Xukuumada Oo Ku Fashilantay Xakamaynta Sicir Bararka Maceeshada Iyo Qoysaska Danyarta Oo
Xukuumada Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Xakamaynta Sicir Bararka Maceeshada Iyo Qoysaska Danyarta Oo Tahli Kari Waayay Inay Dab-shitaan
"Dadkii Ina Soo Doortay Qaarbaan Dab Loo Shidin, Intaynu Xeerka Bisadaha Ka Hadlayno Aynu Ajandaha Ku Darno Sicir Bararka Dadka Laayey" Xil Aareeye
Hargeysa,(Haatuf)- Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo muddo sanad iyo lababilood ah xilka talada dalka hogaamintiisa gacanta ku haysay ayaa ku guuldaraystay inay wax ka qabato Sicir bararka maceeshada cirka isku shareeray, kaas oo bulshada Danyarta u badan noloshoodii saamayn ku yeeshay, isla markaana ay shacbiga Somaliland wakhtigan xaadirka ah walaac ka muujinayaan Qiimaha Cuntada ee Hor u kacaya.
Qiimaha Raashinka ee Aduunka ayaa muddooyinkan u dambeeyey kor u kacay, isla markaana si weyn looga dayrinayaan Cunto yaraan soo food saarta dalal badan oo aduunka ka tirsan, taas oo ay sababtay Abaaro iyo Roob yaraan is daba joog ah oo ku habsaday wadamo wax soo saarkoodu wanaagsanaa.
Qiimaha Raashinka quutal daruuriga ah ayaa ka maraya Suuqyada dalka qiimo ee aad u sareeya, iyadoo Gadbada Bariiska 50Kg ay ku sii siqayso $40, ayaa Gadbada Sonkorta ahi ay Maraysaa $50, halka daqiiqdana ku dhawaad $30 dollar la siinyo, taas oo keentay in qoysaska danyarta ahi ay tahi waayaan inay saddexda wakhti dab shitaan.
Sidoo kale muddooyinkii u dambeeyey ee xukuumadda Siilaanyo talada dalka la wareegtay waxa hoos u dhac weyni ku yimid qiimaha Sarifka lacagta dollarka, kaas oo saamayn weyn ku yeeshay qoysas farabadan oo dibadaha biilasha looga soo diro iyo kuwa mushahooyinka ku qaata Dollarka. $100 dollar ayaa wakhtigan xaadirka ah suuqyada Sarifka ee caasimada ka maraya 550,000 Somaliland Shiiling, halka uu hore u ahaan jiray 650,000SL/shilling.
Xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaan ilaa hadda qorshe ama Siyaasad ay wax kaga qabanayo Sicir Bararka iyo Maceeshada kor u kacday aan la imanin, isla markaana Bangiga Dhexe oo Maamula Lacagaha kala duwan ee dalka ka shaqeeya ayaa ka gaabiyey inay wax ka qabtaan Sabaynta Sarifka lacaha Qalaad.
Sidoo kale Wasaarada Ganacsiga ayaa ilaa iyo hadda u muuqata mid Ganacsatada soo dajisa Raashinka Quutal daruuriga ahi ay u dajiyaan Siyaasada lagu maamulo ganacsiga Somaliland, taas oo sababtay in Ganacsatadaasi waaweyni ay ku mamaan Dhiig miirashada Shacbiga dulman ee Somaliland oo aan ka hadlin ama ka mudaharaadaan Xaaladaha Dhaqaale iyo Maceeshada Barar ee Saameeyey Noloshoodii.
Dhinaca kale xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ahaa mudanayaashii doraad ka dooday ajandaha kalfadhiga 16aad ayaa isagu walaac ka muujiyey sicir bararka dalka ku habsaday, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa "Dadkii na soo doortay Sicir barar baa dilay, oo qoysaska danyarta ah waxa jira qaar aan saddexda wakhti daba shidin, waar aynu u damqano dadka hadaynu ladanahay xeerka bisadaha inatnu ka hadlayno, waa inaynu ajandaheena ku darno sicir bararka dadka laayay".
Haatuf

No comments:
Post a Comment