14 October, 2013

Aroos Farxadeed Oo Isku Mar Kaliya Isku Bedelay Murrugo, 4- Ayaa Geeriyooday, 9-Kalena Way Dhaawacmeen.

Aroos Farxadeed Oo Isku Mar Kaliya Isku Bedelay Murrugo, 4- Ayaa Geeriyooday, 9-Kalena Way Dhaawacmeen.
Dadka dhintay laba waa Rag labana waa Haween hase yeeshee illaa hada tirade Dadka dhaawaca ah lama sugin deeegaanka Mashaqadu ka dhacday oo ah Dhul go’doon ah oo jidku xun yahay.........

Arabsiyo(GNS) deegaan Buuralay ah oo ku yaala waqooyiga magaaladda Arabsiyo ayaa xalay lagu Dilay Afar qof, halka tiroo illaa Sagaal qof gaadhaysana ay ku dhaawacmeen kadib markii Nin Rasaas ku furay dadkii joogay Xafaladda Arrooska. 

Dadka dhintay laba waa Rag labana waa Haween hase yeeshee illaa hada tirade Dadka dhaawaca ah lama sugin deeegaanka Mashaqadu ka dhacday oo ah Dhul go’doon ah oo jidku xun yahay. 

Dadka deganka oo anu la xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay ninka Rasaasta furray in ahaa nin caafimaad ahaan aan wanaagsanayn isla markaana waxa ay sheegeen in Qoriga uu ka qaaday nin rasaas damaashaad ah u ridiyay 


Gabileynews 
Hargeisa office 
contactgailey@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: