BARKHAS CAS IYO NOLASHII CADMEED
Biixi Suufi isaga oo taariikhdii abwaanka ee magaalada Cadan ka waramaya waxa uu yidhi: Ka dib markii uu halgankii ay reer Somaliland kula jireen isticmaarkii Ingiriiska uu gaadhay marxalad adag Marxuumku wuxuu ahaa raggii yaraa ee reer Cadmeedka kicin jiray in ay ka qayb galaan halganka lagu jiro waxaanu ka mid ahaa raggii waqtigaa soo dhoofay ee ku biiray halganka waxaanu curiyay maansadii uu reer cadmeedka ku kicinayay ee uu ku yidhi maansadan soo socota:-
Diintiiyo masjidkiiba waysku dilee
halkay diircas joogto aan ka durkoo
dib yaanay dhegahaygu daar u maqline
duufaan hadhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
doonidii baashucayb kac ila doon.
Mar aanu su'aalay xanuun ishiisa nooga muuqday wuxuu noogu jawaabay sidan:-
Deeqdiisa Ilaahay iima daroo
dul iyo hoosba wuu I daajinayaa
darxumo ima helin xanuun i damqaa
daalkiyo Biixiyow dibnaha i qalalay
dabaysha i qaaday waa dal tabyee
roobkoo da'ay dooga soo baxay iyo
dooxii herer ruuxa waa u dawee
duufaan ha dhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
dagaalka gobanimada aan ku darmee
doonidii baashucayb kac ila doon.
Sidaas buu ku soo dhoofay oo aanu tikidhkii diyaaradda ugu soo jaray.
BARKHAD CAS IYO SOMALILAND
Taariikhdii marxuumka ee wakhtigii uu Hargeysa ku soo laabtay isaga oo Biixi ka hadlayana waxa uu yidhi:-
Markuu madaarka Hargeysa ka soo degayba wuxuu ku bilaabay weedhan:- Ayuu guulahay gargaaraayoo, ayaa garanaaya gobanimadoo, ayala gembiya gumaysiga. Abwaanku wuxuu markiiba ku biiray halgankii gobanimo doonka ee uu hoggaaminayay xisbigii SNL. Haddaba, sida weli la sii xusuusan yahay waxa waagaa dalka Somaliland gaar ahaan Hargeysa ka soo bixi jiray 3 wargeys oo la kala odhan jiray magacyada hoos ku xusan:-
1) Wargeyska Liwa oo ku hadli jiray afka Xisbiga NUF.
2) Wargeyska Qaran oo ku hadli jiray afka xisbiga SNL.
3) War Somali side oo ku hadli jiray afka xukuumadda gaar ahaan codka Raadyow Hargeysa. Marxuumkuna wuxuu isku tilmaamay in uu yahay wargeyskii afraad oo maalin walba dalka ka soo baxa oo aan cidna laga iibinayn ee bilaasha, isaga oo arrintaa maanso ku sheegayana wuxuu yidhi:-
Liwiyo, qaran iyo akhbaar
sida -waxaan ahay tii afraynaysoo -
aayaha waddankaa la ii egmadoo
malaha ii akhri iyo afgaranwaa
iib maahoo aduunyo kaama rabee
Albaabadu waa ay u furanyiin.
Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu habeen iyo maalinba waajib iskaga dhigay wacyi-gelinta dadweynaha ilaa uu waqtigu soo gaadhay markii uu dalka booqashada ku imanayay Duk Golostar oo ahaa boqorada Ingiriiska adeerkeed, haddaba iyada oo la sheegay in uu dalka soo gelaayo 28/5/59ka ayuu intii xilligaa ka horraysay dadka ku sii kiciyay si ay ugu muujiyaan nacaybka ee dowladda Ingiriiska u qabaan waxaanu yidhi:-
Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.
Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadoo
aan ooyee albaabka ii xidha.
Bal oggow isticmaarku abidkii
iriduu marinaayo awr raran
irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ninowna ha odhan soomaalaan ahee
ordoo magacana ka iibsada.
Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay
Abu Riin Lo'da joogtabaa urisoo
ooday jebisaa intay u dhacdoo
amsaxuu ka guraa idiilkeede
waakaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
in shaahiyo keegu waa urugee
iimawdee axankaaga weynee.
Ugaadha ninkii gatee urursada
ka soo arkabaa aduun ka baxshee
ninkaa imanaaya awgii waa
kaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ordoo magacana ka iibsada.
Iyada oo wacyi-gelinta noocaas ahi ay dadka reer Hargeysa madaxooda ka buuxdo ayuu madaarka Hargeysa ka soo degay ninkii la sugayay maalintii 28/5/59kii markaas bay dadkii reer Hargeysa ee qaabilaadiisa u soo baxay mar qudha ay dhabarka u jeediyeen iyaga oo u muujinaya in aanay wejigiisa arki
karin.
Haddaba, arrintaas oo ka dhalatay wacyi-gelintii afku dirirka ahayd ee uu Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud ka buuxiyay maskaxda dadweynaha run ahaan waxay ahayd tabaha iyo xeeladaha cusub ee gumaystayaasha lagula dagaalamo mid ka mid ah oo ay marxuumkaa iyo reer Somaliland dunida ku soo kordhiyeen waana arrinta soo dedejisay gobanimadii inoo saqiirtay ee 1960kii Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Aamiin.
Qaybtii 5aad oo ku saabsan geeridii Marxuumka.
Biixi Suufi ugu danbeyn isaga oo geeridii marxuumka ka waramaya waxa uu yidhi: "Marxuum Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Hargeysa sannadkii 1963kii. Haddaba, sharafka iyo magaca uu marxuumku ku lahaa dadka reer Hargeysa waxa dhacday maalintii la aasayey in la xidho dhammaan goobaha ganacsiga ee Hargeysa waana laga wada qayb-galay aaskiisii waddaniyada ahaa.
Wax akale oo iyaduna dhacdo cusub u ahayd dadka reer Hargeysa markii ay kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu hoggaaminayey Marxuum Cabdillaahi Qarshe isagana Eebbe ha u naxariistee uu qabrigii marxuumka kaga baroortay heesta caanka ah ee uu yidhi:-
Waa ayaanba ayaan Duni aakhir samaan Nin aroosanayaa Nina aas tegayaa waa xusuus ma guurto ah. Waxa kale oo isla maalintaa dhacday in marxuumka laga bedelo naanaystii hore ee Belaayo Cas, looguna bedelo Barkhad Cas, waxay se ahayd in naanaystan wanaagsan ee Barkhada ah loogu deeqo intuu noolaa ee waxtarkiisa la manaafacaadsanayay.
Ilaahay waxaynu ka baryaynaa in uu u naxariisto saaxiibkeen Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Barkhad Cas iyo raggii kale ee ay geeridu ina kala fogaysay. Aamiin."
CAYNABANEWS.COM
QAYBTII LABAAD GUJI HOOS:
http://samotalis.blogspot.com/2012/08/taariikhdii-abwaan-kii-weynaa-ee_27.html
No comments:
Post a Comment