30 May, 2010

Masuuliyiin Miisaan Culus ku Leh Xisbiga UDUB oo iska Is-casilay Xilalkii ay Hayeen

Masuuliyiin Miisaan Culus ku Leh Xisbiga UDUB oo iska Is-casilay Xilalkii ay Hayeen

"Bahweynta UDUB waxaan leeyahay intaan sidii Sadaam Xuseen godka la idiinku soo gelin oo aan dhiigeena DNA-da laga qaadin aynu talo isugu nimaadno oo aynu wax-ka-beddelno xisbigii UDUB la odhan jiray"

Guddoomiyihii Difaaca iyo Nabadgelyada UDUB Mr. Cabdillaahi Maxamuud Jaamac (Caray)

Hargeysa (Jam)- Masuuliyiin miisaan culus ku leh xisbiga talada haya ee UDUB oo ka kala tirsan golaha dhexe iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Wacyigelinta, ayaa shalay ku dhowaaqay inay ka casileen xilalkii ay u hayeen xisbiga UDUB, kadib markii ay sheegeen inay xisbiga UDUB hagaasiyeen dad garan waa ah oo aan doonayn xisbiga guushiisa.

Masuuliyiintan is-casilay waxay si qoto dheer uga warrameen ilaa waqtigii ay aasaaseen mar xaladda uu marayo xisbiga UDUB, iyaga oo farta ku fiiqay in dadka cusub ee ay ku sheegeen inay xisbiga hagaasiyeen ay kala garan waayeen inay la shaqaynayaan iyo inay la shaqaynayaan, isla markaana aanay shacabka reer Somaliland wax taageero ah ka haysan, beenna isugu sheekaynayaan, iyaguna ay is-garteen intaan waagu xaggooda dambe ka beryin.

Xubnahani waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa'id oo ku qabteen hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa, waxana ka mid ahaa xubnihii hoggaaminayay Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa, Guddoomiyihii Difaaca iyo Nabadgelyada Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray), Guddoomiyihii Xidhiidhka Gobollada Md. Siciid Jaamac Yuusuf (Siciid Ilkoweyne), Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Dhaqaalaha Xasan Abiib Maxamed, Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Md. Axmed Muuse Aw Cabdi, Oday Farxaan Faacuul oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xsbiga UDUB iyo ilaa afar xubnood oo ka mid ah garabadda haweenka iyo dhallinyarada ee xisbiga UDUB ee degmooyinka 26-ka June iyo Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Ugu horreyn, Afhayeenka masuuliyiintaas iska casiley hayey xilka Guddoomiyihii Difaaca iyo Nabadgelyada UDUB Mr. Cabdillaahi Maxamuud Jaamac (Caray) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay iska casileen xisbigii ay muddada dheer ku soo jireen ee UDUB, kadib markii ay waayeen rajo ka soo jeeda, isaga oo xusay in muddadii doorashadu foodda innagu soo haysa aannu ilaa waqtigaas diyaarsan barnaamijkiisii siyaasadeed.

"Ragayagan halkan fadhiya waa la wada garanayaa oo raggii xarunta xisbiga UDUB dhex fadhiyi jiray labada halaad ee UDUB ku sawiran dhexdooda. Markii xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal dhintay ayay UDUB cabatay oo ay yidhaahdeen waa kan oo ina Cigaal-na dhimaye´e maxaynu yeelaa, kadibna waxa la yidhi waxay heli doontaa dad aan waxba ka damqanayn xsisbigii UDUB mar qudha ayuu is dhalan rogay, ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamuud Jaamac, waxaannu intaa ku daray, "Xisbigii dhammaa ee aannu soo aasaasnay wuu sii hagaasay, hagaasay, meeshana wuu ka baxay oo waxa qabsaday dad garan waa ah, bahweynta UDUB waxaan leeyahay intaan sidii Sadaam Xuseen godka la idiinku soo gelin aynu talo isugu nimaadno oo aynu wax-ka-beddelno xisbigii UDUB la odhan jiray.

Waxa kale oo aannu caddaynaynaa in aanan UDUB ka baxayn oo garan mayno cid UDUB naga xigta amma naga leh, ugana cararimayno Geeddi-baabuu shalay soo galay, laakiin waxaannu ummadda reer Somaliland u sheegaynaa in aan UDUB, UDUB-tii ahayn," ayuu yidhi Mr. Cabdillaahi Maxamuud Jaamac (Caray).

Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in xisbiga UDUB taladiisii ay maroorsadeen dad tiro yar oo aan hore ugu jiri jirin xisbigaasi, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay inaanay waxba qaban oo ay ka baxday ballamo badan oo ay bulshada ugu ballanqaaday.

Dhinaca kale, waxa xafladdaasi ka hadlay Xasan Abiib Maxamed iyo Axmed Muuse Cismaan, waxaanay labaduba ka warrameen sida xisbiga UDUB ugu guul-darraystay hoggaamintii dalka.



Jamhuuriya Online

No comments: