02 November, 2009

Hoggaanka Guddiga Doorashooyinka oo l;a Doortay

Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay isla qaatay xubin ay u xuleen Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Xubnaha Komishanka cusubi waxay Guddoomiye u doorteen Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) oo ka mid ah Xubnaha uu Madaxweynuhu soo xulay, ka dib markii ay shalay kulan ku yeesheen Hargeysa. halka Guddoomiye-xigeen-na ay u doorteen Cali-Khadar Xasan Cismaan oo ah Xubinta Xisbiga KULMIYE u magacaabay Komishanka.

Warku wuxuu intaa ku daray, in aanay jirin cid la tartantay iyo cid gacan u taagay midna, balse xubnaha Komishanku ka dib markii ay wada tashi ka yeesheen isku af garteen inay xubintaas ay u xulaan qabashada xilkaas. Siday ilo-wareedyadaasi tibaaxeen, maalmihii u dambeeyay waxay Guddiga Doorashada ee dhowaan la dhaariyay wadatashi ka lahaayeen sidii ay hogaankooda ugu dooran lahaayeen qaab suxul ah oo aanay cidna isu arag in cod lagu muquuniyay, ciddina isugu qaadanin inay cod ku guulaysatay. ?Sababtu waxa weeye, haddii tartan yimaado oo cid guushu raacdo kala qaybsanaan baa iman karta,? sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Komishanka oo ka gaabsaday in uu magaciisa shaaciyo.

Qaabka Guddigan cusubi ku xusheen hoggaankoodu waa mid ku cusub guud ahaan guddiyada dalka, gaar ahaan Guddiyada Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyadoo Guddigii iscasilay ee ay xilka kala wareegayaan ay muddo laba sanno gudahood ah saddex Guddoomiye iska dhex doorteen.


No comments: