04 March, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO OO UU DIRAAYO MUSTASHAAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUMAD XAAJIYA AAMINA AW CALI

DHAMBAAL TACSI AH OO OO UU DIRAAYO MUSTASHAAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUMAD XAAJIYA AAMINA AW CALI

L-taliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka xaaskiisa Amal Cumar Carte iyo ka reer Cabdi Carwo waxa uu tacsi u  dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Gobalka MaroodiJeex  ee ay ka baxday MARXUUMAD XAAJIYA AAMINA AW CALI oo 03/03/2016 ku geeriyootay dalka Imaaradka. Si gaar ah waxaan dhambaal tacsi kal iyo laab ah u dirayaa Tafiirteeda ballaadhan ooy ugu horeeyaan inta ay hooyada iyo ayeeyda u tahay ee reer Jirde Xuseen Ducaale iyo tafiirtooda daafaha dunida kala joogta iyo inta ay xidid iyo xigaal wadaagaan.

Si gaar ah waxaan u xusayaa Hinda Jirde Xuseen oo hooyo Aamina haysay. Waxaan leeyahay duco gaar ah ayaad ka guntatay hooyo. Kheyrkaad shaqaysatay Alle ha kaa abaal mariyo adi iyo tafiirta Xaajiya Aaamina dhammaantiin.  

Marxuumaddu waxay ahayd hooyo iyo ayeeyo barakaysan dad iyo duunaba, ruux naxariis badan, af gaaban oon cimrigeedaas dheer haddana ha helayn cid ka cabanaysa. 
  
La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo ehelada kale ee daafaha dunida kala jooga gaar ahaan  Deegaanka Maroodijeex inuu ina waafajiyo duco iyo samir. Aamiin.

Ahmed Arwo
0044 7535447230
Sent from my iPhone 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: