18 October, 2009

“Haddii Aanu Shookaanta Isku Qabsano Baabuurku Wuu Qalibmayaa, Ninka Joornaaladda Isku Badiyana Waa Munaafaq Is-Tus Ah ”

"Haddii Aanu Shookaanta Isku Qabsano Baabuurku Wuu Qalibmayaa, Ninka Joornaaladda Isku Badiyana Waa Munaafaq Is-Tus Ah "


Wakiiladu Awood Uma Laha, Ay Xisaanada Ku Qaadan, Waxa La Igu Yidhi Maxkamadihii Baa La Qarxinayaa Oo Waa Laga Yaacay, Warshada Sibidhkana Ganacsato Ayaanu Siinay"

Madaxweyne Ku Xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin


Hargeysa, October 18, 2009 (Haatuf) –Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay inaanay golaha wakiiladu awood sharci oo ay xilka kaga xayuubiyaan isaga iyo Madaxweynaha aanay lahayn, tilmaamayna inay awoodoodu tahay eedayn kaliya oo haddii ay golaha guurtidu ogoladaan eedayntooda dacwadaasi ka bilaabmi karto oo kaliya maxkamada sare, isaga oo intaa ku daray in madaxweynaha aanu wax khilaaf ahi ka dhex taagnayn, balse uu tilmaamay in wada shaqayntoodu ay fiican tahay, balse uu ku mashquulsanaa hawlo aanu magac dhabin oo uu tilmaamay in

Dhawaan natiijadii ka soo baxday uu shaaca ka qaadi doono isaga oo dhinaca kalena ku baaqay in la soo xulo xubno komishan doorashooyin oo dalka iyo dadka anfaca, shaacana ka qaaday in heshiiskii shirkada Total muddadiisii kontonka sanno ahayd la soo koobay. Waxaanu maxadweyne ku xigeenku sidaas ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf ugu waramayay gurigiisa, waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu dhacay isaga oo dhamaystiran sidan:

S: Kormeerkii aad todobaadkii hore ku booqatay Maxkamadaha maxaa kugu dhaliyey, maxaad se kala kulantay?

J: Qofbaa ila soo hadlay waxa la igu yidhi ……………………………. Waxa la qarxinayaa guddoomiyeyaashiinee way yaaceen qofka dhimanayaa saacadiisu seegi mayso dalkastaana waxa uu jiritaankiisu ku xidhan yahay cadaaladda.

S: Hanjabaadaasi daba qal ma ku samayseen? Maxaadse u malaynaysaa

J: Ama waa iyaga ayaa laga yaabaa ama waa cid kiis laga xukumayey ayay noqon kartaa, waxa joogay Cabdi Cali waxaana uu igu yidhi guddoomiyihii Maxkamadda gobolku waxa uu tagay Madheera waxaana uu xukumayey kiis dil ah, Maxkamadda Degmada guddoomiyihii baa fadhiyey hal garsoore-na wuu joogay, runtii garsoorkaasi waa in dib loogu noqdaa, dhismayaashani waa kuwii Ingiriiska waa in Maxkamadaha Sare ee gobolka iyo Racfaanku ay kala fogaadaan, waxa aynu u baahanahay nidaamka garsoorka dalka shaqo badan laga qabto, xildhibaanka golaha wakiilada marka uu galo dembi ciqaabeed oo xadhigiisu saddex sanadood maxkamadda Dasruurigu waxay weydiinaysaa golaha wakiiladda in xisaanadda laga qaado si dacwadiisa loo dhegaysto, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku marka ay galaan khiyaano qaran iyo ku xad gudub dastuur dacwadaa waxa la dhigayaa maxkamadda dastuuriga, golayaasha wakiilada iyo guurtida waxa la weydiinayaa isdii xasaanadda looga qaadi lahaa golaha wakiiladu waxa ay leeyihiin eedaynta, shicibku waxa ay moodayaan in xasaanada ka qaadi karaan, iyagu xisaabada ma qaadi karaan ee waxa ay leeyihiin eedaynta, eedayntaana waa in ay ku meel mariyaan 42-cod, haddii ay ku meel mariyaan eedaynta codkaasi waxa ay u soo gudbinayaan golaha guurtida, waxay u soo dhiibayaan toban mudane iyo looyarada ay wataan, waxaanay guurtida ku qancinayaan eedayntooda fadhigaasi, Saleebaan ma gudoominayo, waxa gudoominaya gudoomiyaha maxkamada sare dabeeto guurtidu way ka doonaysaa ka dibna cod baa loo qaadayaa, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka 55 cod baa lagaga qaadi karaa xisaanada, haddii codkaasi ay guurtidu ku ogolaato dacwadaasi waxa lagu qaadayaa maxkamada sare, dariiqadaa sharcina waxaad mooda inaanay shacabkeenu fahamsanay-ba.

S. Muddooyinkii dambe ee khilaafaadka siyaasiga ahi dalka ka aloosnaa wax saamayn ah kumaad lahayn kamaanad dhex muuqan saaxada siyaasada maxaad kaga mashquushay?

J. Malaha dadkeenu waxay u yaqaanaan qofka jaraa'idka ku soo baxaa inuu siyaasada ku jiro. Anigu waxaan u arkaa ninka jaraa'idka isku badiya inuu yahay munaafaq iyo is-tus, waxa loo baahan yahay in dalka lo shaqeeyo adiga oo aan dadka iska fogayn, bisha Ramadaan waa bil cibaado ragii buuqa kiciyey ramadaantii ee wakiilada mudo dheer ayaan ka soo mid ahaa golaha wakiilada wali ma garanayo bil ramadaan oo golahaasi shaqeeya, waxaan filayaa inay in badani ramadaantii qodax ka qaateen dad badan oo ducaysan lahaa argagax iyo cabsi bay galiyeen, bishaa ramadaan hawlo waaweyn ayaan ku mashquulsanaa oo aan filayo inay midho dhalkoodu soo baxayaan dhawaanmana ahamana aha in saxaafada laga botoriyaa, maalmihii la wday sexeexa heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii taagna waa kuwii diiday axsaabta mucaaridku inay madaxtooyada tagaan, aniguna waxaan ku qornaa haddii ay axsaabta mucaariku diidaan inay madaxtooyada tagaan inaan anigu Maansoor heshiiska kula sexeex, laakiinse wanaag axsaabta mucaaridku waa ogolaadeen in madaxtooyada wadajir ay ugu wada sexeexaan, laakin in ummada lagu mashquuliyo shirar jaraa'id iyo tolaayay, balse waa in dar ilaahay ummada wax loogu qabto af-daboolanina waa dahab sadaa darteed waan ka xishooday inaan saxaafada ka caadaysto i arkaay iyo i maqlaay.

S. Eedaymihii ay golaha wakiiladu idiinka soo jeediyeen adiga iyo madaxweynaha mooshinkii maamuus ka xayuubinta ee joogsaday eedihii ku xad-gudubka dastuurka ku xad gudubka dhaqaalaha ma qabtaan?

J. Horta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka eedahooga lagama raacin karo, anigu kiis aan galay gaar ahaantayda ayaa la igu soo karaa madaxweynahana gaarkiisa, laakiin caalamka laguma arag madaxweyne iyo ku xigeen la leeyahay kiis bay wada galleon oo waa lagu wada eegayaa

S. Waxa ka mid ahaa eedaha la idiinka soo jeediyey mooshinkaas heshiiskii gabacsadaha Al-jabiri ganacsiga kootada loogu xidhay xoolaha, shirkadda Total, xisaab xidhadii iyo miisaaniyaddii oo aan golaha la hor keenin?

J. Heshiis kooto lala galay ma ahayn xolaheenana mar waa tii 97kii la xidhay wakhtigaas oo Axmed Siillaanyo wasiirka maaliyadda ahaana waa kii yidhi Adhi gaba ayaa dhacday oo ma jirto miisaaniyadi dalka ictirafin yidhi waxaan gelinayaa lacag dhawr milyan doo doolar ah waad soo dhawaynaysaa, heshiiska shirkadda Total ee kontonka sanadood ahaan anigu waan ka soo horjeeday xaga muddada oo waxaan lahaa labaatan sanno halaga dhigo muddadii heshiskana waa la soo koobay, tan xisaab xidhadana dee wasiir maaliyadeed baa jira'e waxay ahayd inay maxkamad isla tagaan hadan loo keenin, hanti dhawraha iyo wasiirka maaliyaduna waxay sheegeen inay u gudbiyeen xisaab xidhadii halka wax ka khaldan yihiina waxa weeye guddida dhaqaalaha ee wakiilada ayay ahayd inay ka wada hawl ga;laan marka la samaynayo miisaaniyadda si ay is faham uga gaadhaan marka la geeyo gole weynaha uga qanciyaan

S. Hanti lunsi dhaqaale ayaa la idinkagaga soo eedeeyay adiga iyo madaxweynaha oo lagu sheegay, in madaxweynuhu hanti qaranku leeyahay oo guryo fooqaq uu kaga iibsaday dalalka imaaraadka carabta, maser iyo jabuuti arrimahaasi sidaad u aragtaa?

J. Horta anigaaba jecel in qof hanti qaran lunsaday maxkamada la soo taago, laakinse waxa loo baahan yahay, in waxa la sheegayo la soo cadeeyo, balse aanay noqon muhmal ama qayrkay ha ku takri falo ama aan anigu hanti qaran leeyahay aan dibadaha dhigtee waa in cadaynteeda la soo bandhigo

S. Waxa lagu tilmaama in xukuumada Somaliland ay dawlada Itoobiya u gacan geliso shaqsiyaad ka tirsan ururka OLNF ee ka dagaalama killilka shanaad Itoobiya?

J. Horta Itoobiya waxaan u taageersanahay berigii shacabkeena la xasuuqayay waa tii ina taageertay ee saldhiga ina siisay, cid haba yareetee lo gacan geliyo iyo cid ina dhex martaa ma jirtee xidhiidhka ka dhexeeya itoobiya iyo Somalilad ka dhexeeyaa waa muqadas waana lama taabtaan

Xubnihii komishanka doorashooyinka uu u soo xuli lahaa madaxweynuhu ma so magacaabin xubnihii ay soo xuleen guurtidas iyo xisbiga Kulmiyena wuu soo celiyey madaxweynuhu, arrinkaa sideed u aragtaa

J. Marka la soo gudbiyo labada xubnooe ee guurtida iyo labada xubnood ee mucaaridku so xulaan ayay xukuumaduna saddexda xubnood  ee ay soo magacawdo ka fuudh-yeelaysaa waana mid loo baahan yahay, in madaxweynuhu saddexda uu ku dheelitiro beelaha aan ku jirin xubnahaasi hore runtina hadda hawshaasi waxa xanibay xubinta u hada kulmiye soo magacaabay waanay iska dhamaanaysaa hawshu waxaase loo baahan yahay in xubnaha loo soo magacaabayo komishanka doorashooyinka loo eego shuruudaha xeerka oo aan lahu degdegin, balse la so magacaabo komishan ummada qanciya oo wax kala gooya noqdana xubno xidhayaal u noqda hay'adaha iyo axsaabta soo kala magacabaya

S. Waxa lagugu xantaa inaanad madaxweynaha wax saamayn ah ku lahayn talada hogaaminta dalka idinkoo la idin soo wada doortay waajibna ay ahayd, in wadatashi qaran aad ka wada yeelataan arrinkasi ma adigaa ka gaabiyey, mise madaxweynaha ayaa kugu dhego-adkaaday?

J. Haddii aynu gadhi wadano oo shookaanta adigu aad aad hayso oo socda aan anigu shookaanta kugu qabsado bal ka waran maxaa dhacaya sow gaadhigu rogman maayo ma waxaad doonaysaa in la yidhaahdo shokaantii bay isku qabsadeen oo Somaliland way rogmatay

S. Gobolka Saaxil ee sida weyn lagaaga soo doortay 2003 waxaad mooda in beryahan dambe ay bulshada reer Saaxil ay taageeradii xukumada iyo Udub uga digo roteen xisbiyada mucaaridka, iyaga oo si weyn idiinku dhalilaya wax qabad la'aan la xidhiidha dibu dhaca magaalada Berbera iyo balan qaadayadii dhismayaasha warshadaha sibidhka dhuxul dhagaxda Jibsanka oo aanay waxba ka fulin arrimaasi sidaad u aragtaa ay tabanayaan

J. Horta reer Berbera mid gar kuma leh oo warshadii laydhka maalgelin ayaanu ugu samaynay laakinse meelkasta waxa camira cida u dhalatay reer S aaxil waxay dhisaan burco iyo hargeysa waxaad arkaysaa in reer Saaxil ah oo Hargeysa shan boqol oo guri ku leh, BERBERAna aan hal guri ku lahayn, warshadii sibidhkana inkasta oo aanan wali warqad rasmiya siinin hadana waxaanu siinay ganacsato reer Somaliland ah waxaanuse ku xidhanay shuruudo, oo waxaanu nidhi soo gudbiya mashruuciina qorshiiisa, ganacsatada Somaliland-na ha ka wada muuqato qorshihii baana hada laga sugayaa reer Saaxilna cid ay raaci doonaan doorashada ee ay u codayn doonaan wakhtigeeda ayaynu sugi doonaa

Haddii doorashada lagaaga guulaysto maxaad qaban doontaa sidee buu yahayse wada shaqaynta idinka dhaxaysa madaxweynaha, mustaqbalka ma kuu qorshaysan tahay inaad buug ka qorto waxyaabihi ku soo maray muddadii aad xilka haysay

J. Runtii wad shqayntayadu aniga iyo madaxweynaha waajibka qaran baa na faraya iunaanu wada shqayno meel fican baanay noo maraysaa runtiina waxa I qorshaysan inaan ummada masakiinta ah u shaqeeyo oo aan u furo ,eel lagu daryeelo carruurta derbi jiifka ah iyo qoysaska danyarta ah, mustaqbalkana wuu I qorshaysan yahay inaan buugg qoro

S. waxaad sheegaty in muddooyinkan dambe hawlo hoose ma noo sheegi kartaa hawlahaasi waxay ku saabsanayeen

J. ma doonayo inaan ka waramo hadda., basle dhawaan bay soo bixi doonaan hawlahaasi natiijooyinkii ka soo baxay.

No comments: