Xisbig UDUB oo ku Fashilmay soo Bandhigida Barnaamijkoodii Siyaasadeed;
Qaadaa dhiigii suxufi madaxbanaan.
Suxufi Madaxbanaan Naasir Maxamed C/laahi
""Anagu sida Mucaaridka keeni mayno Buug yar oo la macmalay ee waxaanu soo
wadnaa wax wayn"?
Iyadoo doorashadii Madaxtooyada innaga xigaan maalmo aan sidaasi u sii
badnayn laguna gudu jiro ololaha doorashada ayaa aan ilaa hadda xisbiga talada
haya ee UDUB aanay soo bandhigin barnaamijkoodii siyaasadeed, halka labada xisbi
mucaarid ee KULMIYE iyo UCID ay iyagu u soo bandhigay shacabka barnaamjiyadooda
siyaasadeed ee ay dalka ku hoggaamin doonaan hadii ay talada ku guulaystaan.
Haddii aan dib u raacno taariikhda xisbiga talada haya ee UDUB iyo
barnaamijkii uu lahaa ee uu soo bandhigay doorashadan tii ka horreysay waxa la
odhan karaa barnaamijkoodii siyaasadeed ee wakhtigaasi waxa uu ahaa mid qabyo
ah, isla markaana aad u liita, waxanu ka koobnaa afar waraaqood oo aan noqon
karayn wax dhaxal gal ah ama waara.
Ilaa hada ma cada in xisbiga talada haya ee UDUB uu ololaha ku gali doono
barnaamjkiisii hore oo ah kaa Afarta waraaqood ah ee ayn halka sare ku soo xusay
iyo in ay wax kale soo wadaan iyada oo haatan wakhtigu gebagebo yahay.
Mar Su'aashan laga waydiiyay shir-Jaraa'iid oo uu qabtay Wasiirka Maaliyaddu
waxa uu si macno daro ah oo uu kibir ku jiro ugu jawaabay Suxufigii Su'aashaa
waydiiyay waxaanu yidhi sidan:- " Anagu sida Mucaaridka keeni mayno buug yar oo
la macmalay ee waxaanu soo wadnaa wax wayn"?
Hadaba xisbiga talada haya ee UDUB oo isagu ah xisbi hagraday shacabkiisa
intii uu talada hayay ama ay dadku ka sii jeedaan ayaa rajada kaliya ee uu lahaa
ay ahayd inuu dadka tuso yididiilo iyo rajo uu mustaqbalka ugu balan qaadayo
waxa cusub ee uu ku soo kordhinayo shacabka iyo waxa uu ka beddalyo
siyaasaddiisii hore ee ku salaysnayd fadhiidnimada, Iibinta hantida ummadda, ku
tumashada shuruucda dalka, caddaaladda darada, shaqo la'aanta iyo urursiga
hantida ummadda, taas oo noqon lahayd mida qudha ee dadka tuhun galin lahayd,
taasina waxa ay cadaynaysaa in xisbiga waxa uu qaban karaa ay tahay oo qudha
Iibinta hantida ummadda iyo ku tumashada sharciyada Dalka.
Haddaba, waa maxay sababta rasmiga ah ee keentay in xisbiga talada haya ee
UDUB uu ololaha doorashada ku galo barnaamij la'aan? Su'aashan oo aan
jawaabteeda u dhaafi doono akhristayaasha, haddana haddii aan waxoogaa iska
waydiino waxa la odhan karaa
1: Xisbiga UDUB waxay ku beddeleen barnaamijkoodii siyaasadeed mid qabiil
iyaga oo raadinaya taageerada beelaha
2: iyaga oo ka baqanaya su'aalaha haddii ay barnaamij soo bandhigaan ka
horiman doona
3: iyo kalsooni-darro haysa madaxda sare sare ee xisbiga oo midib mid ku
riixayo hawsha barnaamijka xisbiga, taas oo keentay in gabi ahaanba layska
daayo.
Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa isagu aan gabi ahaanba ka muuqan saaxadaha
ololaha, waxa ololaha ku jira oo qudha wasiirrada iyo shaqaalaha dawladda oo
iyagu aaminsan in la eryi doono hadduu doorashada ku guuldaraysto.
Xisbiga UDUB ayaan isagu gabi ahaanba lahayn gole dhexe guddi fulineed iyo
maamul toona, balse waxa qudha ee shaqaynyaa waa magaca, waxaanu ololaha ku
galayaa lacag, lacagtaas oo aan dadka toos loo siinayn ee lagu siinayo qaad,
taas oo keentay in dhalin yaro aad u faro badan ay habeen iyo maalin cunaan qaad
haka kuwo aan hore u cuni jirina ay cunaan markay helaan qaad bilaasha ah.
Waxaan ku soo Gabo gabaynayaa mawduucaygan xukuumadda talda haysa iyo xisbiga
UDUB waxa laga faa'iiday waa barashada qaad habeen soo jeedka iyo ku
abtirsashada Qabyaalada runtii waxaanay saamayn wayn ku yeelan doontaa
mustaqbalka dhalaanka.
Suxufi Madaxbanaan Naasir Maxamed C/laahi
No comments:
Post a Comment