14 March, 2016

BAAQ NABADEED IYO DHAMBAAL TACSI AH OO OO UU DIRAAYO MUSTASHAAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM YUUSUF MUUSE BUDUL


L-taliayaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha  Mustashar Axmed Carwo waxa  uu tacsi u  dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii, Marxuum Yuusuf Muuse Budul, muwaadin ganacsade ah oo gacan gardarro ku dishay maanta 14/03/2016 magaalada Burco.

Garaad laawe gardarran iyo nin sheydaan duufsaday ayuunbaa qof aan waxba ka dhexeyn oo si nabad ah hawlihiisa dalkiisa ku wata qudha ka gooya. Waxa mahad leh Illaahay inagu guuleeyey inaynu isla markiiba gacan ku dhiiglayaasha soo qabano. Caawana iyaga weeyi kuwa walbahaar iyo murugo ay gubaysaa, Marxuumaka si kasta ooy u qadhaadhay geeridiisu waa Ehlu janno sida diintu inoo sheegtay, iyana waxa sugaysa xukuun adduunyo iyo xisaab aakhiro. 

Waxan ugu baaqayaa bulshada deegaanka uu ka soo jeedo iyo qoys iyo ehelba inay samirka laasimaan, Illahay waxuu abaal mariya cidda ku samirta qadarkiisa, cidda u samirta cidda ka gar daran. Maanta waxa inala gudboon inaynu xaqqa marino raggaas gardarada sida badheedhka ah ugu dhaqaaqay. Waa inaynu nabadeena iyo wadajirkeena ayna inaga dhooqayn inta sheydaanku duufsaday. 

Alle heynaga dhigo  dad iska qabta kolba inta qaladka iyo xumaanta jecel, waa adduunyo oo dhib iyo xumaani kama dhammaato arrintuna waa sida aynu u maareyno. Alle haynagu gargaaro inaynu xaqqa u hiilino, heynga yeelo inta nabadda u hiilisa, inta dab demiska jecel, necebna hurinta colaadda.

Alle waxuu gargaara inta samirka iyo dul qaadka u leh balaayada iyo dhibta adduunyo.

La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Gobalka Sool ee uu marxuumku ka soo jeeday in Alle  waafajiyo samir iyo duco. Aaamiin.

Ahmed Arwo
0044 7535447230
Sent from my iPhone 

No comments: