18 October, 2009

Marwo Ilhaan oo ku Dhawaaqday inay ka Tanaasushay Xubinnimadii KULMIYE u Xulay ee Komishanka

Marwo Ilhaan oo ku Dhawaaqday inay ka Tanaasushay Xubinnimadii KULMIYE u Xulay ee Komishanka

"Waxaan ummadda Somaliland gudo iyo dibadba u sheegayaa in aan berri [maanta] si cad ugu faahfaahin doono sababaha keenay in aan iscasilo iyo sidii wax u dhaceen"

Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac

Hargeysa (Jam)- Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah uga tanaasushay xubinnimadii xisbiga KULMIYE u xulay ee Komishanka, kadib markii Madaxweyne Rayaale markii saddexaad shalay ka horjoogsaday ka mid noqoshada xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo Jamhuuriya xalay cawayskii ugu warramaysay gurigeeda magaalada Hargeysa, waxa ay sheegtay inay si buuxda ah isaga casishay xubinnimadii Komishanka Doorashooyinka ee xisbiga KULMIYE u soo magacaabay.

Haseyeeshee, Marwo Ilhaan wax tafaasiil ah kama ay bixin asbaabaha ku dhaliyey go'aanka kaga tanaasushay xubinnimadii KULMIYE u soo xulay ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, balse wax ay xustay inay Axadda maanta ummadda Somaliland u soo bandhigi doonto aragtideeda ku wajahan diidmada Madaxweynuhu kaga horjoogsaday ka mid noqoshada Komishanka cusub.

"Anigoo ah Ilhaan Maxamed Jaamac waxaan halkan ka caddaynayaa in aan iska casilay xubinnimadii Komishanka Doorashooyinka ee xisbiga KULMIYE ii magacaabay. Sidaa awgeed, waxaan ummadda Somaliland gudo iyo dibadba u sheegayaa in aan berri [maanta] si cad ugu faahfaahin doono sababaha keenay in aan xilkaas iska casilo iyo sidii wax u dhaceen," ayey tidhi Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii saddexaad shalay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ku soo celiyey haweenaydan oo ah xubinta uu u soo xulay inay ka mid noqoto toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka cusub ee hadda la dhisayo.


No comments: