Mandheera: Murran ka Dhashay Furitaanka Shir UDUB-aysan oo ay Isugu Yimaadeen Beelaha iyo Awal Bari |
Mandheera--28.May.2010-Shir UDUB-aysan oo ay soo abaabushay xukuumadda Somaliland, kaasoo ay isugu keentay Wasiirro, Madaxdhaqameed, odayaal iyo siyaasiyiinta ku caan-baxay barnaamijka weji ku macaash oo laysugu keenay Degmada Laasgeel ee hore loo odhan jiray Mandheera, ayaa waxa furitaankii shirka soo foodsaartay murran xoog leh. Shirkan oo abaabulkiisa iyo isku dubaridkiisa ay si weyn uga danbeeyeen masuulliyiinta xukuumadda xilalka ka haya ee ka soo jeeda Beelaha Ciise Muuse, ayaa waxaa qabanqaabadiisa qayb ka ahaa Maareeyaha Dekedda Berbera, Wasiiradda Waxbarashada, Xannaanada Xoolaha, madaxdhaqameed dabada laga soo riixay iyo shakhsiyaad caan ku ah afmiishaarnimada iyo kala goynta barnaamijyada. Ujeedada ugu weyn ee shirkan, ayaa salka ku haysa taageero loo raadinayo xisbiga talada haya e UDUB oo wakthigan ku jira qorsheyaashiisii dhaqdhaqaajineed ee uu doonayay inuu beelaha taageero kaga kasbado, sidaa daraadeedna masuul kasta oo xukuumadda ka tirsani lagu amray inuu beeshiisa ka dhaadhiciyo sidii ay codkooda u siin lahaayeen xisbiga UDUB. Shirkan ka bilaabmay Degmada Laasgeel, ayaa furitaankiisii waxaa soo foodsaartay murran laxaad leh oo dhexmaray qolladii martida fidisay ee adankoou ka tegeen Berbera illaa Hargeysa iyo garabkii ka socday Awal Bari, kuwaasoo isku maandhaafay qaabka loo maamuli doono muddo saddex cisho ah oo loo qoondeeyey inuu shirku socdo, taasina waxay dhalisay inay u kala jabaan laba kooxood oo midkoodba gaar uu shir u qabsado. Haseyeeshee xubnaha wasiiradda ah ee shirkan ka soo xaadiray, ayaa tan iyo maanta waan waan ugu jiray sidii ay isugu soo celin lahaayeen labada garan ee kala booday, balse ilaa haatan lama sheedin in arrintaas guul laga gaadhay.Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo sida qorshuhu ahaa inuu ka qaybgalo shirka beelaysan, ayaanay u suurtagelin inuu ka soo xaadiro madashaas, waxaana wararka aanu ka helay sheegayaan in Madaxweyne Yuusuf la filayo maalinta berito ah inuu halkaas gaadho. Odayaasha deegaanka Laasgeel ee sida weyn loo dhawrayay inay ka qaybagallaan shirkan, balse aan fooda soo gelin waxaa ka mid ah Muuse Dallab oo si weyn loogu yaqaanay taageero uu u fidin jiray xisbiga UDUB, haseyeeshee wakhtigan ka gaabsaday inuu yiaado shirka. Dhinaca kale, Ciidanka booliska degada shirku ka furmay, ayaa doraad xabsiga u taxaabay affar dhallinyaro ah oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, kuwaasoo la sheegay in xadhigooda uu ka danbeeyey Maayarka Degada Madheera Maxamed Shabeel, kaasoo aan la aqoon sababta dhalisay xadhigooda, haseyeeshee ilo wareedyo xog ogaala oo aanu ka helay magaalada ayaa noo xaqiijiyey in loo xidhay, ka dib markii ay xafiisyo ku yaalla degmada dhexdeeda ku xidheen calammo cusub oo xisbiga KULMIYE leeyahay, taasoo ku soo beegantay xilli ay halkaa ku sii qul qulayeen dadka shirkaas ka qaybgelayaa. Dhallinyarada la xidhay oo markiiba loo soo dhaadhiciyry magaalada Hargeysa, ayaa magacyadoodu kala yihiin Jaamac Maxamed Madoobe, Shacbcaan Jibriil, Maxamed Ciise Maxamed iyo Axmed Maxamed Xuseen oo dhammaantood haatan ku xidhan Saldhiga New Hargeysa. |
C. Bulxan
Mandheera
No comments:
Post a Comment