14 October, 2013

GWakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka & Tallooyin ay ku Lifaaqeen

GWakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka & Tallooyin ay ku Lifaaqeen
Golaha wakiiladdaHARGEYSA (Somaliland.Org)-Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md. Cabdrixmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyad sanadeedkii Qaranka ee 2014-ka. Miisaaniyadaas oo dhan 152 million oo Dolarka maraykanka ah.
Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 61 mudane waxaa ansixinta miisaaniyadda ogolaaday 59 xildhibaan, waxa ka aamusay Hal mudane, cid diidayna ma jirin, Gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxday miisaaniyadda qaran ee sanadka 2014, taasoo si rasmi ah u shaqayn doonta marka madaxweynaha JSL uu dhaqan-geliyo.
Dhinaca kale, waxa Golaha Wakiiladdu uu ansixinta Miisaaniyadda raaciyay lifaaq ay ugu tallo galeen in lagu saleeyo odoroska Miisaaniyadda iyo tallooyin ku wajahan Miisaaniyadda kal dambe ee qaranka qorsheyaasha ay lagama maarmaanka tahay in awooda la saayo waxaanu lifaaqaasi u dhignaa sidan:-
Go’aamo
1. In hey,adaha ku jira miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee 2014 ee aan Golaha
Wakiilada loo soo gudbin xeerarkii lagu aasaasay loogu soo gudbiyo Golaha sagaashan (90) cisho gudahood, Hey.adda aan lagu soo soo gudbin xeerkeedana la hakiyo sii deynta miisaaniyadeeda ilaa inta Golaha loo soo gudbinayo.
2. in miisaaniyadda laga saaro hay’adaha sharciyadooda ama muddo xileedkoodu dhamaaday sida Gudidda diiwaangaelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
3. In laga bilaabo odoroska miisaaniyadda 2015 la goboleeyo miisaniyadda dawladda dhexe.
4. in qaybta loogu tallo galay mashaariicda horumarinta 2% gobolada bari iyaga oo mashaariicysan ka muuaqato miisaaniyadda qaranka laga bilaabo 2015.
5. In lacagta loogu tallo galay horumarinta wadooyinka la mashruuceeyo laguna muujiyo jaantus muujinayo lacagta wadooyinyka kala duwan looga qoondeeyey.
6. Inuu Golaha uu hor yimaado Wasiirka Wasaaradda Maaliyadu si sharaxaad dheeraad uu Golaha uga siiyo baahida keentay abuurista Khasnadda Guud ee Qaranka uguna iftiimiyo madax xigayaasha khasnadda Guud ee Qaranka
7. Inuu Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranku Golaha Wakiilada hor yimado si uu sharaxaad dheeraad ah uga siiyo dakhliga deeqa caalamiga ( UK, Denmark) iyo mashaariicda laga maalgelinayo sanad miisaaniyadeedka 2014 taas oo dhan $ 13,500,000,= ( saddex iyo toban milyan shan boqol kun dollar keliya)
8. In la ansixiyo siyaasadda misaaniyadda qaranka iyo odoroska miisaaniyadda qaranka ee 2014 oo dhan Somaliland Shillings 1.267.033.716.000,= ( hal triliyan laba boqol lix iyo todoba bilyan, saddex iyo soddon milyan iyo todoba boqol lix iyo toban kun Somaliland Shilin).
Talooyin
Waxa kale oo iyana miisaaniyadda lagu ansixin doonaa tallo soo jeedimahan oo ka soo baxay dooda mudanyaasha
1. in siyaasadda miisaaniyadda qaranka ee 2015 mudnaan la siiyo wasaadaha wax soo saarka sida xoolaha, beeraha , kalluumeysiga iyo deegaanka lana kordhiyo miisaaniyadooda.
2. iyada oo la eegayo heerka sicir bararka ee ka jira Somaliland in loo kordhiyo ciidamada qaranka iyo shaqaalaha 40% musharkooda.
3. in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda wasaaradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, wasaaradda warfaafinta, TV ga Qaranka, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Khasnadda Guud ee Qaranka.
4. In dhamaan hayaadaha madax banaan ay mid kasta muujiso waxay ku soo kordhiso misaaniyadda qaranka si ay muuqato inay qarankan wax tar u leedahay oo aanay noqon misaaniyadahoodu dhakhli iyo kharaj isku sar go,an oo keliya.”
Ansixinta misaaniyadda ka dib ayaa gudoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu mudanayaasha ku wargeliyey inuu xidhan yahay fadhigu isla markaana uu maanta soo gebogaboobay kalfadhigii soconayey, xildhibaanada goluhuna ay geli doonaan muddo sideed todobaad ah oo fasax ah.
Somaliland.Org/Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: