28 February, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO OO UU DIRAAYO MUSTASHAAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM Mujaahid Axmed Maxamed Xasan (Awoowo)


L-taliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM Mujaahid Axmed Maxamed Xasan (Awoowo), kuna magac dheeraa Axmed-japan oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay, laguna aasay qubuuraha Boqol-jire maanta (28/01/2016).


Mujaahid Axmed Maxamed Xasan (Axmed-japan) waxa uu ka mid ahaa saraakiishii waawaynaa ee ciidammadii ururkii SNM, kaalinta xoogga ah ka soo qaatay qaybtii sahanka aagga Galbeed ee halgamayaashii SNM, isla markaana kadib xorrayntii Somaliland ka qaybqaatay dib-u-dejintii iyo nabadayntii dalka.


Mudane La-taliye Axmed Carwo waxa uu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacab weynaha Somalilandna uu waafajiyo samir iyo duco.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: