06 March, 2016

Dhambaal tacsi ah oo ka timid L-taliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo geerida Marxuum Axmed Warsame Siciid.

L-taliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo Isagoo ku hadlaaya
magaciisa iyo ka xaaskiisa Amal Cumar Carte iyo ka reer Cabdi Carwo waxa uu tacsi u  dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii  uu ka baxay Eng. Axmed Warsame Siccid oo maanta  06/03/2016 ku geeriyooday Hargeysa. 

Marxuumku waxuu ahaa nin ganacsade weyn ahaa oo lahaa shirkadda dhismaha guryaha iyo jidadka, isagoo hawshaas muddo badan kaga soo shaqeeyey dalka Sacuudiga, xoreyntii dalka dabadeedna u soo wareegay dalka.. Waxuu ka mid ahaa raggi u soo gurmaday nabadeenta dalka iyo dhismaha horumarkeedaba.

Waxuu qayb lexaad leh ka qaatay dhismaha jidadka iyo hawlaha samofalka, isagoo ka mid ahaa guddiga Hoodaale ee Samafalka, kana aha injineerka gacanta ku haya jidka Dawga Cad. Qof ahaan Axmed waxuu ahaa nin aad u af gaaban, oon waqti kaga lumin arrimo aan khusayn, nin ficil leh, aan ka daalin shaqo, hawl kar waxqabadku u fududaa, ma daale dhalinyarda ka firfircoona iyo nin aan cibaadada Alle kaga mashquulin hawl adduunyo, salaadda aan ka habsaamin ilaa inta aan garanaayo jamac iyo masaajid. 
     
La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa janatu fardawsa ka waraabiyo. Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo guud ahaan  gobalka Maroodi jeex ee uu ka soo jeeday, iyo gaar ahaan reer Warsame Siciid Alle waafajiyo  samir iyo duco.

Ahmed Hassan Arwo
0044 7535447230
Sent from my iPhone 

http://samotalis.blogspot.com/


No comments: