02 November, 2009

Halkay Ku Dambeeyeen Masuuliyiintii Ka Cadhootay SiyaasadahaXisbiyada Mucaaradka Iyo Muxaafidkaba?

Halkay Ku Dambeeyeen Masuuliyiintii Ka Cadhootay SiyaasadahaXisbiyada Mucaaradka Iyo Muxaafidkaba?

Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh

Isbeddelka siyaasadeed ee Somaliland ayaa inta badan waxa horkaca siyaasiyiinta hogaamisa xisbiyada loo yaqaan kuwa qaranka, kuwaas oo kala ah UDUB, KULMIYE iyo UCID.

Hoggaamiyeyaashaasi ayaa sidoo kale inta badan waxay siyaasaddoodu ku salaysan tahay hadba sida ay masiirkooda ugu guuleysan karaan, balse aanay u muuqan siday ugu guuldaraysan karaan.

Sidoo kale ayaa siyaasiyiinta hoggaamisa xisbiyada loo yaqaan kuwa qaranku aanay inta badan dhegeysan dadka ay u arkaan inay meesha ka riixan karaan, isla markaana dhegaysta dadka  ama siyaasiyiinta inta badan ay u arkaan kuwo aan muran ka keenayn waxay soo jeediyaan, ha ahaato xagga maamulka xisbiyada, hase ahaato dhinaca qorshaynta dhaqaalaha

xisbiyadaasi, haba-se ahaato kuwa ku salaysan xagga beelaha, kuwaas oo qaarkood yihiin kuwa ka fogeyn kara guusha ama guuldarada siyaasadeed ee ay hiigsanayaan.

Dhinaca kale Somaliland waxay soo martay wakhti adag oo hirdanka siyaasadeed dalka gelin gaadhay meel aad u xun, balse illaahay iyo intii Somaliland jiritaankeedi jeceli kasoo celiyeen, welina lagu socdo siyaasad qabow oo aad moodayso in aanay Somaliland ku soo laaban karin maalmihii adkaa ee lasoo dhaafay oo kale, balse la ogyahay inay Somaliland ay sugayaan maalmo adag iyo xaalad ka adag tii aan soo dhaafnay.

Marxaladahaasi lasoo maray waxa ku jiray siyaasiyiin mug lahaa, masuuliyiin xukuumadeed oo is casilay ama la eryey, waxa kale oo maalmahaasi reer Somaliland xisbiyadooda soo maray rag kasoo qayb qaatay halgankii xoreynta Somaliland, balse markii xorriyadda iyo dawladnimada la helay reer Somaliland illoobeen abaalkoodii welina dhex joogjooga meelaha siyaasadda, Siyaasiyiinta xisbiyaduna aanay waxba weydiinin.

Haddaba markaad eegto siyaasiyiintaasi ayaa qaarkood waxay hore uga tirsanaan jireen xisbiyada mucaaradka, halka kuwa kalena ka tirsanaan jireen xisbiga muxaafidka, welina  sheegta inay ka tirsan yihiin xisbiga dalka Xukuma ee UDUB.

Waxa jiray siyaasiyiin iska casishay xukuumadda madaxweyne Rayaale markii ay is afgaran waayeen hoggaamiyeyaasha dalka, isla markaana ku taamaya inay mar uun ka aarsadaan  raggii ay doonta wada saarnaayeen, balse iyaga ka tuuray. Sidoo kale ayaa xisbiyada mucaaradka gaar ahaana hoggaanka Kulmiye banaanka dhigay, badi mujaahidiintii iyo masuuliyiintii soo bilowday dib u dhiska Somaliland maanta ay gaadhay.

Haddab markaan dib ugu noqono xisbiga UDUB waxa shirweynihii aan soo dhaafnay ee xisbigaasi Hargeysa ku yeeshay saamayn ku lahaa siyaasiyiin meel kale wax ka arkay oo ka hor yimi guddoomiyaha xisbigaasi madaxweyne Rayaale.

Raggaasi ama siyaasiyiintaasi oo la aaminsanaa in aanu xisbiga dawladdu ka maarmi karin ayaa xitaa loo diiday inay ka hadlaan shirweynihii xisbigaasi ku yeeshay Hargeysa, isla markaana aan wax tixgelin ah la siinin. Raggaasi oo uu ka mid ahaa wasiirkii ugu ilaalada badnaa wasiirada Somaliland Ismaaciil Aadan Cusmaan (ismaaciil Yare ) laguna xaman jiray ninka ugu xoogga weyn leh wasiirada Somaliland, kana mid ahaa raggii xisbiga UDUB godobta u galay ayaa dhamaadkii shirweynahaasi  kadib Rayaale iyo xukuumaddiisaba dhaliilo adadag iyo hanjabaado usoo jeediyey.

Ismaaciil Yare oo dhawr toddobaad warbaahinta Somaliland haystay ayaa sidoo kale ku ballanqaaday inuu eryan doono xukuumadda Rayaale goor ay noqotaba, isagoo sheegay inaanu xisbiga UDUB uga tegeyn rag uu ku tilmaamay inay khaa'imiin yihiin, dalkana baabiiyeen, Hargeysa-na aanu Rayaale ku xukumayn sanado kale.

Laba bilood kadib Lama oga meel ay mareen  fulinta ereyadii Ismaaciil Yare ku tiraabayey. sidoo kale ayaan Ismaaciil Yare lagu arag fagaare iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalkaba leh, anigoo u qaatay inuu dalka debedda kaga maqan yahay, balse xitaa debedaha uu ku noolyahay, haddii ay jiraan aan laga maqal wax war ah oo ku saabsan kaalintii uu kaga jiray siyaasadda Somaliland.

Sidoo kale ayaa hoggaanka xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ay isagana hadheeyeen khilaaf  dhinaca siyaasadda ah oo xisbigaasi ilaa maanta ku haya welwel badan. Mujaahidiintii iyo saraakiishii SNM ee xisbigaasi buuxdhaafiyey ayaa waxa kaga hadhay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Muj. Jidhif iyo shakhsiyaad kale, kuwaas oo aan inta badan ka muuqan marxaladdii adkayd  ee saaxadda siyaasadda Somaliland gaadhay meel la iska hor yimaaddo dadna ku dhintaan.

Hase yeeshee ragga weli ka maqan xisbigaasi mucaaradka ugu weyn ayaa tan iyo maaalintii ay kasoo cadhoodeen shiweynihii Burco ee xisbigaasi  wax kaga beddelay siyaasaddiisii hore, laga maqal wax hadal ah oo ay ku durayaan siyaasadda xisbigaasi ama ay ku ammaanayaan, balse badankooda la ogyahay inay isugu tegeen urur siyaasadeed la magacbaxay UDHIS oo aan la ogeyn inuu dalka sharci ka yahay iyo inuusan ka ahayn siddii QARAN, Inkastoo aanay msuuliyiintaasi, mujaahidiintaasi iyo siyaasiyiinta Kulmiye siyaasaddiisa diiddani sheegin inay ka baxeen xisbigaasi ama aanay sheegin inay ku biireen xisbiga UDUB, ayaa mawqifkoodaasi lagu tilmaami karaa mid ka duwan mawqifka siyaasiyiinta kale ee dalka, iyagoo  dadka qaar ku tilmaameen inay aaminsan yihiin in aanay saddexda xisbi Qaran iyo hoggaankooduba waxba is dhaamin, ka hadalkooduna  wax qiimo ah u lahayn.

Si kastaba ha ahaatee waxa dhaw wakhti dhexdhexaadnimada siyaasaddu keeni doonto cadaawad, isla markaana ay kala bixi doonaan cidda Rayaale, xukuumaddiisa iyo xisbgiisa  kasoo horjeedda iyo cidda raacsan ee doonaysa inuu shan sano oo kale dalka sii xukumo, waxayse isweydiintu tahay ilaa goorma ayey siyaasiyiinta caanka ah, mujaahidiinta iyo masuuliyiinta ka cadhootay xisbiyada siyaasaddu ka bixi doonaan aamusnaanta, qunyar socodnimada, eed nacaybka iyo ka muquurashada saaxadda siyaasadda ee ay haatan ku noolyihiin? goormayse ragga ka cadhaysan xisbiyada qaranka kuna ballanqaaday inay ka aarsan doonaan labada dhinacba seeftooda galka ka saari doonaan? maxaase dhici kara intaa inta ka horreysa ? iLAAHAY BAA OG.

No comments: