01 September, 2015

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo, iyo tacsida Marxuum Mujaahid Siciid Cali Giir


Tacsi Geerida marxuum Mujaahid Siciid Cali Giir



La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo, waxuu tacsi iyo murugo la qaybsanayaa shacab iyo xukuumadda Soomaliland guud ahaan geerida ku timid 

Marxuum Siciid Cali Giir

. Waxuuna si gaar ah u tacsiyadeynayaa ehelka, ubadka, tafiirta, xaaska, qaraabada iyo qoyska reer Cali Giir.
 
Axmed oo ka waramaaya Marxuumku waxuu yidhi"waxuu ahaa nin aan cidi kaga horreyn dhismaha qarannimada Soomaliland, WAxuu hormood ka ahaa isku deygii soo celinta qaranimada Soomaliland 1961 waxayna halgankiisu ku bilaabmay ilaa kifaaxii kicinta gumeysiga iyo dib ula soo noqoshada qarannimada Soomaliland. WAxuu ahaa haldoorka safka hore kaga jiray dhismaha dawladnimo ee Somaliland si gaar ah shirkii Burco iyo Boorame.. waxuu ahaa nin taariikh badan u soo joogay oo waayo arag siyaasi iyo mid dhaqanba leh. Waxaan gaar iyana tacsida u dirayaa beelweynta Sool iyo Sanaag Barri ee uu ka soo jeeday Mujaahid Siciid Cali Giir.

Marxuumka Alle ha u naxariisto hana ka yeelo kuwa dhaxla jannatul fardaws,  . Illaahay heyna waafajiyo inaynu u duceyno haldoorka inaga baxay. Ehel iyo asxaabna Alle ha waafajiyo samir iyo iimaan.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com


https://www.facebook.com/aharwo


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: