06 June, 2010

Guddiga Anshaxa Doorashooyinku, maxay tallaabo uga qaadiwaayeen, Wasiirka Maaliyadda?!!

Waxa si aan xishoodka iyo Mansabka uu hayo ee Wasiirnimo ku wanaagsaneyn beryahanba warbaahinta ku jirey, war-Saxaafadeed uu bixiyey wasiirka Maaliyaddu oo uu si toos ah ugu jebiyey Xeerarka Doorashooyinka, kan Anshaxa iyo heshiisyadii la wada galey oo dhan isaga oo Af-Miuggii ku yidhi :"Dawladda waxa u taalla in ay Kulmiye Ka horjoogsato, in uu ku guuleysto oo uu gacata u galo xukunku !!" Ilaa dhawrkaa casho bal waxaan sugayey in ay Guddigan Harag-shabeeleysani, ay wasiirka tallaabo ka qaadaan, mana ay dhicin. Waxaan qabaa in xisbiyadu ay dib-u-eegis ku sameeyaan, Guddigan. Arrintu waxa weeye, Guddiga urin waayey, arkinawaayey shirka jaraa'id waxan uu ku qorey Wasiirka Maaliyaddu, maalimnta doorashona ma maqli-doonaan , mana arki doonaan, xadgudubyada wax ka qabadka markaa u baahan, oo aan ka soo waaq lahaan doonin.

Wasiir Cawil ,  ma bombkii heroshiima iyop Nagazaki ayuu siqidda uu Kulmiye hore u siqayo Madaxtooyada isaga oo codka dadweynaha ay UDUB dayacdey adeegsanaya uu ku tuurayaa? Macnaha uu xambaarsan yahay ereyganise waa maxay? Ku shubasho ma ma dhacayso oo dadku way xaddidan yihiin. Farsamo sanaaduuqda lagu beddelo la helimaayo oo goobwalba kulmiye Goob-jooge Damiirkiisu dirayo ayaa u jooga. Askartu xidh iyo Toogo ayay taqaan oo la baraye, Wasiirku ma talo Xumo uu fartan adeegsanayo ayuu wataa? Lax dhukani abaar mooge, Sowkan Caalamkii goob-joogaha ka ah Doorashada!! Hay'adihii xuquuqal Insaanku sow kuwan Dalka galaa-baxaya !! Wasiirka waxa la moodaa in uu insomnia la liito, oo Kulmiye uu ka seexan waayey, kuna riyoodo isga oo Madaxtooyada ka caydhiyey Riyaale iyo kooxdiisa!

Guddiga Anshax marinta doorashadu waa in ay talaabo muuqata ka qaado wasiirka ama aanu tallabo ka qaadno iyada lafteeda.


Dr. Cali Cabdi Muxumed



No comments: