06 June, 2010

ASTAAN WACAN IYO DAREEN TOOSAY

Ahmed ArwoASTAAN WACAN  IYO DAREEN TOOSAY


CODKAAGA KU CIIL BAX—31

Ahmed Arwo

Gudgude – Hadraawi oo tilmaamaaya bulshaweynta:

“Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo’aad tahaye


Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye


Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye


Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda


Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye”




Kheyriyadda Boorame 4 June2010
alt
Kheyriyadda Boorame 4 June2010
alt
Kheyriyadda Boorame 4 June2010



Somaliland waa bulsho waa walaal iyo waalid, waa wiil iyo gabadh, waa beelo beerka iyo wadnahu ka dhaxeeyo. Waa sodog, sodoh, seedi, abti, adeer , inaabti iyo habarwadaag, waa habaryar, eeddo, ayeeyo iyo awoow. Waa ehel, gacal,xigto iyo xigaal. Waa naf keliya oo jidh kala duwan ku jirta, kolkuu mid duryo ayey wada bukootaa. Haddana weli mey helin cid dareenkeeda ku hoggaamisa. Waxa duubka u xidhan duul kala tegeeda, isku-dirkeeda, kala haadinteeda, kala durkinteeda ku ganacsada.

Kheyriyadda Burco Kulmiye 04 June 2010

Kuwo timaha isagu xidha, fooda isu-gasha, intey sii jeedaana, hantidooda malafsada, kuwo aan miskiin u nixin, waayeel ka damqan, ku faana “Miskiin ayaa leh misko la fuulo”. Caydu waa u cuud, iyiiyo iyo diiday waa jawaabta ay helaana, waxa lagu sidkaa sow madaxweyne ma ahi, sow wasiir ma ihi....oo yaad u tahay, yaad maalkooda ku danshodaanshootaa.
Islaanta cadceed huwata een haysan hadh ay ka gasho, burceeduna u tahay furaash ayaa maalin walba askari hiif ula yimaada, cashuur joogta ahn laga qaadaa. Shilimada sidaas lagu soo hooyey, ayaa haddana shan sano ka dib loola yimaadaa iyada oo laga rabo in codkeeda la helo. Waxa lagu baayacaa beesadii ay shalay bixisay. Kolkay garato, ayaa loola cararaa odaygii reerka een waligii shaqo tegin bal se gees-garaac shilinka islaanta laga soo qaaday si bahdilaad ah loogu tuuraa. Cumaamad meel hoose caaro hoy ka dhigatay, ayuu degdeg u haleelaa kolkaasu isagoo Wasiirkii shalay albaabka ka xidhay barbar socda ayuu gole reerka soo fadhiisiyaa. Doorkan waa yaab oo ma hayo wax dhaafsiisan faro-ku tiris..Wasiirkii ayaa yaab madaxa qabta..” Waar Kaneeco..ma intan ayeynu reerkii ka haynaa..oo sideen u qaabilaa Madaxweynaha u haysta in reer qudhac cidi ka leexanayn..”

Waxa manta cadaatay in bulsho baraarugtay inay garatay danta guud inay tuurtay daalinka qabiilka wax ku daga, ku dhaca, ku dila ku kufsada xaqqa iyo dastuurka. Bulsho wey dareentay qaladka ay gashay ee laga gooyey. Bulsho waa toobad keen iyo Alle tuug. Bulsho wey isu soo hilowday. Waxay ka hilaacday galbeed. Waa Boorame oo Burco u baaqday, “heerimaahee waa na kane idin mee”..Burcaa tidhi “ Booramow hirimaahee waa hagaag ee waa berri iyo barbarkey ka baxdaa waa bakeylo qaleen”

Daawo Video iyo Boorame
Hargeysi waa xudunta dalkeena, waa kulanka Soomaliland. Waxay beenisay qabiil ku faankii shalay lahaa ciddaas ha ka baxdo. Waa nin jeclaa inuu cudur bulshada dhexdhigo. Wey dhaqaaqday, wey gilgishay damiir laawe iyo nin qalbiga ka buka. Dhegahay furatay, waxay maqahay oy daawatay HCTv oo tamar darada, hagrashada, aqoon yarida iyo gaabis lagu hoggaaminayey bulshada 8 sano oo u dhigantaa qarani kolka loo eego beylahdu intey leegtay ayey la ilmeeyaan. Waxay arkaan aqoonta iyo karaamada u hadlaysa KULMIYE..iyo kuwa mugdiga iyo murugada raba inay weligood ku jiraan.

Waxa shalayto is-muujiyey shacbi in badan la diiday in la arko dareenkooda. Waxa farxad la gadooday dhalinyaro aragta nuurka soo ifaaya, oo sidii geel haraadan oo uriyey xareeda baliga loo aroorshay ayey ilmo indhahooda isku-soo taagtay, hoostana ka ganuunaceen ooy Alle mahadiyeen. Guulalee Guule Alle waa guul.

Daawo Hargeysa iyo Beerta Xorriyadda Guji hoose iyo sawiro kale:


http://samotalis.blogspot.com/2010/06/hargeysa-kulmiye-presidential-election.html

Waa Buligubadle iyo xaruntii SNM iyadu waaba sifo gaar ah. Waa xarun xuskeedu maamuus gaar ah leeyahay, dadkeeduna waa duul karaamo iyo geesinimo leh. Waa duul aan qabiil hoose iyo nin jeebkiis ka weyn. Anigana waa ii sifo gooni ah. Waa barkaddii aan ku barbaaray iyo hoygii reerka oo noqotay xaruntii SNM xiligii halganka. Waa goob ii calaamadsan sharafteedna aan la wadaago inta gobanimada jecel, gaarna ii ah. Waa meel aan la damacsanay xus iyo taariikh ma guurta ah Insha Allah. Baligubadle uma soo bixin UDUB, socdaalkii Madx/Xig waxay ku sagootiyeen iyagoo Mayarkii magaaldu iyo xubnihii UDUB iska casileen UDUB. Waa jac ku noqotay iyo nabar damqasho badan Suufi Axmed.

Daawo Video iyo Baligubadle:
QUDABDII MADAXWEYNE RIYAALE YUU LA HADLAAYEY?

Waxuu yidhi iigu cesha, mana sheegin wax aan ahayn wax qabdakii marxuumiinta Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan iyo Cigaal.
 Kolkii loo dhiibay xukunka dalkuu siduu ahaa?
Waxa soo dhammaaday dagaalii nacasnimo ee labada jeer soo noqday. Alle ha u naxariisto intii dhimmatay, nabrkii bogsadayna Alle naguma cesho. Waxa la soo afjaray xurguf si wacan loo arkay talo xumadii dhalisay, waa laga bogsaday lagana ducaystay.Waxa la gartay in inta nool loo taliyo. Waxa ka horreysay Burco iyo goobtii lagu taagay tiirka Jamhuuriyadda Soomaliland oo beelihii SNM iyo Kuwii kale ay noqdeen dar walaalooba oo gacmaha isqabsada sida uu ka turjumaayo calanka KULMIYE iyo gacamaha is-salaamayaa ee kulmiye.
Intaas waxa xigtay inuu Marxuum Cigaale Alle ha u naxariistee ku guulaysatay dastuurkii oo la ansixiyey baarlamaan ahaaan iyo shacbi ahaanba. Waxa uu dhammaystiray sharcigii xisbiyada, sharcigii doorashada, Waxuu dhisay guddigii diiwangelinta URURADa, waxuu dhisay Guddigii Doorashooyinka. Waxa bilabmay URURadii. Halkaas ooy marayso oo dadku diyaar u yahay doorosho, ayey tii Eebbe ku timid. Dalku waxuu ahaa nabad iyo caano, waxuu ahaa dal doorasho u diyaar ah.

Madaxweynahu waxuu ka dhigaa inuu xilka qabtay meel dab iyo holac ka jiro, waxay kaga dhegaty nabad ayaan hayaa...Halkaas ayaad dhaxashay ee maxaad soo kordhisay? Doorashu ha odhan taasi dheriga ayey saarnayd..ee maxaa hadday dhab kaa ahayd uga werweregtay tan manta  tagan eed seddexda sano u mulucleynaysay?

Waxuu waayey waxuu sheego. Kolkaasu dhooqada damcay inuu iskaga tirtiro Golaha wakiilada.
Waxqabad la’aanta ooy u weheliso fulin la’aanta ballamo fudfudud oo soo noqnoqonaaya maqaal kale iyo dhowaan aan u riixo, aan se xuso...kuwa aan waxba u baahnayn ee muujinaayo tamata iyo tag la’aaanta xukuumadda :
  1. In shir cilmi baadhis loo qabto aqoonyahanka Somaliland . Imisa jeer ayuu Madaxweyne balan qaaday? Tiraba seddex jeer ayaan xusuustaa.
  2. Idaacadda oo dalka gaadha, wey tiro beeshay, kolalka qaar waxaaba la yidhi wey gaadhay oo been ah.
  3. Darajada ciidamada. Imisa sano ayey xataa odhaahdo isku mid ahayd..intaan sanadku dhammaan. Taas waxa la walaalo ah derejada shaqaalaha dawladda oo sidoo kale loo balan qaaday.
  4. Iyo bedelka lacagta giinbaarka ee Burco, ee 3 sano miisaaniyad kasta ku jirta, lana aqoon xalka ay marto sanad walba.
Tan labaad ee uu ku xusay Golaha wakiilada si gaar ah Shir-guddoonka. Waxa ayaan darro ah halkuu Madax. Uu dalka u shaqayn lahaa ee uu iskaashi iyo wadatashi ku wadi lahaa inuu ka dhigo Golaha Wakiilada xiro dagaal uu ku wiiqo waxqabadkooda. Shariciga ay ansixiiyaan meel ma gaadho, laguma dhaqmo.Miisaaniyadda siduu doono ayuu ka yeelaa oo kuma socoto tan ay ansixiyeen.
Isku dhicii ugu weynaa ee ahaa dhinaca miisaaniyadda iyo xadhiga degdega ah een sharciga waafaqsanayn. Waxaa dhexgalay Guddi culumo, aqoonyahan iyo abwaano leh
Waxayna soo saareen Go’aamadan hoos ku xusan.

1. In Golaha Wakiillada marlabaad la horgeeyo labadii Xubnood ee Guurtidu, komiishanka u soo magacowday oo loo Codeeyo.
2. In Miisaaniada loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen
3. in saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaana lala eego, iyagoo debeda jooga. Waxaa iyagana lagga rabaa inanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela.

Soo jeedin.

• Waa in xukuumadu horgeyso Golaha Wakiilada heshiisyada ay wadamada iyo shirkadaha caalamiga ah la gasho.
• Xukuumadu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiilada
• Xukuumadu waa in Golaha Wakiilada u soo gudbisaa barnaamijkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon
• Madaxweynaha waa in uu Golaha ka akhriyo qudbada distooriga ah ee sannadka
• Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah.
• Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awooda distoorku siiyay”

Guddiga Xalinta Khilaafaadka:
1. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
2. Sheekh Maxamed Cumar Dirir
3. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)
4. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg)
5. Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed
6. Maxamed Siciid Gees
7. Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
8. Dr. Aadan Yuusuf Aboker
9. Siciid Axmed Maxamuud


Waxaynu ognay in Golahu fuliyey qodobadii guddigu soo saaray. Madaxweynahuna isagoo sida warsaxafadeedka ku qoran ka aqbay ayaanu fulin midna. Waxa taas xigtay Warsaxafadeedkii xigay oo ahaa in balankii hore aanu fulin Madaxweynahu, waxaana bilaabantay ereyadii Gaariye iyo Hadraawi
.....Gar ayaanu galnay oo labadii dhinac ee aanu u garqaadnay waxii aan kala kulanay inan sheegno weeye oo taasay umaddu naga sugaysaaye, waxaan leeyahay golaha wakiiladdu si sharaf leh ayay yeeleen wanay qaaten gartii iyo go'aanadii laakin Madaxweynahu wuu diiday gartii iyo go'aamadii' Sidaas waxa yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Kal hore 2009 waxaynu ognay in Madaxtooyady colaadeedu gaadhay in Golahaba la qufulo, waana tii keentay hiilka shacbiga oo dhimasho muwaadinin rasaas lagu tuugtay. Iyana habeenkii u dambeye waa kuwii ka noqday Wakiiladu sharaf-ka-xayuubintii (Impeachment), bal se uu Madaxweynahu mar kale heshiiskii dhexdhexaad=inta ka baxay.

Daawo Video Jawaabtii Guddomiyaha Wakiilada Mud. Cabdiraxmaan Cirro:
Aan idinku dhaafo idinka iyo caqligeen. Qiimee qudbadda madaxweynaha oo miisaan. Ma tahay mid ku qanciso inaad 5 sano oo horleh xilka ugu dhiibto. Ma tahay mid leh barnaamaj mustaqbal, ma tahay mid kuu ifinaysa mas’uuliyad, mid uu ku qirtay qalad keliya intuu xilka hayey. Ma tahay mid aad tartamayaasha kale kaga raaci karto.

Waad aragtay oo waxqabad ka madhan, balan ka qaawan, karti iyo tamarna waa intaad soo aragtay, canaad iyo tashi-la’aan, musuq, san-taag iyo dhego iyo af-xidhani u dheertay. U hur codkaaga oo ku ciil bax, adigoon dhegax tuurin, cidna caayin, cadhana ka dheer si fudud u bixi codkaaga oo sii isbedelka soo ifaaya, ugu rid KULMIYE. Ku ciil bax codkaaga. Doorashadu waa adigoo codkaaga ku ciil baxa oo tusa hoggaanka ku hagraday inaad taqaan sida waxqabad loo qiimeeyo.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah

Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:

Radio Horyaal Axad 06/06/2010

Horyaal Axad 06 June 2010
Warar
:
MP3


Ahmed Arwo


JOIN SAMOTALIS Group

JOIN SAMOTALIS Page AT:

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: