida uu doono u isticmaalo hantida qaranka, waxa u adeegsadaa hantida umada inuu ku bahdilo dadka sharaftooda, rayigooda iyo kartida bulshadu leedahay; marka aan sida leeyahay aan soo qaato tusaalayaal cad cad, waxa uu bara dadka inuu siiyo laaluush iyo lacag uu kaga badalanayo inuu qofkaasi isaga aanu ka hor iman khalad iyo saxba, taas oo bulshada ku abuuraysa caadaqaatenimo, damiirka dil iyo in bulshadu ay u xuubsiibato kuwo aan runta u sheegi Karin hadii madaxdoodu khaldantahay iyo hadii kaleba
2. Waxa kale oo jecelyahay in qofkastaa wax waydiisto, qofka ka maarma wax waydiisadkiisa ama iskii u shaqaystana waxa uu isku dayaa inuu joojiyo shaqadiisa ama uu ka mamnuuca Dekeda ama shaqo magalada uga socota dhis ha ahaato ama Meherad uu leeyahayba' e si uu ugu yimaado oo uu u baryo;
3. Somaliland ama dadka Reer Berbera waa bulsho fiican isla markaana isugu jirta dad taageera xisbiyada kale ee mucaaradka ah; dadka noocaas ah waxa uu ka dhigtaa yool waxana uu ku handidaa inay fikirkooda badalaan oo ay isaga ku soo daba saftaan; kaanbaynkii ugu danbeeyey ee kulmiyena waxa uu sameeyey dhacdo la yaableh isagoo ka mamnuucay inay galaan Dekeda Berbera gaadiidkii waa waynee ee kulmiye u siday dadkii u soo debed baxay sida uu nooga waray mid ka mid ah xaqlayaasha gaadiidkaas, waxa uu intaa ku daray xaqlaha mid ka mid ah gaadiidkaas laga mamnuucay Dekeda in aanu inta ka hadhay gaadhigisa ugu fooftagi doonin dekeda .
4. Waxa kale oo dhaqanadisa ka mid ah inuu xidho muwaadiniinta iyadoon sifo sharci ah loo soo marin balse amar kaliya lagu xidho, taas oo gef wayn ku ah bulshda iyo muwaadiniintaba isla markaa meel loogago dhoco karaamadooda uu sharcigu siiyey.
5. Dekeda Berbera waxa uu u haystaa inay tahay Dukaan uu isagu leeyahay, isagoo sameeya waxa uu doono, ma ixtiraamo shaqada loo hayo ganacsatada iyo umaddaba waxana tusaale inoogu filan in maalintii khamiista ahayd ee kaanbaynku bilaabmayey waxa shaqaalaha dekada oo dhan amar ku faray inay ka qayb galaan isusoo baxa uu isagu horkacayo ee ay soo bandhigayey Xisbiga UDUB.
Ficiladaas iyo kuwo kale oo badan ayaa ka mid ah waxyaabaha bulshada reer Berbera ku neceen maamulka dekeda Berbera; masuulkana marka oo hayo xil noocaas ah waxa haboon inuu waxbadan ixtiraamo isla markaana uu ilaaliyo sharaf iyo qiyamka bulshada laakin taas cali wuu ku guul daraysta waxana uu damcay oo bulshada oo dhamina ogtahay inuu doonayo in bulshadu u wada ahaato guul wadayaal halka isaguna uu kalidii kharash gareeyo boqolaal kun oo doolar bishiiba; haba kharash gareeyee waxa taa ka si daran waxyaabaha uu ku kharash gareeyo hantida umada waa wax aan caqligu qaadan Karin.
Ugu danbayntii, Waxa hubaal ah oo aan is qarin Karin in madaxwayne Riyaale ku guul daraystay inuu dirsado masuuliyiin xilkas ah oo umada u adeega, iyadoo dadka qaarkiina aaminsanyihin inuu yahay isaga laftiisuMadaxweyne aan dan ka lahayn bulshada isla markaana u fiiro dheer danihiisa gaarka ah iyo urursiga hantida umada, hadii aanay sidaa ahayn xukuumadu waxay noqon lahayd mid ku shaqaysta danta qaran iyo ilaalinta karamaada umadda isla markaana waxay samayn lahayd sharciyo xakameeya masuuliyiinta si aan karaamada umada meel loogaga dhicin. "Sidaas daraadeed shinbiri laba geed ma wada gurato" Madaxweyne riyaale iyo Masuuliyiinta u adeegtaa iskuma heli karaan kalsoonida iyo codka Bulshada Reer Somaliland iyo xatooyada Hantida Qaranka"
La soco ………………………daymada masuuliyiinta Madaxweyne Riyaale Bulshada u diray inay u adeegtaan
Waa qalinkii
Abdulraasiq Suldaan Cali
caafimad iyo ciiridherr ayaan kugu docanayaa
No comments:
Post a Comment