01 March, 2016

BAAQ NABADEED IYO DHAMBAAL TACSI AH OO OO UU DIRAAYO MUSTASHAAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM GAASHAANLE CABDIRISAAQ MAXAMED YUUSUF


L-taliayaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha  Mustashar Axmed Carwo waxa  uu tacsi u  dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii, Booliska iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum GAASHAANLE CABDIRISAAQ MAXAMED YUUSUF (CASAYR)  oo gacan gardarro ku dishay maanta 01/03/2016 Gobalka Saaxil

Marxuumku waxuu ahaa nin dhalinyarro ah oo ku qaan gaadhay u adeega bulshada iyo ilaalinta ammaanka. Nin lagu jeclaa hawshiisa meel uu tagaba, isagoo muddo laba bilood ah madax ka noqday Booliiska Saaxil oo muddadaas gaaban
 soo jiitay qalbiga iyo maskaxda bulsho weynta Saaxil.

Waxuu Yidhi Mustashar Axmed Carwo, isagoo seddex baaq u kala diraaya reerka marxuumka, reerka gacan ku dhiiglayaasha iyo xukuummadda: 
Waxaan ugu baaqayaa qoyska, reerka iyo deegaanka uu ka soo jeedo inay laasiimaan samir iyo duco, laabtana galiyaan in Marxuumku ka baxay qaranka oo dhan isaga oo ku hawlan shaqo qaran. Waxa dilay gacan gar darro iyo caqli gaab uu nabadooda iyo ammaankooda ilaalinaayey. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa inaan xukuumaddu waxba la hadhin sidii ay u horkeeni lahayd cid kasta oo ka dambeysay iyo kuwa fuliyey dilka foosha xun. Baaq kale waxaan u dirayaa dadka degaanku inay ciidamada kala hawl galaan sidii arrintani ayna gacmaha uga baxdeen ooy la shaqeeyaan ciidanka sidii loo soo qaban lahaa, waa inayna waxba kala hadhin soo qabashadooda meel kasta ooy joogaan  . Balaayo madax la qabto ayey leedahay, colaad iyo dagaal waxa laga dhaxlaa waa dumis, burbur iyo dil ay ku dhintaan cid aan dambi lahayn. Dhammaan aynu ilaalino ammaanka iyo mustaqbalka qarankeena oo maraaya marxalad abaaro, iyo mid xiisado siyaasi oo waliba cadowgeenu dhib kasta oo ina dhex marta ayna faraha kala laabanayn bal se ay sii hurin doonaan, haddaynu fursad siino.

Alle heynaga dhigo  dad iska qabta kolba inta qaladka iyo xumaanta jecel, waa adduunyo oo dhib iyo xumaani kama dhammaato arrintuna waa sida aynu u maareyno. Alle haynagu gargaaro inaynu xaqqa u hiilino, heynga yeelo inta nabadda u hiilisa, inta dab demiska jecel, necebna hurinta colaadda.

Alle waxuu gargaara inta samirka iyo dul qaadka u leh balaayada iyo dhibta adduunyo.

La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo gaar ahaan ciidanka Booliiska iyo Shacbiga Somalilandna waafajiyo samir iyo duco. Aaamiin.

Ahmed Arwo
0044 7535447230
Sent from my iPhone 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: